Che -Guevara Posted June 4, 2012 Wararka sheegaya in Sheekh Xasan Dahir uu isku soo dhiibay Dowladda KMG oo la beeniyay Iyadoo saacadihii u dambeeyay ay soo baxayeen warar duul duulayay oo sheegayay in Sheekh Xasan Dahir Aweys isku soo dhiibay Dowladda KMG, ayaa xooraansi ay sameysay Shabakada Jowhar.com ku ogaatay in warkaas aanu jirin, iyadoo xiriiro kala duwan ay la sameysay dad ku dhow dhow Sheekha. Inkastoo qaar ka mid ah Idaacadaha Maxaliga ee Muqdisho ka hadleen iyo Bogga Internet-yada oo la soo booday warkan, ayaa qaarkood si aan uga fiirsan uga hadlay, markii warka xoogiisa laga dhigay inuu Madaxtooyada ku sugan yahayr. Sheekh Maxamed Ibraahim Bilaal oo ka mid ahaa raggii u horeeyay ee ay la xiriirto Bogga Jowhar.com, isla markaana ku dhowaa Sheekha beryahan ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu isku soo dhiibay Dowladda. "Sheekha kuma soo biirin, mana is dhiibin, halganka Jihaadka waa wadayaa"ayuu yiri Sheekh Maxamed Ibraahim Bilaal oo ka mid ah xubnaha Shabaab. Sidoo kale xiriiro aanu la sameynay Saraakiisha Shabaab ee dhinaca Warfaafinta ayaa inoo xaqiijiyay in Sheekh Xasan Dahir uu ku sugan yahay Magaalada Marka ee Gobolka Shabellaha Hoose. Xalay ayaa isaga iyo Sheekh Xasan Takar iyo Sheekh Nuur Macalin Cabdiraxmaan ay muxaadaro ka jeediyeen Masaajid ku yaal Magaalada Marka. Ma jirto hadal Dowladda si rasmi uga soo baxay, ama cadeyn u ah warka, ha yeeshee warbaahinta ayaa kaliya qiil uga dhiganayay wararka ku saabsan in Sheekh Xasan Dahir inuu isu soo dhiibay in saraakiil ka tirsan dowladda inay u xaqiijiyeen ama ilo wareedyo, mana jirin codod ay Idaacadaha qaar baahiyeen, laakiin sida caadada ah marka Sarkaal ama ciidan isa soo dhiibo saxaafada ayaa loo soo bandhigi jiray, saraakiisha dowladda ayaana ka hadli jiray. Saacadihii u dambeeyay ayaa warkan uu dal iyo dibad qabsatay, waxaana bogga Jowhar.com oo aan ka hor dhicin ku qaadatay inuu xaqiiqda soo saaro saacado, iyadoo ugu dambeyn uu helay ragg aad ugu dhow dhow Sheekh Xasan Dahir ayna u xaqiijiyeen. Inkastoo Al-Shabaab culeysyo milateri saaran yihiin, kadib markii laga qabsaday deegaano muhiim ah, ayaa hadana saraakiishooda waxay wali ku goodinayaan inay dagaalka sii wadayaan ilaa kan ugu dambeeya ka dhimanayo. http://www.jowhar.com/news.php?readmore=1119 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted June 4, 2012 xooraansi ay sameysay Shabakada Jowhar.com ku ogaatay in warkaas aanu jirin, Not another "waxa la yidhi" news ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 4, 2012 ^ imisaan laha war Sheikh Xassan daahir aweys waan aqaana war naartu ka dooranaya, inu ag fadhisto general Bahuku. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted June 4, 2012 It's over with Al Shabaab. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Marksman Posted June 4, 2012 I need proof! I'm guessing this evil man will get immunity? Or a seat in the government. If so, I'm very disappointed. There should be some sort of justice if this story is correct. Quote Share this post Link to post Share on other sites
wyre Posted June 4, 2012 Maadaama Isaga Isa So Dhiibay, Ma Isleedihiin Dowladda Ayaa Lagu Soo Biirinayaa? Quote Share this post Link to post Share on other sites
wyre Posted June 4, 2012 JB What Is Wrong With You Dee Quote Share this post Link to post Share on other sites
peasant Posted June 4, 2012 Qandalawi;838094 wrote: Where is Maadeey to tell us why did his uncle, spiritual leader and jihadist, gave up and surrendered to the AMISOM Gaalo and their lackeys the TFG. War Maadeey amuuba safka hore galay intii mudo ahyd lama arag! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Yunis Posted June 4, 2012 where is Abwaan - isagaa sh. kusheegaan iyo indha cadaba ka warhayee Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted June 4, 2012 ^^ :D loool Quote Share this post Link to post Share on other sites