Aaliyyah Posted May 30, 2012 Lasanod Online. Wednesday, May 30, 2012 Addis ababa,(lasanod Online)- Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Galmudug, C/raxmaan Maxamed Faroole iyo Maxamed Axmed Caalin ayaa maanta..oo Arbaca ah si wada jir ah u shaaciyay in ay ka qaybgali doonaan shirka ka socda magaalada Istanbul ee xarunta dalka Turkiga. Labada Madaxweyne oo hadda ku sugan magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Ethiopia ayaa la hadlay Idaacadda BBC-da waxana ay sheegeyn markii laga qanciyay shikiga ay ka qeybgayn shirka Istanbul iyo dadka qeyb galaya , in ay go’aansadeyn in ay tagaan halkaas. ” Siddii aad horey ula socoteyn waxa aan halkan ka soo saarnay war-qoraal ah oo wadajir uga soo baxay Puntland iyo Galmudug, kaa oo aan shaki kaga qabnay dadka lagu casuumay shirka Istanbul, iyo sida loo maamulay dadka ka qeybgalaya shirkaas, laakin waxa aan halakan kulan kuwada qaanay wakiilo ka socda wasaarada arrimaha dibadda Turkiga iyo safiirka halkan u jooga Turkiga, kuwaas oo noo sheegay in aan toos uwada hadleyn dowladda Turkiga,” ayuu yiri madaxweyne Faroole Dhinaca kale, Madaxweynaha Galmudug Maxamed Axmed Caalin oo ay isla joogaan Madaxweyne Faroole ayaa isna sheegay in isla qabaan go’aanka ka qeybgalka shirka Istanbul, waayo annaga markii hore wax aan suluug saneyn qaabka shirka uu dhacaayo iyo cida ka qeybgaleysa” ayuu yiri Caalin. Si kastaba ha ahaatee toddobaadkan ayey ahayd markii labada madaxweyne ay sheegeyn in ayan ka qeyb gali doonaan shirka ka dhacaya Istanbul, kaddib markii ay dhawaajiyeen in shirkaas dadka ka qeybgalaya ay ku jitaan kooxo xagjir ah oo ay ku jirto Al-Shabaab. Quote Share this post Link to post Share on other sites