Xaaji Xunjuf Posted June 8, 2012 Prof. Cali Maxamed Geedi oo ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya… June 7, 2012 | Warqabad.net 07-May-2012: Ra’iisul Wasaarihii hore Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa maanta kaga dhawaaqay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya inuu yahay musharax u taagan doorashada xilka Madaxtinimada Soomaaliya oo lagu wado inay dhacdo 20-ka bisha Agosto ee sanadkan. Isagoo wareysi siinayay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayuu Prof. Geeddi muujiyay in aanu ka bixin Siyaasada, isagoo si qoto dheer uga hadlay siyaasada iyo xilliga kala guurka ah ee lagu jiro. Prof. Geeddi oo iska casilay xilka Ra’iisul Wasaarenimo dhamaadkii bishii October ee sanadkii 2007-dii markii cadaadis uga yimid Beesha Caalamka, kadib khilaafkii siyaasadeed ee kala dhaxeeyay Madaxweynihii hore ayaa sheegay in Soomaaliya ay heysato fursad ay ugu gudbi karto Dowlad rasmi ah. Qodobka koowaad Soomaaliya waxa ragaadiyay maamulo KMG inay dhamaadaan dowlad rasmi u gudubto soomaaliya waa wax umada soomaaliyed ay aad iyo aad u sugeyso, caalamakana uu sugayo, sidaas daraadeed halganka socdo waxaa rajeynayaa inuu mira dhal noqdo, maslaxada umada soomaaliyed uu ku gaba gaboobo”ayuu yiri Prof. Cali Maxamed Geeddi. Prof. Geeddi ayaa ka digay in hardanka siyaasadeed ee socda in aan lagu lumin fursadaha jira, isla markaana dib loo milicsado taariikhdii la soo maray. Somaliland iyo Puntaldn waxaa dhisay dhaqan, dhaqanka soomaaliyed ee soo jireenka waa midka saldhiga iyo marjaca u ah Umadaha Soomaaliyed”ayuu yiri Prof. Geeddi oo muujinayay awooda dhaqanka u leeyihiin inay soo xulaan Baarlamaanka cusub. Mar wax laga weydiiyay arrimaha ammaanka ayuu sheegay in Xukuumadihii u dambeeyay aanay waxba ka soo naasa cadaan dhismaha Ciidan qaran oo la yagleelo, isagoo xusay in ciidan qaran oo aan la dhisin inaan lagu riyoon in Soomaaliya nabad ka islaaxdo, Soomaaliya waxay dhahdaa biyo sacabdadaa looga dharkaa ciidan qaran oo Soomaaliyed oo la dhisin yaan lagu riyoon, in dalka nabada oo aslaaxdo oo sharci iyo kala dambeyn ku soo noqdo, Ciidamada Midowga Afrika, waxaana haa mas’uulkii wax ka qaban qaabiyay, heshiiskii dalka ay ku soo galeen wax ka saxiixay, waa loo baahi qabaa, laakiin baahida loo qabo mid joogta ma noqoneyso waa KMG, in inta ay nala joogaan ciidamo qaran la dhiso, taasna waxaa ka gaabiyay Maamuladii la soo maray”ayuu yiri Prof. Geeddi. Xilligan kala guurka Soomaalida hada mareyso waa la garan karaa in loo baahan yahay dowlad xoog leh amniga sugta howlaha hor yaala dhista, soo celinta kala dambeynta dhismaha Hey’adaha dowladda, Maamul goboleed, in dowlad fuliso awooda in Soomaaliya yeelato nidaamka xisbiyada Sidaas daraadeed waxaa ka mid ahay musharaxiinta u tartameysa hogaanka dalka Soomaaliyed, anoo Kalsooni ku qabo hadii umadeyda i doorata wax badan qaban doono, in Soomaaliya u baahan tahay amni iyo nabadeyn”ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya. Sidoo kale Prof. Geeddi ayaa sheegay in Soomaaliya u baahan tahay hogaan adag oo ku soo celiya sharafka dadka Soomaaliyed, cadaalada, isagoo tilmaamay in dadka waxa kala fogeeyay ay tahay cadaalad darada sida uu yiri. Cadawga Soomaaliyed waxaa ku tilmaamaa marka la sheekeysanayo siyaasiyiinta iyo wxgaradkaba Soomaaliya waxaa ka jira iraahdaa Saddex Cadaw mid waa argagixiso, burcad badeed iyo mususq maasuq, musuq maasuqa si gaar ah danaha umada soomaaliyed ayuu ragaadiyay”ayuu yiri. Mar uu ka hadlay qeyla dhaanta ka imaaneysa qeybaha bulshada oo ku aadan habka lagu soo xulay odayaasha dhaqanka ayuu sheegay in aanu aqbali doonin in la fara geliyo awooda odayaasha dhaqanka. Ma doonayo inaa hal boqor suldaan, islaan, malaaq, wabar, ugaas iyo imaan inaan iraahdo ina adeerow hebel xildhibaan iiga soo dhig ha i doortee, xaaraame iga tahay waa inay ka feejignaadaan dhamaan siyaasiyiint inay isku dayaan inay dadka gacan la galaan ama fara geliyaan, Beelaha soomaaliyed inay sidooda wax u qeybsadaan, fara gelinta waa la socdaa qeyla dhaan ka taagan odayaal dhaqameedyada xamar lagu soo uruurshay oo meelo kala duwan laga keenay, qeyla dhaanta yeereysa in wax qaldan yihiin baa muuqata wixii qaldan in la saxo waa lagama maarmaan hadii kale cawaaqib xumada Soomaaliya u keenta mas’uuliyadeeda waxaa qaadeysa cidii ka shaqeysay, ma aqbali karno umada soomaaliyed aqbali meyso, hogaamiye dhaqameedyo soo jiray qarniyo ma ahan wax la magacaabay ama la doorto ee waa boqortooyo dhalasho ku timaada, ma ahan nabadoon beesha inta doorato hadhow la eryo”ayuu yiri Prof. Geeddi oo ka hadlayay arrinta odayaasha dhaqanka iyo habka soo xulida Xildhibaanada Baarlamaanka cusub. Murashixiinta Soomaaliyed waa u siman yihiin dhaqanka inay cid u hiilin cidna ka hiilin, si daacad u soo xulaan baarlamaan iyaga ay soo xusheen, Beesha Caalamka waxaa ka codsaneyna inay boqorada Soomaaliyed gacan ku siiyaan inay si dhex dhexaadnimo ah oo aan fara gelin, lana handidin oo la laaluushin inay la xulaan baarlamaanka soomaaliyed ee soo socda”ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Ugu dambeyn Prof. Geeddi ayaa sheegay inuu isu diyaarinayo si uu uga qeyb galo doorashada madaxtinimada, inkastoo aanu sheegin goorta uu Muqdisho imaanayo, hase ahaatee waxaa uu Prof, Geeddi ka mid noqonayaa musharaxiinta isa soo tareysa ee loolanka adag ugu jira Madaxtinimada Soomaalida. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 8, 2012 Dhagayso ” Cali Max’ed Geedi oo u Sharraxan Madaxwayne-nimo Jun 7, 2012 - Raysul wasaarihii hore ee Somalia Cali Max’ed Geeddi ayaa shaaca ka qaaday inuu u sharraxanyahay xilka madaxwayne nimo ee dalka Soamlia. Xilli uu waraysi siinayay idaacadda VOA-da asagoo ku sugan magaalada Nairobi ayuu sheegay in uu yahay musharrax u taagan xilka madaxnimo ee Somalia, wuxuuna intaa raaciyay in marxaladda uu haatan dalku ku jiro ay mudantahay in wax laga qabto. Cali Max’ed Geeddi ayaa ka digay in hardanka siyaasadeed ee socda in aan lagu lumin fursadaha jira, isla markaana dib loo milicsado taariikhdii la soo maray. Mar uu ka hadlay qeyla dhaanta ka imaaneysa qeybaha bulshada oo ku aadan habka lagu soo xulay odayaasha dhaqanka ayuu sheegay in aanu aqbali doonin in la fara geliyo awooda odayaasha dhaqanka. Mr.Geeddi ayaa xilka iska casilay 2007dii xilligaasoo uu dalku madaxwayne ka ahaa Allaha u naxariistee Mudane C/laahi Yuusuf Axmed http://warqaad.com/2012/06/07/dhagayso-cali-maxed-geedi-oo-u-sharraxan-madaxwayne-nimo/ Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 8, 2012 ^^ I cant see that Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted June 8, 2012 To hold the title of Professor one should hold a Lecturing position at a University. It's a title you can carry with you, its a title coming with a particular position at a Universities. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted June 8, 2012 Somalia, isn't he you and Meles' friend? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted June 8, 2012 He was till he mocked everything up for his own financial benefit and blamed it on others, waa dugaag. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted June 8, 2012 Somalia;839936 wrote: He was till he mocked everything up for his own financial benefit and blamed it on others, waa dugaag. lol...Waa markii aad lacagta isla cunteen. ...oo kelimedda Dugaag-na ma taqaan? I thought you were a 19 year old who lived if the West for most of his life? Quote Share this post Link to post Share on other sites