Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

The real reason why Puntland and Galmudug refused to attend the Istanbul conference

Recommended Posts

Xogta iyo ajandaha dhabta ah ee shirka Istanbul

28 May 28, 2012 - 3:30:03 AM

 

Magaalada Istanbul waxa ka socda shir Turkigu isugu yeerey odayaasha iyo xubno bulshada rayidka Somalida ah ,waxana muuqata faragelinta xulida xubnaha ka qaybgalaya iyo weliba sida ay ugu dhexmuuqdaan ururo iyo kooxo siyaasadeed oo dano gaar leh fushanaya.

 

Garowe Online waxa soo garey nuqul kamida ajendaha shirka oo la sheegey inay ka qaybgalayaan 300 oo qof 135 kamida waa odayaal dhaqameed Muqdisho diyaarad loogu soo direy islamarkasina u baqooley dhanka Istanbul iyaga oo aan wax ogolaansho iyo la tashi ah kala yeelan arrintaasi dadka ay matalayaan,maamulada iyo meelaha ay ka yimaadeen iyo weliba umadda Somaliyeed.

 

Halka 165 kale la sheegey inay isugu jiraan aqoonyahano,ganacsato,dhalinyaro ,haween culimo iyo qurbajoog oo sidii odayaasha oo kale laga soo diyaariyey xafiis gaar ah,waxana ay isugu jiraan dad dibad joog ah oo siyaasada dalka aan ka war hayn iyo kuwo ku jira urur diimeedyada dalka ku hardamaya.

 

Magacyada lagu casumey shirka waxay isugu jiraan rag horey ugu soo fashilmey siyaasada Somalia qaybna ka ahaa dowladihii dalka soo marey,ururo haatan u hanqaltaagaya maamulka dalka hanashadiisa iyo kuwo darajooyin ku qaatey colaada dalka ka aloosan iyo weliba rag Baydhabo fadhiyey oo Al-shabaab ka tirsan.

 

Halkan waxaan idiin ku soo gudbineynaa qaar kamida magacyada xubnaha lagu casumey shirka Istanbul:

 

Cadar Aadan (American Refugee Council),Dr.Maxamed Shiikh Axmed Doodishe ,Cabdulaahi Abuukar (Manhal Charity)Sahra Cali Xasan,Dr.Aadan Xaaji Ibraahim(Wasiirkii hore ee caafimaadka),Amiin Caamir,Axmed Naaji Sacad ,Cabdi Shire Jaamac Jooqle,Aamino Muuse Weheliye,Zakia Huseen ,Prof.Cabdulaahi Cismaan,Cabdiqaadir Aadan Cabdul, Abdirisaaq Xuseen,Gen.Axmed Jaamac ,Maxamed Shariif iyo odayaasha qaar oo soo jeedinaya kalmado,Dr.Cali Baashi ,Sh. Saalax Shiikh Ibraahim,Sh. Cabdiraxman Maxamed,Shiikh Cabdiqaadir Somow ,Xasan Mahadalah,Nuuradiin Diiriy,Amira Axmed ,Cabdulaahi Abyan,Najma Cabdi ,Abuukar Arman,Gen.Ahmed Jaamac (Former Police Chief),Prof.Yusuf Axmed Nuur,Cabdi Maxamed Abtidoon (Wasiiru dowlihii hore ee gashaandhiga),Sahra Cali Samatar,Zakiya Huseen ,Mustaqim Waid,Nimco Ahmed ,Hindiya Cali,Cadulaahi Cismaan,Maxamed Cumar Maxamed Ladan Caafi,Maxamed Diini,Prof.Cabdulaahi Bariise ,Cabdikarin Xuseen Guleed,Dr.Cali Ciise Cabdi,Xaliimo Ismaacil.

 

Fiiro gaar ah magacyada kor ku xusan waa inta soo jeedinada ku leh shirka Istanbul.waxa jira ururo sigaar ah u dhex muuqda sida Samsam Foundation oo qaabilsan fulinta mashaariicda Turkiga Muqdisho.Hiil Qaran ,Tayo ,Khaatumo iyo kuwo kale oo ku caanbaxay inay ka soo horjeestaan habsami u socodka geedi socodka nabada Somalia.

 

Booqashadii Turkiga wasiirkeeda koowaad kadib waxay ku dhawaaqeen inay Somalia ka fulinayaan mashaariic horumarineed balse waxa laga dhacsiiyey in Somalia ay tahay hal magaalo iyo hal qabiil oo qura oo waxay soo dhaafi kari waayeeen xayndaabkii Muqdisho.

 

Il wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Garowe Online u sheegey in ku dhowaad 300 oo Milyan Doolarka Maraykanka uu Turkigu ugu deeqey Somalia balse lacagta tiradaas dhami gacanta u gashey ururo iyo magacyo gaar ahaaneed oo ku fushadey danahooda.

 

Shalay ayaa war-murtiyeed si wadajir ah u soo saareen Puntland iyo Galmudug waxay kaa biyo dideen shirka Istanbul kadib marki ay arkeen faragelinta lagu sameeyey shirkan iyo weliba inaan danta Soomaliyeed lagu hayn halkaasi oo dadka siyaasada qaarkood ku tilmaamayaan in lagu wado qorshe cusub siiyasada Somalia mid lagu unkayo waana mid dhaawaceysa waxna u dhimeysa geediga loogu jiro haatan in dowladd Somaliyeed la helo Aug2012.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this