Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Ben KNAPEN Dutch Minister for European Affairs and International Cooperationdelegation in Puntland

Recommended Posts

Dutch Delegation lead by International Cooperation Minister arrives in Garoowe capital of Puntland State.

 

Wafdi ka socda Dalka Netherland oo soo gaaray Magaalada Garoowe xarunta Puntland

 

June 6, 2012

 

Wafdi uu horkacayo Wasiirka Xiriirka Caalamiga ah ee dalka Netherland Mr Ben Knapen ayaa maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garoowe xarunta Dowlada Puntland.

 

Ka dib soo dhaweyn Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa waxaa loo gelbiyay dhanka madaxtooyada Puntland ee Garoowe, waxaana halkaasi ay kula kulmeen madaxda Sar sare ee Dowlada Puntland sida Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen C/samad Cali Shire.

 

Kulan ay wada qaateen madaxweyne ku xigeenka iyo wafdiga wasiirka ka dib ayaa Wasiirka Dalkaasi Netherlands waxa uu sheegay in Safarkiisa magaalada Garoowe ay ku yimaadeen isaga iyo wafdigiisa uu ku aadan yahay arimo badn ayna ugu weyntahay arinta iskaashiga la dagaalanka Burcad badeeda iyo arimo kale sida Amaanka iyo arimaha Kala xiliga Kala guurka .

 

Wasiirka Xiriirka Caalamiga ah ee Netherland ayaa sidoo kale sheegay in Dowladiisu ay diyaar la tahay Iskaashi dhinac kasto leh in ay la sameyso dhinacyada Dowladaha ka jira Soomaaliya sida Maamul goboleedyada iyo Dowlada dhex ee Soomaaliya, si loo xoojiyo kala dambeynta amniga iyo horumarka.

 

Sikastaba ha ahaatee wafdiga Wasiirka ayaa lagu wadaa in uu isla maanta ka amba baxo magaalada Garoowe iyagoona magaalada Addis Ababa ee Dalkaasi itoobiya kula kulmaan wafdi uu horkacayo madaxweynaha Puntland oo ku sugan dalkaasi.

 

SBC International Garoowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Radio Muqdisho

 

Wafdi Ka Socday Dowladda Holland Oo Gaaray Garoowep

 

Published on June 6, 2012

 

Waxaa maanta magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland soogaaray wafdi ka socday dowladda dalka holland kuwaas oo kulan la qaatay Mas’uuliyiinta Maamul goboleedka Puntland.

 

Wafdiga ka socday wadanka Holland ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirka Xiriirka Caalamiga ah, safiirka holand u fadhiya dalka Kenya iyo madaxa howlgalada Wasaaradda Gaashaandhiga dalkaas, iydoona wafdigaasi ay soo dhoweeyaan Madxweyne ku xigeenka Puntland C/samada Cali Shire iyo Mas’uuliyiin kale.

 

Wafdiga ayaa markii ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha ayaa waxa ay Kormeer ku tageen xarumaha ay daganyihiin qoysaska barakacaasha ah iyo Xabsi Dhowaan laga dhisay Garoowe kaas oo loogu tala galay burcad Badeeda.

 

Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/samad Cali Shire oo la hadlay Warfidiyeenada ayaa sheegay in mas’uuliyiinta ka socotay dowladda Holland ay Kawada hadleen arrimo ay ka mid yihiin buracad badeeda.

 

Sidoo kale wasiirka xiriirka caalamiga ah ee dalka Holland ayaa xusay in dowladdiisa ay diyaar u tahay ladagaalanka burcad badeeda, xasalinta iyo hormarinta wadanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faahfaahin: Wafidigii dawlada Holland oo la kulmay madexda sare ee dawlada Puntland, booqdayna goobo muhim ah.

 

Posted by Puntlandi on June 6th, 2012

 

Garowe(Puntlandi.com):- Barqanimadii maanta waxaa magaalada Garowe soo gaaray wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Wasiirka arrimaha dibada iyo xiriirka caalamiga ah ee wadanka Holland Mr, pen knapen.

 

Soo dhawayn balaaran oo wafdiga loo sameeyay waxay u soo gudbeen xarunta madextooyada dawlada Puntland halkaas oo ay kulamo kula qaateen madexda dawlada Puntland oo uu horkacayo madexweyne ku xigeenka dawlada Puntland Cabdi Samad Cali Shire, waxayna aad uga wada hadleen arrimo farabadan oo ay ku jiraan arrimaha la dagaalanka iyo maxkamadaynta burcad badeeda, Xoojinta amniga iyo arrimaha xabsiyada iyo tayaynta ciidamada.

 

Kulankan kadib wafdiga Wasiirka arrimaha dibada iyo xiriirka caalamiga ah ee wadanka Holland Mr, pen knapen oo ay waheliyaan masuuliyiinta dawlada Puntland waxay kormeer ku tageen goobo farabadan oo ay ku jiraan Saldhigyada Ciidamada Booliska ee magaalada Garowem, Xarunta Ciidamada Sirdoonta Puntland ee CID-da, Dhismaha cusub ee xabsiga magaaladda Garowe iyo Isbitaalka guud ee gobolka Nugaal.

 

Shir-saxaafadeed ay si wada jir ah xarunta madextooyada dawlada Puntland ee magaalada Garowe ugu qabteen Madexda sare ee dawlada Puntland iyo Wasiirka arrimaha dibada iyo xiriirka caalamiga ah ee wadanka Holland Mr, pen knapen ayay uga hadleen kulamadan iyo ujeedada safarka wafdigan.

 

Wasiirka arrimaha dibada iyo xiriirka caalamiga ah ee wadanka Holland Mr, pen knapen ayaa saxaafada u xaqiijiyay in ujeedada socdaalkoodani ay ku qotan tay xoojinta xiriira Dawlada Holland ay la leedahay Dawalada Puntland islamarkaana wadahadal toos ah ula qaadan lahaayeen madexda Puntland si ay arrimo farabadan isaga kaashadaan.

 

Wasiirku wuxuu sheegay in safarkoodani uu la xiriiro sidii dawlada Holland ay u taageeri lahayd hawgalka la-dagaalkanka burcadbadeeda ee dawlada Puntland ay ka wado barriga iyo badaba iyo guud ahaan la dagaalanka burcad badeeda ee wadanka Soomaaliya, dhamaystirka iyo ka qaybqaadashada xaalada kala guurka ee dawlada federaalka Soomaaliya oo ku eg bisha August ee sanadkan, Horumarinta Ciidamada iyo xabsiyada Puntland iyo arrimo kaloo farabadan.

 

Kulamadan iyo Kormeeradan goobahan muhiimka ah ee magaalada Garowe waxaa qayb ka ah wafdi mudo dhawr maalhood ah horay ugu sugnaa magaalada Garowe oo uu horkacayay Wasiir ku xigeenka arrimaha dibada ee dawlada Holland kuwaas oo imaantinkan wafdigan u gogol xaarayay.

 

Wafdigan dawlada Holland ka socday ayaa la filayaa in Puntland ay ku sii sugnaadaan mudo maalmo ah oo ay kulamo joogta ah la qaadan doonaan madexda sar sare iyo hay’adaha kala duwan ee dawlada Puntland.

 

Puntland Office – Garowe

garowe@puntlandi.com

www.puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dutch Delegation visit compound of the Puntland Police in Garoowe, Headquarters of the Puntland CID, New Prison builiding of Garoowe and the General Hospital of Nugaal Province.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka iskaashiga caalamiga ee Holland oo Garowe yimid

 

6 Jun 6, 2012

 

GAROWE ONLINE

 

Wasiirka Iskaashiga caalamiga iyo arrimaha Yurub Holland u qaabilsan Mr.Ben Knapen ayaa maanta 6 June,2012 waxa uu booqasho ku soo gaarey magaalada Garowe xarunta dowaldda Puntland.

 

Masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweyey sida wasiirka duuliska hawada iyo garoomada Puntland Cali Axmed Gamuute ,wasiiru dowlaha qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah Dr.Cabdiqaadir Cabdi Xaashi iyo agaasimaha guud ee madaxtoyada Puntland Dr.Jaamac Warsame.

 

Wasiirkan ka socdey dalka Holland ayaa waxa wehelinayay safiirka u qaabilsan Kenya Joost Reintjes iyo agaasimaha hawlgalada wasaarada gaashaandhiga Holland Major Gen.Leo Beulen.

 

Kormeer ayay ku tageen wafdiga Holland xarumo ku yaal caasimada Puntland sida xarunta laanta danbi baarista (CID) oo tababar uga socdey koox danbibaarayaal ah waxana warbixntooda siiyey wasiirka mid kamida macaliminiita wadey hawshas oo UNDP ka tirsan.

 

Mida kamida xeryaha barakacayaasha Garowe ayaa ku xigtey booqashada goobaha uu ku tagayey Mr.Ben iyo xubnaha la socdey waxana halkaasi u kuurgaleen xaalada bini’aadanimo ay ku suganyihiin dadaaksi iyagoona si gaar ah u wareystey qaar kamida.

 

Aqalka madaxtoyada ayuu kula kulmey kadib intaasi ku xigeenka madaxweynaha Puntland ahna sii hayaha xilka Gen.Cabdisamad Cali Shire iyo qaar kamida wasiirada sida Dekedaha iyo la-dagaalanka burcad badeeda Eng.Siciid Maxamed Raage iyo wasiirka deegaanka Cabdiqani Yuusuf.

 

Inkastoo saxaafadu kulankaasi banaanka ay ka joogtey haddana markii uu soo dhamaadey ayay madaxda Puntland iyo masuuliyiinta Holland waxay shir saxaafadeed ku qabteen madaxtoyada Garowe oo ku saabsan nuxurka wadahadalkooda iyo ujeedka socdaalka wasiirka.

 

Gen.Cabdisamad Cali Shire ayaa tilmaamey inay ka wada hadleen Puntland iyo Holland la-dagaalanka burcad badeeda , argagixisada ,taageerida mashaariicda horumarineed iyo weliba xasilinta guud ahaan dalka.

 

Dhankiisa ayuu ka cadeeyey Ben Knapen qorshaha kowaad ee Holland inuu yahay nabadgelyo ka dhalata Somalia iyo in lagu socdo qorshaha geedi socodka nabada Somalia oo Bisha August2012 dowlad cusub dhalaneyso.

 

Puntland ayuu sheegey inay u yimaadeen sidii ay indhahooda ugu soo arki lahaayeen halka ay marayaaan mashaariicday bixiyaan iyo taakulo Holland u fidineyso Puntland.

 

Xabsiga Garowe oo dhismihiisu socdo ayuu ugu danbeysiiyey booqashadiisa wasiirka Iskaashiga caaliamiga ee Holland waxana uu duuley dhinaca Addis Ababa oo caawa lagu wado inay isku arkaan madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole kulan casho ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia: Dutch Minister visits Puntland

 

6 Jun 6, 2012

 

GAROWE, Somalia Jun 06 2012 (Garowe Online) – The Dutch Minister for International Cooperation and European Affairs visited Garowe, the capital of Puntland, on Wednesday, Radio Garowe reports.

 

Garowe_Online3.jpg

Dutch Minister for International Cooperation and European Affairs Mr.Ben Knapen Photo(GAROWE ONLINE)

 

Ben Knapen landed at Garowe airport early Wednesday, where he met with Vice President Abdisamad Ali Shire, Saeed Mohamed Ragge Minister of Ports and Counter Piracy and other Puntland officials.

 

Minister Knapen was accompanied and Dutch Major Gen. Leo Beulen and the director of operations of the Dutch Ministry of Defence.

 

Garowe_Online.jpg

Dutch Minister With Puntland Vice President Mr.Shire Photo(GAROWE ONLINE)

 

The officials met behind close doors and discussed the political and security situation in Puntland. Minister Ben Knapen visited the newly built investigation headquarters, where he was accompanied by Puntland officials, including State Minister of Planning Abdulkadir Abdi Hashi.

 

In a statement provided by the Dutch Minister, he said that more needs to be done to combat piracy, suggesting that prosecution and detention of pirates should be done locally after rule of law is strengthened. Late last month Puntland and Mauritius signed an agreement to temporarily hold convicted pirates, which was overseen by the EU and UNODC.

 

Garowe_Online2.jpg

Ben Knapen visited IDP Camps in Garowe with Puntland Officials Photo(GAROWE ONLINE)

 

The Netherlands Minister promised that they would continue supporting international efforts to fight piracy particularly anti piracy operations just off the coast of Somalia.

 

Before departing to Addis Ababa, Minister Knapen visited an internally displaced peoples (IDP) camp and met with IPDs. In the year 2010 the Netherlands assisted Somalia with 9 million dollars. In Wednesday's statement Minister Knapen said, “There will also be limited expansion of development efforts in Somalia in the coming years.”

 

The peaceful end of the transitional government and stabilization were key issues to the Dutch policy towards Somlia.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Minister for European Affairs and International Cooperation Ben Knapen One-One discussion with IDP's with Puntland Minister of State for InIInternational Cooperation Cabdilqaadir Xaashi looking on

 

IMG_1300.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this