Sign in to follow this  
Aaliyyah

Iyamaa Roon Dhereg-Gunimo iyo Gaajo-Gobanimo Leh..?

Recommended Posts

Aaliyyah   

Xukuumadda Somaliland waxay ku dhawaaqay in ay ka qaybgalayaan Shirka loogu qabanayo dalkii Somaaliya la isku odhan jiray Magaalada Istanbul ee Xarunta dalka Turkiga, iyagoo ku dooday in ka qaybgalkoodu yahay oo keliya Shirka lagu qabanayo Mashaariicda oo ka dhici doona dalka 31-ka May 2012.

 

Haddaba Shirkan ka dhici doona Magaalada Istanbul ee Turkigu gadh-wadeenka u yahay, waxaan muran lahayn inaanu sidiisaba ahayn mid Soomaalida meesha lagu ururinayo ku jira gacantooda, waxaana taasi daliil u ah hadalka hanjabaada ah Augustina Mahiga ee ahaa in cunaqabatayn dhaqaale iyo socdaalba saari doono Masuuliyiinta Maamulada ee ka horyimaada waxa ay go’aamiyaan Odayaasha Moqdisho ugu xareysan Mahiga iyo Turkiga.

 

Somaliland waxa looga baahan yahay wax badan ka feejignaato, iskana saxdo ka hor inta aanay tegin Shirkaasi, maadaama uu Mahiga kaga dhawaaqay Addis Ababa inay tahay arrin ay ka go’an tahay bulshada Caalamka oo aan ka noqosho lahayn wixii ka dambeeya 20 August ee Sanadkan loo sameeyo dalkii la isku odhan jiray Somaaliya Dawlad Federaal ah.

 

Marka la eego diyaarinta odayaasha ansixinaya Dastuurka ee loo qaaday dalka Turkiga iyo kuwa kale ee laga soo ururiyey Maamul Goboleedyada oo ay ku jirto Somaliland ee ay ugu yeedhaan bulshada Rayidka ah, hadallada hanjabaada ah iyo go’aanada uu miiska soo dhigay Mahiga, xaqiiqo ahaan waa kuwo ka dhigaya wada hadalkii Somaliland iyo Somaaliya waxba kama jiraan, Sidaa darteed, ilaa iyo inta banaanka looga saarayo xubnaha Somaliland ee Salaadiinta leh ee ay Mahiga iyo inta la socotaa ku darsadeen Odayaasha Dhaqanka ee saxeexaya qabyo-qoraalka Dastuurka, soona xulaya xubnaha Baarlamaanka ee ay yeelan Dawladda Federaalka ee Somaaliya.

 

Arrinta kale ee u baahan in ogaado, waxa ay tahay waa Mashaariicda dabinka ah ee xambaarsan Federaal ogolaanshaha, maadaama Ra’iisal Wasaaraha TFG-du uu yahay qofka u qeybinaya Maamullada Somaaliya, isla markaana u saxeexaya, in Somaliland kala doorato laba oo kala ah Dhereg gunnimo iyo Gaaj Gobonimo oo ah ta aynu usoo dhabar adaygnay muddada rubuc qarniga ku dhaw.

 

Geesta kale suurtogal maaha laba arrimood oo kala gaar ah yihiin ta Siyaasadda iyo ta dhaqaalaha loogu qeybinayo Somaaliya, waayo labadaasi sidii horeba loo sheegay maaha kuwo kala gaar ah, balse waa isku hal xidhmo,
Sidaas darteed sida Xukuumaddu u sheegayso Shacbigeeda ee ah in dhaqaalaha oo keliya ay u tegayaan Istanbul waxa iska cad in arrinta ay u muusaynayso Xukuumaddu Shacbigeeda, waayo Mahiga ayaa hore u cadeeyey in Cunoqabateyn la saari doono ciddii ka hortimaada go’aanka Duqeyda Dhaqanka ee Xamar lagu ururiyey ee loo sii daabulay Turkiga .

 

Tegitaanka Shirka Istambul waxa uu la mid yahay Shirqoolkii uu inoo dhigay Talyaanigu Lixdankii ee uu ina jiidhsiiyey Dastuur uu isagu soo diyaariyey, Sidaa darteed Maanta kii oo kale ayaa yaalla Istanbul ee hadhow yaan la odhan hadhow sidan maanu moodeyn iyo waa lana khiyaameeyey.

 

Mucaawino la’aanteed ayaan soo nooleyn oo xor ahayn, waana ahaan doona haddaynu iska dhaafno waxoogaaga yare e faro-guudkood ah ee ku xidhan Shuruudda ee hadba gees la inoo hor wad-wado.

 

Yool

Qaran News

http://www.qarannews.com/index.php?option=com_content&task=view&id=13570&Itemid=65

 

Interesting article I came across. Take a look.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coofle   

Gunnimo Dhereg leh, Gaajo Gobanimo leh baa dhaantaa......

 

Kolba Qof baa Majaraha inoo qabtee, Iminka waxa la joogaa Markii Turkigu inoo hayay.....Who is next? Venezuela..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nonsense on the part of Qarannews Somaliland will get its share of the development and scholarships and all of that this is the government of turkey that wants to help Somaliland,we take that there is nothing wrong with getting help from a Muslim country. As for Mahiga and all of that crap Somaliland is not part of Somalia not part of the TFG not part of the so called road map, so i don't see the connection there. The first session of the conference on 31 may Somaliland will attend. As for sanctions we cant really take that serious Aaliyaah u should not believe everything you read on the net.

Share this post


Link to post
Share on other sites
wyre   

Xaaji Tartiib Dee Innagaa Is Lehe Ha Inakala Diline, Somaliland Is Somalia, Somalia Is Somaliland, Wax Iskula Har :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Oday Siilaanyo wa xariif Turkiga la dhuuq Kuwait la dhuuq uae La dhuuq Boqoradi Ingriisku iyaduna kiishkeedi ha so tuurto Edo hillary clinton iyo USaid laftigeeda meesha kama madhna , Budhcad badeedka u xidh the EU dhowr jeelal kale ha idin dhisaan iyaguna Bilateral aid ha bilaabaan dalka Denmark end this year.Wada hadalo la fur Somalia dal shiisheeye isku kaya keena wada hadalo koobaan. Odaygan inay 2003 Madaxweyne ka dhigtaan bay ahayd reer Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Xaaji .... wuxuu liqay baa iga yaabiyey ee uu duriyadda sidan ugu cabsan yahay .... tolow ma jannada paas-keedii baa :)

Share this post


Link to post
Share on other sites
wyre   

Xaaji Xunjuf;835164 wrote:
Oday Siilaanyo wa xariif Turkiga la dhuuq Kuwait la dhuuq uae La dhuuq Boqoradi Ingriisku iyaduna kiishkeedi ha so tuurto Edo hillary clinton iyo USaid laftigeeda meesha kama madhna , Budhcad badeedka u xidh the EU dhowr jeelal kale ha idin dhisaan iyaguna Bilateral aid ha bilaabaan dalka Denmark end this year.Wada hadalo la fur Somalia dal shiisheeye isku kaya keena wada hadalo koobaan. Odaygan inay 2003 Madaxweyne ka dhigtaan bay ahayd reer Somaliland.

:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Xaaji xanjuf, as the writer of this article wrote it is understood that there is a binding agreement for Somali unity and Somaliland leaders are misleading their people by informing them that they are going there just for funds.

As for Mahiga. If he said there will be sanctions for those who don't attend the conference. Then, I don't see how one can undermine that. Clearly, any somali region in Somalia does not have power to decide as they see fit. Somaliland knew they had to accept to attend the conference at the end of the day (they might saw opportunity in accepting it right after puntland rejected to safe a face and come across in a better light than Puntland but they know very well it was more than their decision but rather international pressure )..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Xaaji Xunjuf;835164 wrote:
Oday Siilaanyo wa xariif Turkiga la dhuuq Kuwait la dhuuq uae La dhuuq Boqoradi Ingriisku iyaduna kiishkeedi ha so tuurto Edo hillary clinton iyo USaid laftigeeda meesha kama madhna , Budhcad badeedka u xidh the EU dhowr jeelal kale ha idin dhisaan iyaguna Bilateral aid ha bilaabaan dalka Denmark end this year.Wada hadalo la fur Somalia dal shiisheeye isku kaya keena wada hadalo koobaan. Odaygan inay 2003 Madaxweyne ka dhigtaan bay ahayd reer Somaliland.

LOOOL

 

Where does all that money go is worth asking? since hargaisa, burco, and berbera dont look all that different from the day Siilanyo took over.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aaaliyaah he's been President less than 2 years major airport constructions are under way road construction daily, several hospitals have been built.Berbera airport was totally transformed you should see the pictures hargeysa's second bridge was built. Burco now uses the Somaliland currency Somaliland budget went from 60 Million to 147 Million dollars.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this