Saalax Posted May 28, 2012 Turkiga Oo Soo Saaray Hadal Jawaab U Ah Qaadacadii Puntland iyo Galmudug Shirka Stanbul ANKARA (RBC) Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in shirka ka dhacaya Istanbul dabayaaqada bishan in uu yahay mid lagu xalinaayo mashaakilaadka hareeyay Soomaaliya. Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Ahmet Davuto?lu ayaa sheegay in Turkiga in la xaliyo qilaafka Soommaaliya uu ka mid yahay siyaasadiisa dibadda kuwa ugu horeeya. Wuxuu yiri nabad ka dhalata Soomaaliya waxa ay lamacno tahay nabad *****shay Africa, Babadda Cas iyo Badweynta India. Wuxuu hadalkan ka sheegay kulan ay ka qeybgaleyn bulshada rayidka Soomaalida oo shaley Axadii ka dhacay ?stanbul , wuxuu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga in dowladiisa ay ka qeyb qaadan doonto siddii xasilooni looga dhigi lahaa dhaqaalaha iyo siyaasada Soomaaliya. Wuxu yiri “Guud ahaan aduunka waxa ay indhaha ku hayaan Shirka Soomaalida oo dhan loogu qabanaayo Istanbul, kaa oo looga hadlaayo xaaladda dalka, Turkiga waxa halkan keeneyn dhamaan dhamaan ururada bulshada iyo hey’adda Soomaalida kuwaas oo awood u leh in mideeyaan hadafkooda ku aadan Soomaaliya” Wuxu intaas ku daray ” Turki in dana gaar ah uusan lahayn Soomaaliya, ama qatar galinaya amaanka Soomaaliya laakin waa arrin aan dooneyno xag bini’aadinimo in aay u tijaabano” ayuu yiri Mr. Davuto?lu. ?stanbul waxa ay hadda isku diyaarineysaa shirkii labaad oo heerkiisa uu weynyahay, kaa oo ah heer caalami ah, kaa oo furmaya Khamiista, waxana looga hadlayaa mustaqbalka Soomaaliya. Shirka waxa ciwaan looga dhigay “Diyaarinta Mustaqbalka Soomaaliya”, horey waxa ay dowladda Turkiga ugu qabatay Istabul shir heer caalami ah 2010-tii, waxa la filayaa in shirkan ay ka soo qeyb galaan madaxweynayaal, ra’iisal wasaarayaal ka socda 54-dal, sidoo kale xoghayah guud ee QM Ban Ki-Moon, Xogyahaha ururka is-kaashiga Islaamka (OIC) Ekmeleddin ?hsano?lu iyo Guddoomiyaha midowga Africa Jean Ping. Axadii shaley waxa ka furmay Istanbul shirka bulshada rayidka, sidoo kale waxa ku jira xubno laga soo xulay siyaasiyiinta, kaasna wuxu dhicidoonaa maalinta Khamiista. Wuxuu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Davuto?lu in dowladiisa wax yaabaha u ballan qaaday Soomaaliya ka dhabeyn doonto, kuwaas oo lagu baaday markii dhowr jeer ay booqdeyn Soomaaliya wafuud caalami ah oo ku jiro qudhiisa iyo ra’iisal wasaaraha Turkey Prime Minister Recep Tayyip Erdo?an kuwaas oo sheegay in ay ka qeyb qaadan doonaan halka horrumarinta nabadda Soomaaliya, sidoo waxa uu sheegay in diyaarada Turkish Airlines (THY) ay duulimaad caalami ka bilowday Mogadishu iyo ?stanbul, Sidoo kale wuxuu yiri “?stanbul hadda waxa ay irida u fureysa Soomaaliya, si aduunka ay iyana u wadaan kaalmada .” Turkey waxa ay bixisay $365 million (TL 640 million) kuwaas oo loogu talagalay gargaar sanadkii la soo dhaafay, sida laga soo xigtay wasiirka musiibooyinka iyo arrimaha degdega. Macluusha waxa ay dishay 29,000 caruur oo Soomaali ah sanadkii la soo dhaafay , waxana Turkiga ay qaadatay door muhiim ah oo ku aadna arrimaha gargaarka oo la siinaayay dadka abaaraha iyo dagaalada ay kala kiciyeen. Dhinaca kale, Abuukar Arman, oo ah wakiilka Soomaaliya u jooga Mareykanka ayaa war- uu sabtidii ka soo saaray xafiiskiisa wuxuu ku yiri “Turkiga howlaha ay ka wadaan Soomaaliya waxa ay mudan yihiin in lagu daydo oo lagu guddoonsiiyo bilad” wuxuu sheegay in Turkiga aan la soo koobi karin qaabka ay deeqaha u bixiyaan Xigasho :Today’s Zaman Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted May 28, 2012 http://www.raxanreeb.com/2012/05/turkiga-oo-soo-saaray-hadal-jawaab-u-ah-qaadacadii-puntland-iyo-galmudug-shirka-stanbul/ Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted May 28, 2012 loool@Schoolgirl waxaba ii muuqatay tu yaro shadad weyn sidata oo cadheysan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted May 28, 2012 Xaaji Xunjuf;835034 wrote: loool@Schoolgirl waxaba ii muuqatay tu yaro shadad weyn sidata oo cadheysan. Quote Share this post Link to post Share on other sites