Sign in to follow this  
Saalax

Musharaxa Madaxweynaha Soomaaliya oo Sheegay in Shirkii Istanbul uusan Waxba Soo Kordhin Doonin

Recommended Posts

Saalax   

Musharaxa Madaxweynaha Soomaaliya oo Sheegay in Shirkii Stanbul uusan Waxba Soo Kordhin Doonin Uuna La mid Yahay Shirarkii Labaatanka ahaa Ee Soomaaliya Horay Loogu Qabtay.

(Hadhwanaagnews) Saturday, June 02, 2012

Muqdisho-(HWN)- musharaxa utaagan jagada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay shirkii maalinkii shalay

 

Muqdisho-(HWN)- musharaxa utaagan jagada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay shirkii maalinkii shalay lagu soo gaba gabeeyay magaalada Stanbul ee dalka Turkiga kaasi oo la sheegay in uu yahay shir caalami ah oo Soomaaliya wax utaraya.

 

Xuseen Khaliif Xaaji Jaamac oo ah musharaxa utaagan jagada Madaxweynaha Soomaaliya kuna loo laami doono musharaxiinta kale ee sharaxan iyo kuwa isi soo sharixi doono ayaa ka hadlay shirkii shalay Stanbul lagu soo gaba gabeeyay iyo muhiimada uu leeyahay.

 

Musharaxa Xuseen Khaliif Xaaji Jaamac ayaa sheegay in horay Soomaaliya loogu qabtay labaatan shir kuwu aan ka yareen iyadoona la ogyahay in midkood uusan ka soo bixin hal qodob oo Soomaaliya wax utaraya kii Stanbulna uu lamid yahay shirarkii horay Soomaaliya loogu qabtay.

 

Waxaa uu sheegay Musharaxaan in dowladaha isku howlaya arimaha Soomaaliya aysan aheyn kuwa Soomaaliya wax uqabanaya balse ay yihiin kuwa dano iyo ujeedo gaar ah ka leh isagoona baaq culus udiray shacabka Soomaaliyeed uguna baaqay in ay ka tashtaan aayahooda mustaqbalka,

 

Si kastaba ha ahaatee waa musharaxii ugu horeeyay oo si cad uga soo horjeesta shirkii 40 ka dowladooda y ka qeyb galeen ee ka dhacay Stanbul waxaana sidoo kale uu sheegay Xuseen Khaliif Xaaji Jaamac in hadii madaxda dowlada waqtiga loo kordhiyo ay sii badaneyso dhibaatada Soomaaliya.

 

Xasan Kuuriya

 

Hadhwanaagnews/office Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this