Sign in to follow this  
Dr_Osman

President Farole Provides Update On High Level Talks Between India Puntland.

Recommended Posts

Dr_Osman   

Madaxwaynaha Dawlada Puntland oo ka waramay waxyaabaha uga qabsoomay Dalka India

 

Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamad (Faroole) oo maal mihii lasoo dhaafay safar shaqo ku joogay dalka India ayaa warbaahinta uga war bixiyay waxyaabaha uga qabsoomay safarkiisa iyo halka ay u marayaan kulamada madaxda India.

 

Dr.Cabdiraxmaan Faroole oo maanta waraysi siiyay BBC-qaybta afka soomaaliga ayaa ka war bixiyay sababta ka danbasyay aaditaanka India ,iyo waxyaabihii uga suura gallay kulamadii uu la qaatay madaxda dalkaasi ,wuxuna sheegay inuu kulamo kala duwan la qaatay madaxda India isla markasna kala hadlay arimo muhiim ah oo ku aadan arimaha bulshada reer Puntland.

 

Wuxuna sheegay Dowlada India inay kala hadleen sidii looga taari lahaa arimaha bulshadda sida dhisitaanka wadooyinka magalooyinka Puntland kor u qaadista xariirka labada dalka iyo dib u habaynta wax soo saarka khayraadka kala duwan ee Puntland,wuxuna sheegay inay ka ogaaladeen Dowlada India inay ka caawiyaan arimahaasi oo idi.

 

Dhinaca kale madaxwaynaha Puntland waxa uu sheegay xitaa inay kala hadleen sidii wax badan dowlada India ay Puntland uga caawin lahayd sidii kor loogu qaadi lahaa dhanka waxbarashada iyo caafimaadka oo lagu tilmaamo aduunka inay ugu horeeyaan.

 

Arimaha dhanka Puntland ugu baahi badan ayaa waxaa ka mid ah uu madaxwayne Faroole ka codsaday in dhaqatiir caafimaad oo caalamiya la keeno isbitaalka Puntland si ay ,uga qayb qaataan howlaha caafimaad ee ka socda Deegaamada Puntland,wuxuna ku amaanay Faroole qaabka wanaagsan oo ay uga ogalaadeen arimaha codsiga ku wajahan.

 

Booqashada uu madaxwayne Faroole iyo waftiisa ay ku joogaan Dalka India marka uu soo dhamaado waxay dib ugu soo noqon doonan magalada Adis oo ay markii hore ka dhoofeen ,halkaasi oo lagu wado inuu ka dhaco shir soomaaliyed.

 

Dunidaonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this