Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland: Kulmiye deputy chairman Waabeeye warns Kulmiye MPs against breaching the rules

Recommended Posts

Guddoomiye Ku xigeenka Labaad ee KULMIYE oo si adag uga jawaabay Eedo ka soo yeedhay Xildhibaano

June 8th, 2012

waabeeye-14.jpg

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiye Ku xigeenka labaad ee xisbiga talladda haya ee KULMIYE Md. Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye) isla markaana ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiiladda ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Huteelka Imperial ee magaaladda Hargeysa waxa uu jawaab kaga bixiyay Xildhibaano ka tirsan aqalka wakiiladda oo maalmihii la soo dhaafay si kulul u naqdiyay siyaasaddaa xukuumadda.

 

Guddoomiye Ku xigeenku wuxuu eedihii Xildhibaanadda ku tilmaamay naqdi diifaysan, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Labadii maalmood ee u dambeeyay, waxa Warbaahinta ku jiray Mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland, kuwaas oo waliba ka soo jeeda Xisbiga aan ka tirsanahay ee KULMIYE, laba ujeedo aynuu bana ka odhan lahaa, midi waxa weeyaan naqdiga iyo habka ay u hadleen mudanayaashaasi midna waxa weeyaan erayada diifta leh ee mudanayaashaasi qaar ka mid ahi ku hadleen . Horta Xisbinimadu waa dad isku tagay oo ka gudbay ururnimo oo leh ujeedooyin kal a duwan xambaarsan. Mudanayasha xisbiga KULMIYE ka tirsan maxay kaga duwan yihiin baa la odhan karaa dadka kale ee ka tirsan xisbiga KULMIYE. Haddaba Ninka mudanaha ah ee ka tirsan xisbul xaakimka ee intuu Saxaafadda tagay ee fariintiisa mariyay ma sax baa la odhan karaa mise waa khalad marka isaga oo ka tirsan Xisbigii Xukuumadda uu Warbaahinta ka dhaliilo.”

 

waxaan qabaa inuu is casilo oo uu iska casilo Xilkii uu xisbiga u hayay hadii uu ahaa gole dhexe, hadii uu ahaa guddi fulineed iyo haddii uu ahaa hogaan, marka uu is casilo waa inuu dhaliishii markaas sheegaa,”ayuu yidhi Guddoomiye Ku xigeenku.

 

Md. Waabeeyo wuxuu ku dooday inay anshax marin doonaan cid kasta oo ka tirsan xisbigooda oo ee cambaareysa xukuumadda ka dhalatay xisbiga KULMIYE , waxaanu yidhi “Sida aad la socoteen dhawr bilood ka hor waxa uu xisbiga KULMIYE qabsaday shirkiisii golaha dhexe waxa xil ka xayuubin lagu sameeyay guddoomiye ku xigeenkii labaad ee xisbiga Kulmiye, Cabdiraxmaan Cabdiqaadir sababta xil looga qaaday lagaga qaaday waxa ay ahayd isaga oo xisbigii uu ka tirsan in uu eedayn sameeyay, xeerkaas markaa uu muu ahayn mid gaar ah loo samaystay oo loogu tallo galay uun isaga oo xilka lagaga qaaday , laguna anshax mariyay, waa mid qabanaya anigana oo qofkasta hogaan ah ama guddi fulin ah, waa mid qaban kara guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi, waa mid Maxamed Kaahin qaban kara , oo cid kasta xisbiga ah qaban kara ama hoggaan ah.”

 

“Maanta waxa aan ku hadlayaa hogaanka xisbiga waxa aan yahay qofka ugu haboon ee saaxiibaday u jawaabi kara mar waxa aanu nahay golaha Wakiilada oo xisbi ka soo wada baxay, hogaanku maadaama uu sharcigaasi jiray oo guddoomiye ku xigeenkii labaad la mariyay inta sidaas oo kale yeeshana waa la marinayaa waana digiin tani maanta xeerka Lr 14 ayaa cadaynaya in qofku hadii uu si cad uga hor yimaado oo uu soo mari waayo. Xisbiga KULMIYE waxa uu kaga duwan yahay Xisbiyada kale waa xisbi qaran, laakiin Ninka ka tirsan xisbiga ee Warbaahinta dhaliisha soo marinaya kama qaadanayno,”ayuu yidhi Xildhibaan Waabeeyo.

 

“Erayadii diifta lahaa ee ka soo yeedhay saaxibkay Siciid Cilmi Rooble, horta Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ALLA ha u naxariistee waxay ahaayeen laba hoggaamiye oo dalkan soo maray, laba Madaxweyne oo taariikhdii dalkan ay ku laahayeen qoran tahay oo meel kasta ka muuqato waa niman tamartooda iyo caqligooda u soo lumiyay sidii Somaliland wax u noqon lahayd, Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo-na waxa uu ahaa saaxiibadii labadaas Nin, saddex Nin oo Siyaasyiin ah oo isku wakhti ah ayay ahaayeen, saddexdaas Nin ee laba inaga hooseeyeen wakhtiyo badan bay soo mareen waxay ka soo qabteen dawlahii hore xilal kala duwan sida Raysal-wasaarihii hore ee Somalia,”ayuu yidhi Guddoomiye Ku xigeenku.

 

“Waxaan doonaynaa in arrimaha noocaas oo kale dadkeena iyo dalkeena uga tudhno oo halka ay naxliga iyo buqdiga u sheegayno dadkeena waxa ka wanaagsan in aynu wanaaga u sheegno, waxaana odhan lahaa saaxiibkay Siciid Cilmi Rooble halkii dadka xumaanta laga tusi jiray imika wey bogsatay,”ayuu yidhi Waabeeyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this