Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somalia's constitutional conference opens in Addis ababa Ethiopia.

Recommended Posts

Shirkii ay Puntland dalbatay oo lixdii saxiixayaasha isugu imaanyaan Adis ababa,Isniintana furmnaya

Posted by Pi on May 19th, 2012

Adis ababa(Pi) Maalinta Isniinta waxaa Magaalada Adis ababa ka furmaya shirkii lixda saxiixayaasha Roadmap-ka ee looga adli doono Dastuurka qabya qoraalka, waxaana shirkaan dalbaday inuu dhaco Puntland.

 

Shirkaan ayaa lagu falanqaynayaa Dastuurka qaba qoraalka oo la shegey inuusan u qorayn sidii lagu heshiiyey ee heshiisyadii Garowe 1 iyo 2, Dhamaan qaybihii kasoo qayb gali lahaa shirka o ay casumaad u dirtey Qaramada Midoobey way aqbaleen iney kasoo qayb galaan shirka.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Adis ababa Siciid Yuusuf Nuur oo waraysi siiyey BBC laanta af-soomaaliga ayaa shegey in Dowlada Itoobiya ay marti galisey shirka balse aysan wax shaqo ah ku lahayn, waxaa shirka casumaada bixiyey Qaramada Midoobay waxaana kasoo qayb galaya oo kaliya Lixda saxiixayaasha oo kala ah Puntland,Sadexda masuul ee ugu sareeya Dowlada KMG, Galmudug iyo Ehlu suna, waxaa sidaas BBC-da u sheegey Safiirka Dowlada KMG ah ee Adis ababa.

 

Waxaa hada Adis ababa ku sugan Madaxweynaha Puntlad Dr. Faroole iyo Hogaamiyaha Galmudug Mr. Caalim, waxaa ilaa bari iyana kusoo biiraya Madaxweynaha Dowlada Fedaralka ee KMG ah Shariif Sheikh Axmed, Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlada Federalka KMG Shariif Xasan Sh. Aaden iyo Raysal wasaaraha Dowlada KMG ah Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

 

kala soco Puntlandi.com wararka rasmiga ah ee shirka

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

This is a disgrace and rather shamefull event. Certainly after we thought Somali actors, would seek somali solution and meet within Somalia without the attendence of foreign countries, Everything that the Garowe meeting stood has been destructed by this shamefull gathering.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdi heer sare ah oo ka socda dawlada Soomaaliya ayaa u Ambabaxay dalka Itoobiya oo ay shir uga qaybgalayaan

 

Axad, May 20, 2012 (HOL) — Wafdi ay hogaaminayaan ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali iyo gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xassan Sheekh aadan ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyagoo kusii jeeda magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

 

Wafdigan ayaa waxaa qayb ka ah wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, waxayna dalka Itoobiya uga qayb-galayaan shir berri oo Isniin ah ka furmi doona, kaasoo looga hadlayo heshiiska Roadmap-ka iyo dastuurka cusub ee Soomaaliya.

 

Addis Ababa ayaa waxaa horay ugu sugnaa madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Faroole iyadoo lagu wado inay magaaladaas gaaraan xubno ka socda Ahlusunna iyo Galmudug oo ka qaybgalaya shirkan.

 

Shirkan oo socon doona laba casho ayaa waxaa looga hadli doonaan waxyaabihii ka qabsoomay heshiiska Roadmap-ka iyo dastuurka cusub ee Soomaaliya oo cabasho ay ka timid, gaar ahaan Puntland oo si aad ah uga cabatay 35-qodob oo dastuurka ka mid ah.

 

Madaxweynaha Soomaaliya oo aan horay warkayaga ugu sheegnay inuu wafdigan hogaaminayay ayaan kaga haray ayraboorka sababo aan la shaacin awgood, waxaase ilo ku dhow ay sheegayaan inuu galabta tagi isna magaalada Addis ababa.

 

Lama oga in shirkan lagu dhameyn karo is-afgaran-waaga dastuurka ku saleysan ee u dhexeeya dowladda KMG ah iyo Puntland, iyadoo madaxda dowladda ay sheegeen inay ka go'an tahay ansixinta dastuurka cusub ee Soomaaliya.

 

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgeli doona dajire Augustine Mahiga oo u qaabilsan Qaramada Midoobay arrimaha Soomaaliya, iyadoo dowladda Itoobiya oo ay ciidammo kaga sugan yihiin Soomaaliya ay marti-gelinayso shirka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

DEGEDEG’Madaxwayne Shariif oo uduulay Itoobiya

 

20. maj 2012

 

Madaxwaynaha ayaa waxyar uu kadambeeyay Ra’iisulwasaraha iyo wafdi uu hogaaminayay oo iyagana kaduulay Adan Cade Airport.

 

Shariif ayaa waxaa uu kaqaybgalayaa Shirka Arimaha Roadmapka lagu gorfaynayo ee kadhacayo Dalkaas.

 

Madaxwaynaha Dowlada Soomaaliya ayaa maalmahan safar waxaa uu kujoogay Dalka Mareykanka oo uu ugu qaybgalay Shir ay soo qaban qabiyeen Qaramada midoobay loogana hadlayay Arimaha Soomaaliya.

 

Sidoo kale waxaa uu cagta soo mariyay Dalka Uganda halkaas oo kulan kula qaatay Dhigiis dalka Uganda kana hadleen Xiriirka labadal.

 

Goordhow ayaa Madaxda Dowlada lagu wadaa inay kadagaan dalkaas

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this