Liban Posted June 1, 2012 Wasiiradii Somaliland ee Turkiga tegay oo calaankii Somaaliya luqunta sudhay midinmo muqadas ahna saxeexay. Wasiiradii Somaliland u metelayey shirka Somaliweyn ee Turkiga ayaa qoorta shuday astaanta shirka oo ka samaysan Calanka Somaliya iyo Ka Turkiga, arintaas oo ah qiyaanadii ugu xumayd ee qaranka laga galo. * * Raysal Wasaare Ku-xigeenka Waddanka Turkiga Dhexda, oo ay garabo taganyihiin Wasiirada Qorshanta Qaranka Iyo Macdanta Iyo Biyaha Somaliland. Wasiirada somaliland ayaa sacabka garaacayey markii Sheekh shariif iyo Ra’iisal wasaare TFG hortooda ka yidhaahdeen , Somaliland waxay u soo noqotay midnimadii soomaliya, oo way ka soo noqdeen khaladkii ay ku jireen. Hadalkaas oo ka xun hadalkii ninka Ciise caloosha toorayda iska geliyey. Inkasta oo markii horeba Somaliland loo soo macsuumay si la mid ah Maamul goboleedyada kale ee soomaaliya, hadana waxay ugu darnayd markii Wasiirka arimaha debedu goobjoog ka noqday Go’aamadii ka soo baxay shirkaas oo ay ugu horayso in midnimada somalia muqadas tahay. Wasiirka Arimaha Debeda ayaa la dhex fadhiisiyey waftiga Tansaaniya iyo Marooko, Labada wadan ayaa taariikh ahaan si saamayn ugu yeelanaya Somaliland sababtoo ah Tansaaniya ma ogola inay zinsibaar ka Go’do waxayna haysataa maamul hoosaad aad u liita, halka sidoo kale wadanka Marooko ay dagaal kula jirto Jabhada Saxaraha Galbeed oo doonaysa inay Marooko ka madaxbanaanato, hase yeeshee ay u diidan tahay. Labada wadan ee Wasiirku Arimaha debeda somaliland uu dhexfadhiyey ayaa waxaa mid kasta Horyaalay Calanka wadankiisa, Halka Wasiirka aanu calankii Somaliland Hor oolin sababtoo ah isagaa ku dooday in loo soo casuumay si la mid ah wadamada kale ee shirka ka soo qayb galay. * Hore ayay shabakada saraarnews idiinku soo bandhigtay in Siilaanyo heshiis midnimo London ku soo saxeexay, isagoo askartiisii dalacsiinin, shuruud la’aana ku tegay, Halka Sheekh Shariif ciidamadiisii ka sii wada dhigay Kornayl iyo Janan miidhan si marka la isku darsamo ay awooda ula wareegaan ciidamada Soomaaliya. Madaxweyne Siilaanyo ayaa doortay golle wasiiro ah oo la daalaadhacaya Karaamadii shacabka , inkasta oo wasiirada Arimaha guduhu u hiilinayaan xisbiyada Mucaaradka ah oo taageero u siyaadinayaan, halka Arimaha debedu Gaadhsiiyey karaamadii Somaliland maamul goboleed ka liita kuwa Soomaaliya. Source: http://saraarnews.com/?p=8628 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Wiil Cusub Posted June 2, 2012 Waa aragti shaqsi oo dhinac ka raran laguna faaleeyay shirkan si maan gaabnimo ah. Ma qiyaasay qoraagu, in meeshu ay tahay Istanbul ee aanay ahayn London. Waxa hubaal ah in madaxda wadankani sanad ka hor aanay waxba ka aqoon Somaliland. Anigu marna maan filayn in SL ay janis ku leedahay Istanbul waayo qofka wax ka og halkay taagnayeen waxa uu u arki karaa guul SL u soo hoyatay qodobadan uu wasiirku sheegay. “Arrimihii aanu shirkan Istanbuul u nimid waxay ahayd casuumad iyo marti-qaad aanu ka helay dalka Turkiga. Waxyaabihii aanu u nimidna waxa ka mid ahayd 1-Inaanu Somaliland qeybteeda ka hesho wax kasta oo taageero ah sida dhaqaalaha iyo mucaawimooyinka. 2. Waxa kale oo aanu u nimid inaanu dawladda Turkiga oo u soo banaan baxday inay arrimaha Soomaalida wax ka qabato inaanu u sharaxno kana dhaadhicino himiladda iyo qadiyadda Somaliland. 3- in aanu wadamadda aduunka ee shirkan ka qeyb galay la yeelano shir doceedyo ah kala yeelano arrimaha siyaasadda iyo horumarka ee Somaliland ka socda,”ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibadda oo shirkaasi markii uu soo xidhmay la hadlayay saxaafaddu. Wasiirka oo ka hadlayay qodobadda Shirkaasi ka soo baxay ee khuseeyay Somaliland wuxuu yidhi “Qodobadda muhiimka ah ee shirkaasi ka soo baxay ee Somaliland khuseeya ee aanu filaynay inay nooga soo baxaan waxa nooga hirgalay 1-In balan-qaadkii baaqa ahaa ee ka soo baxay shirkan in dawladda Turkiga iyo dawladihii kale ee shirkan balan qaadka ka sameeyayba ay balan-qaadeen inay wixii dhaqaale ah iyo horumarin ah ay toos u siinayaan Somaliland wixii kaga soo hagaaga mucaawimaddii halkan lagaga dhawaaqay. 2-Waxa nooga soo baxay waxaanu shir la yeelanay Raysal wasaare ku xigeenka Turkiga iyo wasiirka arrimaha dibadda waxay sheegeen inay Somaliland ka furaynayso xafiis qunsuliyad ah iyo xaga horumarinta ah si ay muwaacimadda Turkiga iyo Somaliland u noqoto mid toos ah.3- waxay Somaliland fursad u heshay shirkan oo ay ka soo qeyb galeen lixdan dal inay ka soo jeediso dareenka shacbiga iyo himilooyinka qaranka Somaliland. 4- qodobkii ku baaqayay inay wada hadal Somaliland iyo Soomaaliya yeeshaan wada hadal ayaa ka mid ahaa isna qodobaddii ku soo baxay war-murtiyeedkii shirkaasi laga soo saaray.” Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted June 2, 2012 Qoorta sudhay ku lahaa ,,, qoortoodu taa muuqata miyaanay ahayn ?? Quote Share this post Link to post Share on other sites