Sign in to follow this  
Liban

Turkish and Somali Parliament Speakers Meet in Ankara

Recommended Posts

Liban   

Guddoomiyeyaasha Baarlamannada Soomaaliya iyo Turkiga oo kulan saaxiibtinmo ah wada yeeshay

 

 

shariif-sakiin_istanbul_1.jpg

 

 

 

 

 

Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Sharif Hassan Sheekh Aadan ayaa xalay la kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Turkiga Mr Cemil Cicek, iyadoo Shariif Xasan ka mid yahay madaxda Soomaalida ee ka qeyb galaya shirka Istanbul.

 

Mr Cemil Cicek Gudoomiyaha Baarlamaanka Turkiga ayaa ugu horeyn sheegay in Turkiga mar walba ay garab taagan yihiin Soomaalida.

 

Cemil Cicek oo hadalka wata ayaa waxaa uu yiri ”Turkiga iyo Somalia waa laba dal oo walaalo ah oo xirriir daacadnimo ah oo soo jireen ah lahaa weligood”

 

Guddoomiye Cemil Cicek oo si dhiiro gelin ka muuqato u hadlayay ayaa hadalkiisa sii raaciyay “Damaceenu waa Nabad buuxda oo ka Dhalata Somalia Islamarkaasina Walaalaheen Soomaaliyeed ay helaan Nabad waarta, Turkigana Arrimahaasi ayuu dadaal ugu jiraa marwalba.

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay in shacabka Soomaaliyed ay u sheegayaan in Turkiga marwalba uu garabkiina taagan yahay uuna taagnaan doono aan ka caajisi doonin dedaalkeena ku wajahan walaalaheen Soomaaliyeed.

 

Intaas kadib waxaa hadalka qaaday Guddoomiye Shariif Xasan waxaana uu ugu horreyn u mahad celiyay dawladda iyo shacabka Turkiga dadaalka iyo gargaarka aan kala go’a lahayn ee u fidinaayaan walaalahood somalia.

 

”Shacabka iyo Dawladda Somalia waxaysan marnaba iloobi doonin gargaarka iyo xirriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya Turkey iyo somalia”ayuu yiri

 

Waxaa kale oo uu sii raaciyay ” Walaalaheen Turkey waxay nala wadaageen dhibaatooyinkii aan la ildarneen in mudo ah iyaga oo habeen iyo maalin garabtaagnaa shacabka soomaaliyeed sidaa darteed Shacabkeena Soomaaliyeed marnaba ma iloobi doonaan Walaalaheen Turkey”

 

Kulanka dhex maray Gudoomiyaasha Baarlamaanada Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa uu ku soo gabagaboobay is afgarad iyo jawi wanaagsan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Its a possibility but I really doubt, for all his Somali politiking skills he's illiterate, if he keeps his speaker post he performed wonders, I don't even think he has desires beyond that.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ninka Turkiga ma ogyahay in Sharif sakiin barlamaanka Somalia afduub ku haysto iyo inu gudoomiye kale jiro oo isna dhinicisa micrifoon ka haysta:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this