Abdul Posted May 29, 2012 It looks like people of Galmudug and most of their leadership support the Istanbul conference.Good news. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted May 29, 2012 Abwaan;835853 wrote: lol...XX, waa nidaamka dimoqoraadiyadda Soomaaliya ee maxaa ka rabtaa adigu? Miyaadan arkin, Madaxweyne Shariif oo wasiirro beddelaya, Shariif Xasan oo xafiiskiisa wasiirro cusub ku dhaarinaya? Tii Jamhuuriyedda ayaaba sidaas u dhaqmaysa waaba dowlad beeli samaysatay. Mar dhowna waxaad arki Siilaanyo oo leh waan ku darsanaynaa Soomaaliya iyo guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa oo diiddan. Hadduu madaxweynaha maqanyahay guddoomiyaha baarlamaanka ayaa dhaariyo xeer ahaan. Labada mar uu dhaariyana madaxweynaha waa maqnaa. Soo magacaabista wasiirnimo ra'iisul wasaaraha u xaq leh laakiin waa markaas marka ra'iisul wasaaraha lasoo magacaabo, oo uu soo dhiso golahiisa wasiiro. Marka wasiir gooni gooni tahay ra'iisul wasaaraha soo magacaabaayo iyadoo qoraal ahna madaxweynaha wuu soo saari karaa, iyagoo isla tashtay. Madaxweynahana asagoo sharciga raacaayo xil wuu ka qaadi karaa wasiir. Marka wax isku qasan ma arki. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted May 29, 2012 Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;835891 wrote: Hadduu madaxweynaha maqanyahay guddoomiyaha baarlamaanka ayaa dhaariyo xeer ahaan. Labada mar uu dhaariyana madaxweynaha waa maqnaa. Soo magacaabista wasiirnimo ra'iisul wasaaraha u xaq leh laakiin waa markaas marka ra'iisul wasaaraha lasoo magacaabo, oo uu soo dhiso golahiisa wasiiro. Marka wasiir gooni gooni tahay ra'iisul wasaaraha soo magacaabaayo iyadoo qoraal ahna madaxweynaha wuu soo saari karaa, iyagoo isla tashtay. Madaxweynahana asagoo sharciga raacaayo xil wuu ka qaadi karaa wasiir. Marka wax isku qasan ma arki. lol....MMA, mar walba madaxweynaha maxaa maqneysiiya? Ma ogtahay in xitaa agaasimaha dekedda laga qaadi la'yahay jagada uu hayo confusion madaxda dowladda ka dhex-jira awgeed. Ma ogtahay in taasi ay keentay is-maandhaaf madaxweynaha iyo ra'iisalwasaaraha. Madaxweynuhu wuxuu doonayaa inuu ku qanciyo jufo, beeshiisa ka mid ah oo iska dhaadhicisay inay jagada Tarzan iyagu leeyihiin, oo uu nin iyaga ka soo jeeda u magacaabi lahaa dekadda laakiin taasna waa shaqayn weydey. MMA, waan fahmayaa sidaad wax u dhigtay laakiin meeshan sidaas wax ugama jiraan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted May 29, 2012 Haa widaayoow waa iska Soomaali, jahwareer badana waa lagu jiraa. Maareeyaha dekedda in laga qaaday moodaaye. Dadkii ka horeeye waa laga badalay muxuu rabaa kan. Dekedda hal jufo inay isku dhajiso ceeb weyn waaye. Inta dowladaan kumeelgaarka jirtayba hal jufo maamuleysay dekedaas. Dekedaan waa deked qaran ma'aha tii macmalka ahayd ee Ceelmacaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted May 29, 2012 Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;835900 wrote: Haa widaayoow waa iska Soomaali, jahwareer badana waa lagu jiraa. Maareeyaha dekedda in laga qaaday moodaaye. Dadkii ka horeeye waa laga badalay muxuu rabaa kan. Dekedda hal jufo inay isku dhajiso ceeb weyn waaye. Inta dowladaan kumeelgaarka jirtayba hal jufo maamuleysay dekedaas. Dekedaan waa deked qaran ma'aha tii macmalka ahayd ee Ceelmacaan. lol...Waa runtaa...Meelo badan baa jufooyin isku dhejiyeen...I tus hal jago oo aan jufo ku dhegganeyn. Quote Share this post Link to post Share on other sites