Xaaji Xunjuf Posted June 4, 2012 Maamul KMG ah oo loo magacaabay Degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose Isniin, June 04, 2012 (HOL) — Ururka Raaskaambooni ee ka barbar dagaalama ciidamada dowladda KMG ee Jubooyinka ayaa maanta maamul cusub kaga dhawaaqay degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose, iyadoona la sheegay in maamulkani uu noqon doono mid KMG ah. Maamulkan cusub ee looga dhawaaqay degmada Afmadow ayaa weli ah mid aan dhameystirnayn, iyadoona gudoomiyaha degmada Afmadow loo magacaabay C/xakiin Cumar Xaaji oo kamid ah dhaqdhaqaaqa raaskaambooni, kana soo jeeda degmada Afmadow. Magacaabista Gudoomiyaha Maamulka Degmada Afmadow ayaa timid kadib falanqeyn dheer iyo wada tashi ay yeesheen masuulyiinta Ciidamada hogaamineysa iyo Odayaasha deegaanka, inkastoo ay jiraan odayaal ka soo horjeestay magacaabista Gudoomiyaha cusub ee degmada Afmadow. Ma jiraan masuuliyiin katirsan dowladda KMG oo ka hadlay maamulka cusub ee looga dhawaaqay degmada Afmadow, waxaana ilaa imika la garaneyn sida dowladda KMG ay u aragto maamulkan cusub ee ururka Raaskaambooni kaga dhawaaqay degmada Afmadow. Maamulka oo weli ah mid qabyo ayaa la filayaa in lasoo dhameystiro islamarkaasina lagu dhawaaqo xubnaha kale ee uu ka koobnaan doono maamulka loo sameeyay magaalada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted June 4, 2012 Nice to see you choose Azania over Jubbaland. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 4, 2012 Madaxweyne Shariif: Waa guul taariikhi ah la wareegitaanka Afmadow SHABELLE MEDIA NETWORK JUNE 4, 2012 Muqdisho: (Sh. M. Network) Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa guul taariikhi ah ku tilmaamay la wareegitaankii ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya ee degmada Afmadow ee gobolka J/hoose, isgoo dhanka kale sheegay in aan ammni la heli karin hadii aan la dhisin ciidamada qaranka Soomaaliyeed. Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya oo maanta dalka dib u gu soo laabtay ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay waxa uu ku sheegay in la wareegitaanka degmada Afmadow ee J/hoose ay tahay guul taariikhi ah oo u soo hoyatay shacbiga Soomaaliyeed iyo ciidamada dowladda. Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in uu hambalyo iyo bogaadin u dirayo ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ee dhawaan Al Shabaab kala wareegay degamada Afmadow ee gobolka J/hoose halkaasi oo ay mudo dheer dagaal yahanada Shabaab ay ka talinayeen. Mudane Shariif Sheekh Axmed oo hadalkiisa siiwata ayaa waxa uu sheegay in aan lagu guuleysan karin ammanka dalka Soomaaliya, hadii aan la dhisin ciidamada qalabka sida ee dowladda KMG Soomaaliya, waxaana uu intaasi ku daray in ciidamada AMISOM ee taageeraya dowladda aysan sii joogi doonin sida uu halka u dhigay, isagoona xusay in hada ay bilaabatay tayeenta ciidamada xooga dalka Soomaaliya. Madaxweyne Shariif ayaa sidoo kale soo hadal qaaday shirkii maalmo ka hor ku soo idlaaday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kaasi oo looga hadlayay Mustaqbal Soomaaliya, waxaana uu sheegay in shirkaasi uu muhiim u haa sida uu hadalka u dhigay aayaha iyo mustaqbalka Umada Soomaaliyeed. Hadalka Madxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa ku soo aadaya waqti gobolo ka mid ah dalka Soomaaliya ay ka soconayaan howlgalo ka dhan ah Ururka Al Shabaab, iyadoo ciidamada dowladda KMG oo gacan ka helaya ciidamada gobolka ka socda ee hada ku sugan Soomaaliya u suura gashay in gacanta ku dhigaan degmooyin iyo deegaano horay Shabaabku ay gacanta ugu hayeen. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Haatu Posted June 4, 2012 Is Raas Kaambooni aligned with Azania. Funny how I don't know and you do. Ibtilooy Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted June 4, 2012 lol@hatu horta where is the Lasagna cheerleaders halkey ka baxeen mar beey dhaaran jireen, aggah hahaha Quote Share this post Link to post Share on other sites
Haatu Posted June 4, 2012 lol Oba, ma Aggah! bey sheekadda gaartey Waayahan kistoo waan ka gaabsaddey wararkii reerka. I bet even you know more. Tell me one thing Raas Kaambooni last time I knew, an old man oo reeraha ah baa u talin jirey ee, what happened to him and who is this new dude, ma reer Gedo baa? Ninka Afmadow xukunteedda loo dhiibay asna yaa waaye? All for imformation purposes only Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted June 4, 2012 Haatu lool sxbkeen Zack baan ula jeeday,, Sxb konfuurtaas jaahwareerka aduunka waaye i dont have a clue either, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 4, 2012 Haatu;838366 wrote: Is Raas Kaambooni aligned with Azania. Funny how I don't know and you do. Ibtilooy Yes Raskambooni is the armed faction of Azania Quote Share this post Link to post Share on other sites
Haatu Posted June 4, 2012 Xaaji Xunjuf;838371 wrote: Yes Raskambooni is the armed faction of Azania Mahadsanid. Then magacaabistan waa guul ummadda usoo hooyatey. :D I kid. I kid. What is the government's stance on this development. I heard a while back that Shariifka was doing his utmost to undermine Azania (Alle un baa og xaqiiqda). But so as to not be branded a hypocrite, let me make it clear I am against this Azania thing and all maamuul qabiileed. Dan inooguma jirto. With that said, xaaladda Jubbooyinka needs caddaalad and for the inhabitants of the region to be given a chance to discuss what is the best way forward for them without interference from others. Haddii kale, we will witness the clan wars all over again. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 4, 2012 Yes wa fiicantahay but lala ma tashan dadka kale eeh iyaguna stakeholderska ah Gobolada jubooyinka hadhow waxay odhanayan ninka lano so magacaabay ma rabno hanago tago dano gaar ah bu wata waad taqana Somalida. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Haatu Posted June 4, 2012 ^ Waa saad sheegeysid. They all need to decide on their leaders. Quote Share this post Link to post Share on other sites