Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland vice President arrives in the republique de Djibouti+PICTURES

Recommended Posts

Raysal Wasaaraha Dalka Jabuuti Dillayte Maxamed Dillayte oo weftigii Somaliland ee uu hogaaminayay Madaxweyne ku-xigeenku ku soo dhaweeyay Madaarka

Jabuuti(Waaheen) Raysal Wasaaraha Dalka Jabuuti Dillayte Maxamed Dillayte oo horkacaya raxan golaha Wasiiraddiisa ah ayaa saaka si diiran ugu soo dhaweeyay madaarka dalkiisa Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/Raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici iyo Wefti uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin sadex Wasiir iyo Xildhibaan.

Weftiga Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici ayaa Hiirtii Waaberi ka Jarmaaday Caasimadda Hargeysa, waxaanay ka dhoofeen Garoonka Diyaaradaha magaaladda Berbera, iyagoo goor dhaweyd ka dagay dalka Jabuuti oo si heersare ah loogu soo dhaweeyay.

Ilaa hada ma cada ujeedada Safar Madaxweyne ku-xigeenka iyo weftigiisu hase yeeshee markii uu madaarka ka dhoofayay waxa uu warbaahinta u sheegay inay ka soo wadahadlayaan sii xoojinta xidhiidhka laba dal isagoo xusay inay rajaynayaan si ay u taabogasho inay dhaqangelin doonaan safaaradihii ay labada dal hore iskula meel dhigeen.

Mar la weydiiyay su’aal ahayd weerar uu af-hayeenka Xisbiga UDUB Cali Guray sheegay cida ku haysa inuu tafaasiil ka bixiyana wuu ka gaabsaday Madaxweyne ku-xigeenku.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

what are Somaliland and Djibouti cooking these days. I smell fish. :D

 

Can somebody spill the beans. Or do I have to guess.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Omer Guelleh is in stress and he is looking for new opportunities and allies. we will keep an eye on how this develops.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Ku xigeenka Iyo Wefti uu Hoggaaminayo oo socdaal ku tagay Jabuuti

 

May 31st, 2012

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweyne Ku xigeenka Somalilnd Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Sayliici) iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta ka dhoofay madaarka Berbera una kicitimay dalka Jabuuti. Ka dib markii martiqaad rasmi ah uu ka helay Raysal wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti Md. Dalayta Maxamed Dalayta.

.

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland waxa socdaalkiisan ku weheliyay Wasiirradda Wasaaradaha Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md. Cali Cilmi Geelle, Wasiirka Warfaafinta Md. Cabdi Yuusuf Ducaalle (Boobe), Wasiirka Duulista Hawadda Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Guddoomiye Ku xigeenka sadexaad ee xisbiga KULMIYE Md. C/Raxmaan Maxamed Talyanle iyo Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka.

 

Madaxweyne Ku xigeenka oo qolka nasashada ee madaarka Berbera ugu waramayay saxaafadda ayaa sheegay in socdaalkoodu uu ka dhashay marti-qaad rasmi ah oo ay ka heleen Raysal wasaaraha dalkaasi.

 

Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) wuxuu sheegay inay mudada dhawrka maalmood ah ee ay ku sugan yihiin dalkaasi kulamo kala duwan la yeelan doonaan Madaxweyne Geelle, Raysal wasaaraha Jabuuti, Wasiiro iyo masuuliyiinta kale ee dalkaasi. kuwaasi oo ay kala hadli doonaan sidii loo sii xoojin lahaa cilaaqaadka labada wadan iyo dhamaystirka heshiisyadii iskaashi ee ay labadda dal hore u gaadheen sanadihii u dambeeyay.

 

Wasiirka Warfaafinta iyo wacyigelinta Md. Boobe Yuusuf Ducaale ayaa isna sheegay in socdaalkoodani qeyb ka yahay sii xoojinta xidhiidhka labadda dal, waxaanu tilmaamay inay kulamo kala duwan la yeelan doonaan masuuliyiinta dawladda Jabuuti.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland: VP Sayli in Djibouti to Strengthen Relations

 

Thursday, 31 May 2012 20:54

 

VP Sayli to spearhead Djibouti talks

 

BERBERA (Somalilandsun) – The governments of Djibouti and Somaliland are set to strengthen bi-lateral relations.

A strong team of Somaliland officials led by the Vice president Hon Abdirahman Abdilahi Ismail "Sayli" departed this afternoon from Berbera airport following an official invitation from the prime minister of Djibouti Hon Dileita Mohamed Dileita,

The VP Sayli led delegation includes the minister of Information Hon Abdi Yusuf Duale "Boobe, Minister of posts & Telecommunication Hon Ali Elmi Gelle, Minister of Aviation Hon Mahmoud Abdi Hashi, a couple of parliamentarians as well as the 3rd deputy chairman of the ruling Kulmiye party Mr. Abdirahman Mohamed Talyanle.

During a press briefing at the Berbera airport VIP lounge, VP Sayli said that his team which will be in Djibouti for three days will hold talks related to bi-lateral relations between the two countries, among them President Ismail Omar Gelle, Prime minister Dileita M Dileita who is the official host, ministers, parliamentarians and business leaders.

The VP added that the talks will relate to strengthening the two neighbourly countries diplomatic relations, Economic ties, security as well as mechanisms cooperation in joint utilization of natural resources in the Gulf of Aden waters shared.

The VP stressed on the good relations which the two countries share as can be exemplified by the official invitation from PM Dileita, Said he, "Since President Silanyo assumed office multi-sectored relations between Somaliland and Djibouti has been enhanced"

Diplomatic relations between the two countries reached a low a month ago after two cabinet ministers from Djibouti were denied entry into the country at the Lowya'ade border point, by local immigration officials purportedly on orders of the minister of interior Hon Duur Arale.

President Silanyo who is credited with existing cordial relations, immediately dispatch the interior minister on fence mending mission where he stayed for a number of days before the minister of foreign affairs Dr Mohamed A Omar joined him after the he (Dr Omar) attributed the entry denial to poor communication.

The vice president who was supposed to lead Somaliland's delegation to the ongoing Istanbul talks opted to remain behind thus attend the Djibouti talks which the government in Hargeisa deems more important than the Istanbul conference on Somalia in which Somaliland said it will only participate on the first day's activities.

This was reiterated at Berbera airport by the minister of information Hon Boobe who also doubles as the official spokesperson of the government, Said he, "Our talks in Djibouti are beneficial to Somalilanders while the main agenda of the Istanbul conference will dwell on the "Road Map for Somalia" that is of no concern to our country"

The information minister stressed on the fact that the four member delegation to the Istanbul conference only attended the first phase of the Istanbul conference that deliberate on Development and Economy and more specifically on Resilience, Energy, Water and Roads issues relevant to Somaliland,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

waxbaa jiraa Xaaji. waxba ha qarinin ee noo sheeg. What is fat Omer Guelleh and his couisin in Law Siilanyo cooking?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mario B   

Jacaylbaro;837148 wrote:
Whateva they are cooking is for the interest of those countries ,,,,
:D

 

 

Good on Somaliland

...............................,-~*`¯lllllll`*~,............................................. .....

...........................,-~*`lllllllllllllllllllllllllll¯`*-,..........................................

......................,-~*llllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllll*-,......................................

..................,-*llllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllll.... ..................................

................;*`lllllllllllllllllllllllllll,-~*~-,llllllllllllllllllll....................................

................lllllllllllllllllllllllllll/...........;;;;llllllllllll,-`~-,................................

.................lllllllllllllllllllll,-*.............`~-~-,...(.(¯`*,`,...............................

...................llllllllllll,-~*........................)_-..*`*;..)..............................

.....................,-*`¯,*`)............,-~*`~................../...............................

.....................|/.../.../~,......-~*,-~*`;.................../...............................

.................../.../..../..../..,-,..*~,.`*~*..................*............................. ...

...................|.../.../..../.*`...................................)....)¯`~,........... .........

...................|./..../..../........).........)`*~-,............../.....|..)...`~-,..............

.................././.../....,*`-,.....`-,....*`....,---.........../...../..|..........¯```*~-,,,,

.................(............)`*~-,.....`*`.,-~*.,-*.......|.../..../..../.........................

..................*-,.......`*-,...`~,..``.,,,-*.............|.,*...,*....|..........................

......................*,.........`-,....)-,..................,-*`...,-*.....(`-,......................

........................f`-,........`-,/...*-,___,,-~*.....,-*......|....`-,......................

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Jabuuti oo si diiran u qaabiley Weftigii Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland

 

June 3rd, 2012

 

Jabuuti (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay weftigii uu Hoggaaminayay Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wefti Wasiirro iyo Xildhibaano iskugu jiray oo socdaal shaqo ku joogay afartii maalmood ee la soo dhaafay.

 

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweyne Ku xigeenku waxay ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyadda Ganacsiga iyo Nabad-gelyadda.waxaanay isku waafaqeen qodobadii ay ka wada hadleen ee ku wajahnaa taabo-gelinta xidhiidhka labadda dal.

 

Wasiirka warfaafinta Somaliland Md. Cabdi Yuusuf Ducaalle (Boobe) oo ka mid ahaa weftigii Madaxweyne Ku xigeenka oo isagu galabta ku soo guryo-noqday dalka, kana soo degay madaarka Berbera, ayaa ka hadlay qodobadii ay labadda Hoggaamiye ku faaqideen kulankii weftigii madaxweyne Ku xigeenku ay qasriga madaxtooyadda Jabuuti kula yeesheen Madaxweynaha dalkaasi.

 

Wasiirka warfaafintu wuxuu sheegay in madaxweyne Geelle uu aqbalay in baasaboorka Somaliland lagu tago dalka Jabuuti. Isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxaan xusi karaa arrimihii aanu Madaxweynaha Jabuuti kala hadalay ee uu ogolaanshaha naga siiyay in baasaboorka Somaliland si rasmi ah loogu tagi karo Jabuuti.iyadoo xafiiskii Somaliland ee Jabuuti furan yahay. Waxa la magacaabay ninka Jabuuti wakiilka uga noqonaya Hargeysa.”

 

“Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland iyo Weftigiisii waxaanu saaka xafiiskiisa si rasmi ah ugu booqanay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle. Markii aanu shirkaasi ka soo baxnay, ayuu Madaxweyne Ku xigeenku uu shir jaraa’id ku qabtay xafiiska Madaxweynaha Jabuuti oo uu kaga waramayay waxyaabihii sadexdii maalmood noo qabsoomay. Waxaan xusi karnaa waxa weeye soo dhawayntii qiimaha lahayd iyo marti-qaadkii markii horeba nooga yimid Raysal Wasaare Dalayta Maxamed Dalayta soo dhawayntiisii isaga oo illaa lix Wasiir ay la socdaan. Sadexdii maalmood oo ay maanta noogu dambaysay waxaanu intaba ka helaynay qadooyin marti-qaad ah madaxda Jabuuti ee kala gedisan,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu. Waxaanu intaasi ku daray in booqashadaasi si wanaagsan ugu dhammaatay.

 

Wasiirka oo ka hadlayay xarumihii ay booqdeen weftiga madaxweyne Ku xigeenku wuxuu yidhi “Dekado door ah oo Jabuuti leedahay mid baa ka mid ah la yidhaahdo dekadda Kalluumaysiga waxa qodaysa shirkad reer Jasaa’ir ah (Al-Jeria) oo ciid qaadaysa si gunteedda loo dheereeyo. Iyadoo dawladda Jabuuti xoogaa soo fidisay wadada Saylac timaada dhismaheeda ama kabisaadeedda. Madaxweynuhu wuxuu balan qaaday in shirkaddan qodaysa dekadaasi ay Saylacna iman doonto si ay iyadana gunteeda u sii dheerayso.”

 

Md. Boobe oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxa kale oo aanu madaxweynaha ka wada hadalay sidii Ganacsatadda labadda dal ay labadaba u maal-gashan lahaayeen. Ka dib markii shirkadda Coca-cola la furay in la soo dhaweeyay maalgashiga shisheeye iyo ka dalalka Jabuuti oo kale ah ee aynu jaarka nahay.”

 

“Waxay muujinaysay booqashadani in xidhiidhka labada dal maalinba maalinta ka dambaysa uu sii xoogaysanayo,”ayuu yidhi Wasiirka warfaafintu.

 

Sidoo kale, weftiga Madaxweyne Ku xigeenku waxay ay xalay kulan balaadhan kula yeesheen magaaladda Jabuuti Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan wadankaasi oo ay uga xog-warameen xaaladda guud ee Somaliland gaar ahaan dhinacyadda siyaasadda, nabad-gelyadda, dhaqaalaha iyo adeegyadda bulshadda.

 

Waxa madashaasi heeso ka qaaday soo dhawayn ahaa fanaanadda weyn ee Hibo Maxamed, Nuur-daalacay iyo Xidig.

Waxa kale oo isaguna maanta ku soo laabtay Wasiirka Duulista hawadda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Guddoomiye Ku xigeenka sadexaad ee xisbiga KULMIYE Md. C/Raxmaan Maxamed Talyanle.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this