Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland supreme court rules in favor of former President daahir rayaale kahin

Recommended Posts

Maxkamadda Sare oo burisay Murashaxnimadii Jamaal Cali Xuseen,UDUB-na u xukuntay Rayaalle

May 29th, 2012

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Maxkamadda sare ee dastuuriga ah ee Somaliland ayaa maanta xukun ka soo saartay dacwaddii u dhaxaysay Hoggaanka xisbiga mucaaridka ah ee UDUB, kuwaasi oo isku haystay sharciyadda awoodaha Guddoomiyaha xisbigaasi Md. Daahir Rayaale Kaahin.

 

Dacwadan oo Maxkamadda hor-geeyay Guddoomiye Ku xigeenka xisbiga UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, waxay maxkamaddu u xukuntay inuu gudoomiyaha sharciga ah ee xisbigaasi uu yahay Madaxweynihii hore ahna Guddoomiyaha UDUB Md. Daahir Rayaale Kaahin, sida uu fadhigii maxkamadda ee maanta uu kaga dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Yuusuf Ismaaciil Cali, waxaana go’aankii maxkamaddu u dhignaa sidan:-

 

?Maxkamadda sare ee Somaliland, iyada oo asbaabaha ku xusan dacwada loo soo gudbiyey iyo qodobka 10-aad xarafka B ee xeerka habka madaniga oo fasaxaya in maxkamada sare ka gar-naqdo go’aammada idaariga ah ee ka soo baxa hayadaha maamul ee dawlada oo lala akhriyo qodobka 29 ee xeerka wax ka bedelka iyo kaabista xeerka nidaamka ururada iyo asxaabta siyaasiga ah ee jamhuuriyada Somaliland iyo xeerka guud ee xisbiga UDUB waxay maxkamadu soo saartay xukunkan hoos ku qoran:-

1. Waxay maxkamada Sare diiday asbaabta racfaanka racfaanlaha Axmed Yuusuf Yaasiin ee ku taariikhaysan 21/04/2012 iyo dood afeedkii qareenka u doodayey.

 

2. Waxay ogolaatay jawaab celinta asbaabta racfaanka racfaansane gudoomiyaha xisbiga UDUB Daahir Rayaale Kaahin iyo dood afeedkii qareenkiisa iyo jawaab celinta ku taariikhaysan 09/05/2012.

 

3. Maxkamadu waxay ayiday go’aanka Guddida Diiwaan gelinta iyo ansixinta asxaabta qaranka ee sumadiisu tahay GD/S110/2012 kuna taariikhaysan 17/04/2012

 

4. Waxay ku kordhisay maxkamadu in warqada sumadeedu tahay tixraac GXUDUB-001-2011 ee ku taariikhaysan 03/10/2011 iyada oo maxkamadu ku kordhisay in warqadaasi leedahay ku dhaqan sharci taas oo uu soo diray gudoomiyaha xisbiga UDUB Md.Daahir Rayeele Kaahin ujeedadeeduna ahayd soo xulista guddida xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Udub, guddidaas oo tiradoodu ahayd 35 xubnood oo uu gudoominayey gudoomiye ku xigeenka xisbiga UDUB Axmed yuusuf Yaasiin waxay yeelanaysaa ku dhaqan sharci waxqabadyadii warqadaas ama igmashadaas lagu saleeyey ee ku soo baxay haddii la raacay oo lagu dhaqmay nuxurka iyo ujeedada warqadaas ku qornaa.

 

wax ka bedelka iyo soo jeedinta xeerka xisbiga UDUB waxa loo raacayaa sida uu dhigayo qodobka 23-aad faqradiisa 1-aad iyo 2aad ee xeerka guud ee xisbiga UDUB, sidoo kale wax ka bedelka xeerku waxa uu ku ansaxayaa sida uu dhigayo qodobka 23-aad faqradiisa 3aad ee shirweynaha xisbiga UDUB.

 

5. Xukunkan waxa lagu dhawaaqay maanta oo ay bishu tahay 29/05/2012.”

Xukunkani wuxuu meesha ka saarayaa Murashaxnimadii madaxtinimadda ee xisbiga UDUB ee Md. Jamaal Cali Xuseen uu garabka Axmed Yuusuf Yaasiin u doorteen murashaxa xisbigaasi.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this