Saalax Posted May 28, 2012 Ciidamada Ethiopia oo Soo Buuxiyey Gedo iyo Baay, Diyaar Garowna Ugu Jira Duulaan Ku Wajahan Kismaayo Muqdisho (RBC) Ilo wareedyo ku sugan gobolka Gedo iyo magaalada Baydhabo ayaa Shabakada Raxanreeb u sheegay in ciidamo fara badan oo Ethiopian ah maalmihii udambeeyay ay soo buuxiyeen degmooyin ka mid ah gobolada Gedo iyo Baay oo ay horey u joogeen Ethiopianka. Ciidamada Ethiopianka oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka iyo hubka culus ayaa lagu arkay degmooyinka Luuq Doolow iyo duleedka magaalada Baydhabo halkaasoo ay fariisimo ka sameysteen. Waxayna dadka deegaanka sheegayaan in ciidamadan ay yihiin kuwoi cusub oo dhowaan soohdinta ka soo talaabay. Wararka ayaa sheegaya in ciidanka cusub ee Ethiopianka ay yihiin ciidamo loo diyaarinayo weerar ku wajahan gobolada Jubbooyinka iyadoo marka horana la qorsheynayo in laga bilaabo dhanka degmada Baardheere oo hadda ay joogaan Al-Shabaab si loo qabto gobolka Jubbada Dhexe kadibna magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose xarunta u ah. Tirada askarta Ethiopianka ee dhowaan soo gashay weli ma cadda, waxayse ku soo beegmeen iyadoo raysul wasaaraha Ethiopia Melez Senawi uu dhowaan taliye cusub u magacaabay ciidankiisa ka dagaalamaya gudaha Soomaaliya. Melez wuxuu dhowaan sidoo kale sheegay in ciidankiisu ay tagayaan magaalada Kismaayo. Dhaqdhaqaaqyadan ayaa dareen weyn ka abuuray degmooyinka gobolada Jubbooyinka ee ay heystaan Al-Shabaab waxaana si weyn loo dareemayaa diyaargarow ay dhankooda wadaan ciidamadaAl-Shabaab ee jooga Baardheere oo ah degmada ugu shisheysa ee difaaca u ah waqtigan dhanka Gedo iyadoo dhanka Kenya uu ka jiro dhaqdhaqaaq ka socda degmada Afmadow. Toddobaadkan bilawgiisa ayaa qeybta warfaafinta ee Al-Shabaab, waxay bogeeda twitter-ka ku sheegtay inay ka warheyso dhaqdhaqaaqa Ethiopianka ku soo wajahan Kismaayo, waxayna ku goodiyeen inay Ethiopianka naafeyn doonaan. RBC Radio Xafiiska Wararka Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted May 28, 2012 http://www.raxanreeb.com/2012/05/ciidamada-ethiopia-oo-soo-buuxiyey-gedo-iyo-baay-diyaar-garowna-ugu-jira-duulaan-ku-wajahan-kismaayo/ Quote Share this post Link to post Share on other sites