Saalax Posted June 2, 2012 Musharaxa Madaxweynaha Soomaaliya oo Sheegay in Shirkii Stanbul uusan Waxba Soo Kordhin Doonin Uuna La mid Yahay Shirarkii Labaatanka ahaa Ee Soomaaliya Horay Loogu Qabtay. (Hadhwanaagnews) Saturday, June 02, 2012 Muqdisho-(HWN)- musharaxa utaagan jagada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay shirkii maalinkii shalay Muqdisho-(HWN)- musharaxa utaagan jagada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay shirkii maalinkii shalay lagu soo gaba gabeeyay magaalada Stanbul ee dalka Turkiga kaasi oo la sheegay in uu yahay shir caalami ah oo Soomaaliya wax utaraya. Xuseen Khaliif Xaaji Jaamac oo ah musharaxa utaagan jagada Madaxweynaha Soomaaliya kuna loo laami doono musharaxiinta kale ee sharaxan iyo kuwa isi soo sharixi doono ayaa ka hadlay shirkii shalay Stanbul lagu soo gaba gabeeyay iyo muhiimada uu leeyahay. Musharaxa Xuseen Khaliif Xaaji Jaamac ayaa sheegay in horay Soomaaliya loogu qabtay labaatan shir kuwu aan ka yareen iyadoona la ogyahay in midkood uusan ka soo bixin hal qodob oo Soomaaliya wax utaraya kii Stanbulna uu lamid yahay shirarkii horay Soomaaliya loogu qabtay. Waxaa uu sheegay Musharaxaan in dowladaha isku howlaya arimaha Soomaaliya aysan aheyn kuwa Soomaaliya wax uqabanaya balse ay yihiin kuwa dano iyo ujeedo gaar ah ka leh isagoona baaq culus udiray shacabka Soomaaliyeed uguna baaqay in ay ka tashtaan aayahooda mustaqbalka, Si kastaba ha ahaatee waa musharaxii ugu horeeyay oo si cad uga soo horjeesta shirkii 40 ka dowladooda y ka qeyb galeen ee ka dhacay Stanbul waxaana sidoo kale uu sheegay Xuseen Khaliif Xaaji Jaamac in hadii madaxda dowlada waqtiga loo kordhiyo ay sii badaneyso dhibaatada Soomaaliya. Xasan Kuuriya Hadhwanaagnews/office Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted June 2, 2012 http://hadhwanaag.com/detail.aspx?id=67896 Quote Share this post Link to post Share on other sites