Sign in to follow this  
Saalax

Ciidamada Ethiopia oo Soo Buuxiyey Gedo iyo Baay, Diyaar Garowna Ugu Jira Duulaan Ku Wajahan Kismaay

Recommended Posts

Saalax   

Ciidamada Ethiopia oo Soo Buuxiyey Gedo iyo Baay, Diyaar Garowna Ugu Jira Duulaan Ku Wajahan Kismaayo

 

Muqdisho (RBC) Ilo wareedyo ku sugan gobolka Gedo iyo magaalada Baydhabo ayaa Shabakada Raxanreeb u sheegay in ciidamo fara badan oo Ethiopian ah maalmihii udambeeyay ay soo buuxiyeen degmooyin ka mid ah gobolada Gedo iyo Baay oo ay horey u joogeen Ethiopianka.

Ciidamada Ethiopianka oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka iyo hubka culus ayaa lagu arkay degmooyinka Luuq Doolow iyo duleedka magaalada Baydhabo halkaasoo ay fariisimo ka sameysteen. Waxayna dadka deegaanka sheegayaan in ciidamadan ay yihiin kuwoi cusub oo dhowaan soohdinta ka soo talaabay.

Wararka ayaa sheegaya in ciidanka cusub ee Ethiopianka ay yihiin ciidamo loo diyaarinayo weerar ku wajahan gobolada Jubbooyinka iyadoo marka horana la qorsheynayo in laga bilaabo dhanka degmada Baardheere oo hadda ay joogaan Al-Shabaab si loo qabto gobolka Jubbada Dhexe kadibna magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose xarunta u ah.

Tirada askarta Ethiopianka ee dhowaan soo gashay weli ma cadda, waxayse ku soo beegmeen iyadoo raysul wasaaraha Ethiopia Melez Senawi uu dhowaan taliye cusub u magacaabay ciidankiisa ka dagaalamaya gudaha Soomaaliya. Melez wuxuu dhowaan sidoo kale sheegay in ciidankiisu ay tagayaan magaalada Kismaayo.

Dhaqdhaqaaqyadan ayaa dareen weyn ka abuuray degmooyinka gobolada Jubbooyinka ee ay heystaan Al-Shabaab waxaana si weyn loo dareemayaa diyaargarow ay dhankooda wadaan ciidamadaAl-Shabaab ee jooga Baardheere oo ah degmada ugu shisheysa ee difaaca u ah waqtigan dhanka Gedo iyadoo dhanka Kenya uu ka jiro dhaqdhaqaaq ka socda degmada Afmadow.

Toddobaadkan bilawgiisa ayaa qeybta warfaafinta ee Al-Shabaab, waxay bogeeda twitter-ka ku sheegtay inay ka warheyso dhaqdhaqaaqa Ethiopianka ku soo wajahan Kismaayo, waxayna ku goodiyeen inay Ethiopianka naafeyn doonaan.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this