Mario B Posted May 30, 2012 Maxamed Xaaji Xuseen [HOL] Muqdisho, Soomaaliya Arbaco, May 30, 2012 (HOL) — Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug oo horay uga soo horjeestay ka qaybgalka shirka Istanbuul ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay inay ka qaybgalayaan iyadoo sheegay in la xalliyay khilaafkii sababay inay shirkaas ka qaybgalkiisa diidaan. C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole iyo Maxamed Axmed Caalin ayaa horraantii toddobaadkan waxay ka sheegeen Addis Ababa in shirka Istanbuul uu yahay mid dano gaar ahaaneed laga leeyahay oo lagu saleeyay siyaasad. "Shirka ka qayb-galkiisa waxaa horay uga soo saarnay war-saxaafadeed aan ku diidnay, waxaan shaki ka qabnay ururrada bulshada ee Muqdisho laga keenay iyo sida shirka loo maamulay, arrintaasna waan kawada hadlanay waxaana sheegnay sida aan u aragnay shirka iyo waxaan qabnay waana isla meel dhignay inaan shirka ka qaybgalno," ayuu yiri Madaxweyne Puntland, C/raxmaan Faroole oo BBC-da la hadlay. Madaxweynaha Puntland wuxuu hadalkiisa ku daray in isaga iyo madaxweynaha Galmudug ay la kulmeen mas'uuliyiinta safaaradda Turkiga iyo saraakiil ka socotay wasaarada arrimaha dibedda ee Turkiga, kuwaasoo uu sheegay inay ka qanciyeen wixii ay tabanayeen. "Innaga iyo mas'uuliyiinta Turkiga si toos ah ayaan uga wadahadalnay wixii aan ka tabaneynay shirka, Istanbuul ayaana toos u tagaynaa. Innaga Turkiga inaan si toos uga wadahadalno nabadeynta Soomaaliya door ayaan ku leennahay innaga iyo reer Galmudug waa u wada soconaa," ayuu Faroole hadalkiisa ku daray. Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in howsha socota ee Roadmap-ka aan waxb a laga bedeli karin isla markaana aan la keeni karin howl cusub oo siyaasadda la xiriirta, isagoo dowladda Turkiga ka dalbaday in la ixtiraamo heshiisyadii Garoowe, Gaalkacyo iyo Addis Ababa, shirkuna uu noqdo mid ku kooban rayi is-dhaafsi. Sidoo kale, Faroole wuxuu sheegay in Puntland Galmudug laga qaadayo xubnaha bulshada rayidka iyo odayaasha dhaqanka kuwaasoo uu sheegay in la geynayo Jabuuti ayna ka qaadi doonto diyaarad ay leedahay dowladda Turkiga. Dhanka kale, madaxweynaha Galmudug ayaa isaguna sheegay in go'aanka ay uga laabteen go'aankii ay horay ugu diideen ka qaybgalka shirka Istanbuul ay si wadajir ah uga laabteen isaga iyo madaxweynaha Puntland oo ay isla joogaan Addis Ababa. "Waa isla joognaa aniga iyo Faroole waana wada fadhinnaa, si wadajira ah ayaana warkan u soo jeedinnay, wax gaar ah oo aan wadanayna ma jirto, waxaa ka wada cabanayno waa qaabka wax loo sameeyay iyo la tashi la'aanta, markaan wada-tashaynna sidaas ayay noogu dhammaantay," ayuu yiri Mudane Caalin. Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in isaga iyo madaxweynaha Puntland ay hal diyaarad isla raaci doonaan, balse ay kala matalayaan laba maamul. Iyadoo tani ay ka dhigayso in mowqifkii labadan mas'uul uu isku bedelay maalmo gudahood. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted May 30, 2012 Good they came to their senses boycotting the only friends Somalis have the Turks would be just wrong. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mario B Posted May 30, 2012 Somalis, we are a bunch of drama queens! Quote Share this post Link to post Share on other sites