Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Funny somali news, ShacabkaMedia: Wasiir Abdullahi Hassan a Cocaine Addict

Recommended Posts

Wasiirka arimaha dibadda ee Dawladda Kmg-ah C/laahi Xasan,ayaa ceeb-weyn u soo jiiday Xukuumadda Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliyeed,kadib markii Booliiska Tanzaaniya gacanta ku-dhigeen xili uu sanka ka qaadanayey Daroogadda Kookiinka loo yaqaan,mana aha markii ugu horeysay ee Wasiirkan Daroogiistaha ah uu falkan foosha-xun ku dhaqaaqo,waxaana falkan mid la mid ah uu ku dhacay,xıli uu deganaa Hotel (Conrad)oo ku yaal Magaaladda İstanbul,kana tirsanaa wefdigii Dawladda ee ka qeyb-galey Shirka İstanbul,isagoo aan la tashan Wasiiradii uu la socday ayaa waxaa laga war-helay inuu ka dhoofay Garoonka (Ata-Turk) xili uu daroogeysnaa ,waxaana arintan ka carooday Asxaabtiisa oo la yaabay sababta ku keliftay isagoo alaalax ah inuu Tigidh-iska goosto Diyaaradna u raaco Magaaladda Nayroobi.lana socodsiin safarkiisa asxaabtiisa.

Wasiirkan oo muddo 24-saacadood la baafinayey,ayaa hadda laga war-helay inuu soo gaaray Magaaladda Daarasalaam ee caasimadda Dalka Tanzaaniya,waxayna Dawladda ku baraarugtay in Booliiska Tanzaaniya ay gacanta ku-dhigeen xili uu Sanka ka qaadanyey Daroogadda qatarta ah ee loo yaqaan (Kokiin).

Ninkan Daroogiistaha ah,ayaa markii dambe Booliiska Tanzaaniya ku-soo-daayeen lacago laaluush ah,waxaana la filayaa inuu ku soo biiro Wefdi Madaxweynaha Soomaaliya oo saacadaha soo socda ku soo wajahan Dalka Tanzaaniya.

Wasiirkan sharaftii uga ciyaaray heykalka dawladnimo,ayaa dadkii yaqaanay sheegay inuu muddo 7-sanno iyo ku-dhawaad uu sanka ka qaadan-jiray Daroogadda Kokiinka,ayna la yaabeen markii ay ka warheleen Wasiir baa laga dhigay,halkii ay aheyd in laga miiro Daroogadda ninkan dilootay.

Waxaa xusid mudan,mudadii 3-bilood ee ninkan Wasaaradda arimaha dibadda uu la wareegay,inay isku dhex-yaacday Wasaaradda.isagoo Agaasimayaal waaxeed u magaacabay Rag ay asxaabo-yihiin dhinaca Daroogadada oo qabiil ahaan u dhashay (Shaanshi ıyo Gibil-cad)wuxuuna mudooyinkan bilaabay inuu Qunsul-sharafeedyo u magacaabo dad uu lacago laaluush ah ka qaatay,iyadoo arintan ay dalaal uga tahay Gabar ka dhex kaluumeysata Wasiiradda Dawladda Kmg ah,gabadhan dalaaleyda ah ee hadda gacanta ku-dhigtay Wasiirkan Daroogiista ah,ayaa Qabiil-ahaan u dhalatay ********** (Cumar-Maxamuud).waxaana Gabadhan Muqalisadda ah lagu magacaabaa (Aamino Deeble).

Hadabba waxaa la gudboon Xukuumadda inay il-gaar ah ku-hayaan Wasiirkan daroogiistaha ah ee isku dhex yaaciyay Wasaraadda Arimaha dibadda,ilaa iyo hadana 58-jeer u duulay wadamo badan oo Caalamka ka tirsan,isagoo xitaa aan safaradiisa ogeysiin xafiiska R/wasaaraha oo la yaabsan dhaqan-xumadda Wasiirkan hadda Asxaabtiisa u yaqaaniin C/laahi Kokiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ninkaan Windsor, Ontario, ayaa daris ku ahayn, asaga iyo reerkiisa. That was back in '90s. Typical middle-aged Soomaali iska ahaa. However, shaqsi ahaanteyda wasiir arrimo dibad uma dhiibteen. That is my opinion.

 

And about waxaan kor ku qoran, Soomaalida 'libel' iyo waxaas ma kala yaqaanaan. Wax walba waa iska qor.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Waa iska caadi. Many western politicians do it. Makes the sharp and responsive. Better then Qat. Atleast he can do his job when using it with other foreign officials.

 

The question is, is there any specif reason to doubt the man isn't doing his job?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

oba hiloowlow;838561 wrote:
Abwaanow i read it when im bored waa waagacusub oo kale

Websiyada Soomaalida waa kaa yaabinayaan...weliba Waagacusub, Shacabkamedia, idamaale iyo Dayniile.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this