ugaas Ali Posted June 1, 2012 Warmurtiyeedka kasoo baxay shirkii Stanbul ll ayaa Calamka iyo Madaxda Soomaalida ee shirka ka qayb galay ay hoosta uga xariiqeen in midnimada, Madaxbanaanida, iyo wadajirka Umada Soomaaliyeed ay lama taabtaan tahay, arintaan ayaa dhabarjab ku noqoneysa Soomaaliland. Soomaaliland waxay ka qaybgashay shirka maalintisii kowaad ee looga hadlayey deeqaha iyo dhaqalaha Soomaaliya loogu deeqayo, laakiin way qaadaceen inay ka qaybgalaan maalinta muhiimka ahayd ee Mustaqbalka Siyaasada Soomaaliya looga hadlayey oo ahayd manta(1 june 2012), Soomaaliland shirku wuxuu ku noqdey Hasha laaca aragtay laanta geedka mooyee laagaba ma aragto. Waxaa kaloo si weyn hoosta looga xariiqey in talada iyo Xal u helida Soomaaliya ay Masuuliyada kowaad ay leeyihiin Soomaalidu Beesha caalamkuna ku garab istaagi doonto, Heshiisyadii Kampala, Garowe iyo Gaalkacyo iyana la taaba galiyo, waxaa si cad loo cadeeyey inay Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanku uu xilkodu ku egyahay Ogosto. Shirka oo si qodo dheer loogu lafa guray arimaha iyo Xal u helda Soomaaliya waxaa kaloo la isku adkeeyey in isku meel looga soo jeesto cid walba oo carqabad ku noqota Roadmapka iyadadoo si wada jir ah loo taageerey oo lasoo dhaweeyey go’aankii Bishii May kasoo baxay IGAD,AU iyo Q.M ee ku aadanaa in cidii ka hortimaada hanaanka hada socda loo aqoonsanayo qaswadeyaal(Spoilers) ayadoo Shirkanna uu hoosta ka xariiqayo kooxahaasi in laga qaado talaabooyin adag. Burcad badeedka ayaa iyana shirka lagusoo hadal qaadey iyadoo la isla meel dhigey in xalka kaliya ee lagula dagaalami karo Burcad badeedka uu yahay iyadoo xitaa dhinaca Barriga(Dhulka) lagula dagaalamo. Waxaa shirka si kadis ah ooo lama filaan ah loogusoo bandhigey warbxin uu Baanka Aduunku soo bandhigey warbxintasoo sheegey sa in Dowlada Kumeelgaarka ah ay musuqmaasuqdey lacago fara badan labo sano ah gudeheed, laga soo bilaabo 2009 ilaa 2010 kii, lacagtasoo la sheegey in jeebka lagu shubtey, lacagtaan waxay kor u dhaafaysaa aduun dhan 200 milyan oo Dollar. Quote Share this post Link to post Share on other sites
ugaas Ali Posted June 1, 2012 Waxaa kaloo si weyn hoosta looga xariiqey in talada iyo Xal u helida Soomaaliya ay Masuuliyada kowaad ay leeyihiin Soomaalidu Beesha caalamkuna ku garab istaagi doonto Quote Share this post Link to post Share on other sites