Saalax Posted May 27, 2012 Xukuumada Somaliland oo Si Rasmi ah ugu Dhawaaqday In ay Ka qayb Galayso Shirka Istanbul Turkey Una Diraysa Wafti Heer Wasiir ah Written by: Wariye Zaki Published: 27/05/2012 @13:22 Hargeysa/ToggaHerer 27 may 2012 Afhayeenka Xukuumada Jamhuuriyadda Somaliland ahna Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Md Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale “Boobe ayaa soo Saaray War-Saxaafadeed ku Saaban In Somaliland ka Qaybgalayso Wajiga koowaad ee Shirka Istanbul ee Turkey . War-Saxaafadeedkan oo Nuqul ka Mid ahi soo gaadhay Warqabadka ToggaHerer ayaa u qornaa Sidan:- Wasiirka Warfaafinta Somaliland isla Markaana ah Afhayeenka Rasmiga ah ee Xukuumada Somaliland waxa uu Soo saaray Warsaxaafadeedkan ku Saabsan Ka qayb galka Wajiga Hore ee Shirka Magaalada Istanbul ee Dalka Turkey kadib markii ay martiqaad Rasmi ah ka heshay Dawlada Turkey Bishan 5/25/ 2012. Xukuumada Somaliland waxay go`aansatay inay ka qayb gasho Wajiga Hore ee Shirka Istanbul oo Ku beegan 31 May 2012 Martiqaadka rasmiga ah waxa si cad ugu qeexan Dawlada Turkey ula dhaqmi Doonta Somaliland si Ka gedisan sida loola dhaqmaayo Gobolada Somalia. Dawlada Turkey Waxa kale oo martiqaad keeda ku cadaysay in la raaci doono Hab maamuuskii Shirkii London ku qabsoomay 23 Feb 2012. Shirka Istanbul ka Qabsoomi doona 31 May 2012 Waxa lagu Gorfayn doonaa isla markaasina go`aamo laga gaadhi doonaa Arrimaha la xidhiidha Horumarinta, Dhaqaalaha oo u kala baxa Afar Qaybood oo kala ah U adkaysiga Tamarta , Biyaha Iyo Waliba Wadooyinka . Maadaama oo Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Booqasha Rasmi ah ugu Ambabaxayo jamhuuriyadda Jabuuti Madaxweynaha Somaliland Waxa uu u Magacaabay In shirka Istanbul ay ka Qaybgalaan Afarta Wasiir ee Kala ah , Maxamed Cabdilaahi Cumar Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Sacad Cali shire Wasiirka Qorshaynta Qaranka. Axmed Cabdi Xaabsade Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta. Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, Wasiirka Wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Tamarta. Warqabadka ToggaHerer Hargeysa Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted May 27, 2012 http://togaherer.com/xukuumada-somaliland-oo-si-rasmi-ah-ugu-dhawaaqday-in-ay-ka-qayb-galayso-shirka-istanbul-turkey-una-diraysa-wafti-heer-wasiir-ah/ Quote Share this post Link to post Share on other sites
Aaliyyah Posted May 27, 2012 LOL..interesting development. I wonder what oodeweyne has to say about this. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted May 27, 2012 Good the turks are our friends since the Walahsma Dynasty in the 15 century. Somaliland qeybta waxa ka qeyb galaysa dhaqalaha iyo wadooyinka iyo biyaha. Quote Share this post Link to post Share on other sites
MoonLight1 Posted May 27, 2012 Xaaji Xunjuf;834721 wrote: Good the turks are our friends since the Walahsma Dynasty in the 15 century. Somaliland qeybta waxa ka qeyb galaysa dhaqalaha iyo wadooyinka iyo biyaha. Malaha Buffet menugii baa last minute Qaad lagu daray. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted May 28, 2012 Somaliland participates in Turkey Conference. Puntland and Galmudug sub-clan states refuse to come to Turkey. Ahlu suna wa Jamaca has signed a deal with the Goverment of Iran. Sheick Geeljire, Madaxweyne of AWSJ said: "Sufi's and Sjiica have a common interest and both are against Wahabist And do celebrate Mowlitu Nabi". Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted May 28, 2012 Its a most welcome development that Somaliland (NW regions) is in this conference... Quote Share this post Link to post Share on other sites