Liban Posted May 30, 2012 Guddoomiyeyaasha Baarlamannada Soomaaliya iyo Turkiga oo kulan saaxiibtinmo ah wada yeeshay Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Sharif Hassan Sheekh Aadan ayaa xalay la kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Turkiga Mr Cemil Cicek, iyadoo Shariif Xasan ka mid yahay madaxda Soomaalida ee ka qeyb galaya shirka Istanbul. Mr Cemil Cicek Gudoomiyaha Baarlamaanka Turkiga ayaa ugu horeyn sheegay in Turkiga mar walba ay garab taagan yihiin Soomaalida. Cemil Cicek oo hadalka wata ayaa waxaa uu yiri ”Turkiga iyo Somalia waa laba dal oo walaalo ah oo xirriir daacadnimo ah oo soo jireen ah lahaa weligood” Guddoomiye Cemil Cicek oo si dhiiro gelin ka muuqato u hadlayay ayaa hadalkiisa sii raaciyay “Damaceenu waa Nabad buuxda oo ka Dhalata Somalia Islamarkaasina Walaalaheen Soomaaliyeed ay helaan Nabad waarta, Turkigana Arrimahaasi ayuu dadaal ugu jiraa marwalba. Sidoo kale waxaa uu sheegay in shacabka Soomaaliyed ay u sheegayaan in Turkiga marwalba uu garabkiina taagan yahay uuna taagnaan doono aan ka caajisi doonin dedaalkeena ku wajahan walaalaheen Soomaaliyeed. Intaas kadib waxaa hadalka qaaday Guddoomiye Shariif Xasan waxaana uu ugu horreyn u mahad celiyay dawladda iyo shacabka Turkiga dadaalka iyo gargaarka aan kala go’a lahayn ee u fidinaayaan walaalahood somalia. ”Shacabka iyo Dawladda Somalia waxaysan marnaba iloobi doonin gargaarka iyo xirriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya Turkey iyo somalia”ayuu yiri Waxaa kale oo uu sii raaciyay ” Walaalaheen Turkey waxay nala wadaageen dhibaatooyinkii aan la ildarneen in mudo ah iyaga oo habeen iyo maalin garabtaagnaa shacabka soomaaliyeed sidaa darteed Shacabkeena Soomaaliyeed marnaba ma iloobi doonaan Walaalaheen Turkey” Kulanka dhex maray Gudoomiyaasha Baarlamaanada Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa uu ku soo gabagaboobay is afgarad iyo jawi wanaagsan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mario B Posted May 30, 2012 Which one? we've got two speakers? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liban Posted May 30, 2012 The real speaker not the fake one. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qandalawi Posted May 30, 2012 The guy is milking it, waa nin afarta fool kuguban. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liban Posted May 30, 2012 Next president come August. A lot haters will cry that day, I tell you. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qandalawi Posted May 30, 2012 ^Its a possibility but I really doubt, for all his Somali politiking skills he's illiterate, if he keeps his speaker post he performed wonders, I don't even think he has desires beyond that. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liban Posted May 30, 2012 You will see. It is couple of months away. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted May 30, 2012 Ninka Turkiga ma ogyahay in Sharif sakiin barlamaanka Somalia afduub ku haysto iyo inu gudoomiye kale jiro oo isna dhinicisa micrifoon ka haysta:D Quote Share this post Link to post Share on other sites