Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Breaking news :Al-shabaab oo jidka u galay wefdigii madaxweyne Sharif

Recommended Posts

Deg Deg: Al-shabaab oo jidka u galay wefdigii madaxweyne Shiriif

 

Kooxo hubeysan ayaa jidka u galay wefdi uu horkacayo madaxweynaha Soomaaliya oo maanta booqasho ku tegey degmada Afgooye xilli ay kusoo jeedeen magaalada Muqdisho.

 

Kooxda weerarka soo qaaday oo ay saraakiisha ciidamada dowladdu sheegeen inay ka tirsan yihiin Al-shabaab ayaa weeraray kolonyadii la socotay madaxweynaha xilli ay marayeen inta u dhexeysa deegaanka Calamada iyo Ceelasha biyaha.

 

Dagaal muddo kooban socdey ayaa dhex maray ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo is garabsanaya iyo kooxihii kolanyadaas jidka u galay, waxaana dagaalkaas ku dhaawacmay 7-qof oo u badan askarta dowladda islamarkaana uu ku jiro afhayeenka Ahlusunna Maxamed Xuseen Awliyo iyadoo hal askarina uu ku dhintey.

 

Dhinaca kooxdii weerarka soo qaaday lama oga ilaa iyo hadda khasaaraha soo gaaray haseyeeshee waxaa sida ay saraakiisha ciidamada dowladu sheegeen gacanta lagu soo dhigay 4-qof oo ka tirsanaa ciidamada Al-shabaab.

 

Madaxweynaha iyo mas’uuliyiin kale oo isugu jira wasiiro, xildhibaano iyo saraakiisha ciidamada dowladda iyo AMISOM oo wefdigaas qayb ka ahaa ayaa lagu soo waramayaa inay gudbeen iyagoo aysan wax dhibaato ahi soo gaarin, maadaama ay saarnaayeen gaadiidka qafilan ee ciidamada AMISOM.

 

Wixii war ah oo kasoo kordha weerarka gaadmada ah ee lagu soo qaaday wefdiga madaxweyne Shiriif dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Al-shabaab oo Jidka ugalay Madaxwayne Shariif iyo faah faahino kasoo baxayo.

29. maj 2012

 

Allpuntland

 

 

Ciidamada Ururka Al-shabaab ayaa Saacado kahor waxaaa ay wadada ugaleen Kolonyo uu sarnaa Madaxwaynaha Dowlada Soomaaliya Shariif sheekh Axmed.

 

Dagaal mudo Saacado qaatay ayaa waxaa uu kadhacay deegaanka Calamada ee Katirsan Gobolka Sh/hoose,waxaana halmar lamaqlay markii uu Madaxwaynaha uu marayay deegaankaas Risaas Xoog badan oo kaga imaanaysay Dhanka Galbeedka deegaanka Calamada.

 

Ciidamada Amisom iyo dowlada ayaa bilaabay inay difaacaan gaariga uu saarna Madaxwaynaha,waxaana Kooxaha Soo weeraray Madaxwaynaha ee Katirsan Shabaab ay isku dayayeen inay Madaxwaynaha beegsadaan.

 

Dagaalka ayaa waxaa kudhaawacmay Afhayeenka Ururka Ahlusuna ee qaarada Yurub Cabduqaadir Owliyow oo kaqayb qaatay Dagaalka lagu difaacayay Madaxwaynaha.

 

Kolonyadii Gadiid ee Waday Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa goordhow waxaa ay gareen Aqalka Madaxtooyada ee Vila Soomaaliya.

 

Socdaalka Madaxwaynaha ayaa waxaa uu saakay kasoo bilowday Wadada Excontrol Afgooye ilaa iyo degmada Afgooye waxaa uu kuyimid si Nabad ah,deegaanka lagu weeraray Madaxwaynaha waa uu kaqudbeeyay Saakay oo Shacabka ayuu kuwaydiinayay waxaa ay tabanayaan kadib waxaa uu ugudbay Afogooye oo uu katagay Meelo muhiim ah Sida buundada Afgooye ee Wabiga,iyo Saldhiga Degmada.

 

Sanadkii 2006 dii ayaa ugu dambeysay Madaxwayne Shariif degmada Afgooye Xiligaas oo uu qudbadiisii ugu dambaysay kajeediyay Afgooye waxaana Xiligaas uu ahaa Gudoomiyihii Maxkamadaha Islaamiga.

 

Madaxwaynaha ayaa markii hore Socdaalkiisa hore ee maanta kutagay degmada Afgooye waxaa uu raacay gaariga Nooca caadiga ah lakiin Noqodka dambe ayaa waxaa lagu soo qaaday gaariga dadan ee Amisom waxaana kor kala socday Diyaarado.

 

Waa Markii ugu horaysay ee laysku dayo in laweeraro gaari uu saaranyaay Madaxwaynaha Soomaaliya.

 

Waxaa uu caan kuyahay Madaxwaynaha inuu booqdo jiidaha Dagaalka ee Ciidamada dowlada iyo Amisom.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheekh Shariif Oo Booqday Afgooye, Afhayeenkii Ahlu-suna Iyo 7 Ilaaladiisa Ah Oo Ku Dhaawacmay Weerar Gaadmo Ah Oo Al-shabaab Ku Qaaday

 

Afgooye (Ramaas) May 29,2012 – Madaxwaynaha dawlada ku meel-gaadhka ah ee Somaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta booqasho ku tagay Magaaladda Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose.

 

Madaxwayne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo safarkiisan ay ku wehelinayeen Saraakiil badan oo ka tirsan xukuumaddiisa iyo madax ka mid ah Ahlu-suna Wal-jamaaca ayaa la wareeray ka hor intii aanu gaadhin Magaaladda Afgooye oo ay todobaadkii hore Al-shabaab ka saareen ciidamada AMISOM iyo kuwo dawlada ku meel-gaadhka ah, waxaana weerarkaasi ku dhaawacmay todoba ka mid ah ciidamada dawlada Somaliya ee ilaalada ka ahaa weftiga uu hogaaminayey, hal qofna ku dhintay.

 

Weerarkan sidoo kale waxa ku dhaawacmay Afhayeenka Ahlu-suna Sheekh Awliyo, iyadda oo ay jiraan askar kale oo khasaare ka soo gaadhay weerarkan oo ay ku qaadeen dagaal-yahano Al-shabaab ah oo ku sii hadhsanaa deegaanada gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Weerarkan askarta badan ku dhaawacmeen ee lagu qaaday weftiga Madaxwayne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaan waxba ka bedalin safiirkii Madaxwaynaha, balse Madaxwaynuhu waxa uu si caadi ah u gaadhay Magaaladda Afgooye, isaga oo lug ku maray meelo badan oo Magaaladda Afgooye ah.

 

Madaxwayne Sheekh Shariif ayaa soo maray deegaanada Ceelasha Biyaha, Lafoole iyo Xaawo Cabdi oo uu kula hadlay dad badan oo ku soo dhaweeyay, sidoo kale waxa uu Madaxwayne Sheekh Shariif soo maray deegaanka Beerta Sayidka, halkaasi oo kulamo kula yeeshay Madax-dhaqameedka deegaanka, iyadda oo Beerta Sayidku ahayd halkii uu ka jeediyay khudbadii ugu dambaysay wakhtigii uu ahaa Guddoomiyaha Maxaakiimta Islaamiga ah.

 

Ciidamada dawlada ku meel-gaadhka ah ayaa la sheegay in la dhoobay inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye, iyagga oo ciidamadaasi amaanka deegaanadaasi aad u adkeeyay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this