Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Explosion hits galkacyo causing heavy deadly losses

Recommended Posts

Qarax khasaare badan geystay oo saakay ka dhacay Waqooyiga Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug

Arbaco, May 30, 2012 (HOL) — Ugu yaraan sideed qof oo u badan ciidamada ammaanka Puntland ayaa ku dhintay qarax miino oo saakay ka dhacay xaafadda Garsoor ee Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

 

Qaraxan oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa waxay si lama filaan ah ula qaraxday ciidammo ka tirsan kuwa Puntland oo doonaya inay halkaas ka saaraan, iyadoo lix askari iyo qof rayid ah ay goobta ku dhinteen, waxaana markaas kaddib ay ciidammadu toogteen qof ay ku sheegeen inuu miinada aasay.

 

"Ciidamada ammaanka oo doonayay inay goobta ka saaraan miino lagu aasay ayaa waxay u qaraxday si lama filaan ah, waxaa dhintay lix askari iyo qof rayid ah, sidoo kale ciidamadu waxay toogteen qof ay ku sheegeen inuu miinada aasay," ayuu yiri goobjooge ka dhawaa halka uu qaraxu ka dhacay.

 

Saraakiisha maamulka Puntland ee gobolka Mudug ayaa sheegay in khasaaraha ka dhashay qaraxa uu yahay mid badan, balse ma aysan sheegin lambar sugan, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay qaraxaas sideed qof oo kale oo ay ku jiraan ciidamadii halkaas gaaray.

 

Ma jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay weerarkan, iyadoo dhaawacyada la dhigay isbitaalka weyn ee Gaalkacyo, waxaana qaraxan uu noqonayaa kii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Waqooyiga Gaalkacyo bilihii ugu dambeeyay.

 

Xaaladda xaafadda Garsoor ayaa aad u kacsan, iyadoo ganacsiga, socodka dadka iyo midka gaadiidkaba uu hakad ku jiro, waxaana xaafaddaas baaritaanno kawada ciidamada maamulka Puntland.

 

Degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa ka dhacayay qaraxyo ay waxyeello kasoo gaartay dad shacab ah iyo ciidamada maamullada halkaas ka jira, waxaana qaraxyada intooda badan ka dhaceen Waqooyiga degmadaas oo ay Puntland ka taliso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Siddeed Askari Oo Ka Tirsan Ciidamada Maamulka Puntland Oo Lagu Khaarajiyay Qarax Goordhayd Ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo

 

Gaalkacyo (Ramaas) May 30, 2012 - Ugu yaraan siddeed qof oo u badan ciidamada ammaanka Puntland , ayaa ku dhintay qarax miino oo saaka ka dhacay xaafadda Garsoor ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Qaraxan oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa waxa a y si lama filaan ah ula qaraxday ciidammo ka tirsan kuwa Puntland oo doonaya in ay halkaas ka saaraan, iyada oo lix askari iyo qof rayid ah ay goobta ku dhinteen, waxaana markaas kaddib ay ciidammadu toogteen qof ay ku sheegeen inuu miinada aasay.

 

"Ciidamada ammaanka oo doonayay in ay goobta ka saaraan miino lagu aasay ayaa waxa ay u qaraxday si lama filaan ah, waxa dhintay lix askari iyo qof rayid ah, sida oo kale ciidamadu waxa ay toogteen qof ay ku sheegeen inuu miinada aasay," ayuu yidhi goobjooge ka dhawaa halka uu qaraxu ka dhacay.

 

Saraakiisha maamulka Puntland ee gobolka Mudug, ayaa sheegay in khasaaraha ka dhashay qaraxa uu yahay mid badan, balse ma ay sheegin tirada dadka waxyeeladu soo gaadhay, sida oo kale waxa ku dhaawacmay qaraxaas sideed qof oo kale oo ay ku jiraan ciidamadii halkaas gaadhay.

Ma jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay weerarkan, iyada oo dhaawacyada la dhigay cisbitaalka weyn ee Gaalkacyo, waxaana qaraxan uu noqonayaa kii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Waqooyiga Gaalkacyo bilihii ugu dambeeyay.

Xaaladda xaafadda Garsoor ayaa aad u kacsan, iyada oo ganacsiga, socodka dadka iyo midka gaadiidkaba uu hakad ku jiro, waxaana xaafaddaas baadhibaanno kawada ciidamada maamulka Puntland.

Degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa waxa ka dhacayay qaraxyo ay waxyeello kasoo gaadhay dad shacab ah iyo ciidamada maamullada halkaas ka jira, waxaana qaraxyada intooda badan ka dhaceen Waqooyiga degmadaas oo ay Puntland ka taliso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Death toll from Galkayo bomb explosion climbs to 5.

 

Posted by pi English on May 30th, 2012

Galkayo(Puntlandi)—-The death toll from the Wednesday bomb explosion in north Galkayo has climbed to 5 with more than 24 people injured , Puntlandi reports.

 

Authorities in Galkayo believe the explosion happened when a suicide bomber who tried to detonate his explosive devices was shot by police when he approached them, but the bomb later exploded while crowds of people surrounding on it.

 

A total of 24 people were brought to hospitals in Galkayo .According to Galkayo Police the victims of the blast include members of the police and civilians.

 

The injured people include Head of Mudug Police department Jama Mohamed Ahmed (Sandaqad) , and Head of Galkayo central police station Abdisalan Sayrar .

 

The bomb explosion occurred at wee hours of Wednesday at around 6:00 to 7:00 Galkayo time at DurDur bakery manufacturer .

 

Sources told Puntlandi , bomb has exploded while the investigation was underway on the dead man who had been killed when he tried to explode him self.

 

Another source said, a well known hairdresser in Galkayo , was the person behind suicide attempt.

 

Puntlandi.com.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Duqa Gaalkacyo”Dhaawac Fudud baa iga soo gaaray Lugaha, Saraakiil kalena Waa dhaawac”.

 

Posted by nbi on May 30th, 2012

Duqa Magaalada Gaalkacyo Gol.Siciid Cabdi Faarax ayaa ka hadlay Qaraxii saaka waaberigii ka dhacay Xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo isagoona sheegey in qaraxaasi uu dhacay saaka kadib markii ciidamada Amaanka ay xalay dagaalameen labo nin oo uu sheegey inay wateen Walxaha qarxa kuwaasoo mudo ay rasaasu dhexmaraysay iyaga iyo ciidamada Amaanka markii danbena ay ciidamadu toogasho ku dileen mid kamid labadaas nin kaasoo qaraxii uu watay saaka uu ku qarxay ciidamada Amaanka oo halkaas howl furfuris ah kawaday.

 

Siciid Cabdi Faarax Wuxuu sheegey in Qaraxu uu sababay dhimashada Afar Ruux iyo dhaawaca dhowr iyo toban kale oo Askar, Saraakiil iyo dad shacab ah isugujira, Duqa ayaa sheegey in isaga dhaawac fududi uu soo gaaray, sidoo kalena Saraakiisha ugu sarsaraysa qaybta Booliska ay iyana dhaawacmeen, Wuxuuna intaas kudaray in Dhaawaca taliyaha cusub ee saldhiga dhexe uu culusyahay, Duqa ayaa sheegey in ay Isbitaalka maanta ka baxayaan Todobo kamid ah Askartii iyo saraakiisha wax ku noqotay goobta.

 

Dhanka kalena Wuxuu Duqa Magaalada Gaalkacyo soo hadal qaaday ninkii ay ciidamada Amaanku toogteen oo uu sheegey inuu ahaa Nin ka shaqeeya goob timo jare ah Islamarkaasna wuxuu sheegey inuu mid kale oo lasocday u baxsaday dhanka Galmudug balse wuxuu sheegey in ay gacanta kusoo dhigeen Xaaskiisa iyo reerkiisa ayna Baaris ku socoto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this