Saalax Posted May 19, 2012 Shirkadda Shidaalka ka Qodaysay Puntland oo sheegtay inay joojinayso ceelkii ay ka qodaysay Dooxada Darroor Sabti, May 19, 2012 (HOL) — Shirkadda Horn Petroleum Corp ayaa sheegtay inay joojisay ceelkii shidaalka ee ay ka qodaysay dooxada Darroor ee Puntland, kaddib markii ay sheegtay inaysan u muuqan in halkaas uu shidaal ka imaan karo. Warbixin ay shirkadda soo saartay ayay ku sheegtay in riiggii ay ka saartay halkii uu ku mudnaa, iyadoo xustay inay horay u qorsheysay in markii ay hoos u socdaan 3800-mitir uu shidaal imaan doono, balse ay gaareen 3,430-mitir balse aysan hayn wax shidaal ah. Shirkaddan oo saldhigeedu yahay dalka Kanada ayaa waxay sheegtay in howsha lagu qodayo shidaalka ay u wareejin doonto deegaanno kale oo Puntland ka tirsan, iyadoo heshiiska shirkaddan iyo Puntland ay galeen uu dhigayo in 51% ay shirkaddu yeelato shidaalka la helo. Howsha lagu qodayo shidaalka Puntland oo billaabatay bishii Jannaayo ee sannadkan ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo Soomaaliya laga billaabo shidaal qodis. Puntland ayaan weli ka hadlin joojinta ay shirkadda Horn Petroleum Corp joojisay qodistii shidaalka ee Puntland ay kawadday, iyadoo shirkaddu aysan sheegin halka ay qodidda shidaalka ka billaabayso. Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Faroole ayaa horay u sheegay in shidaalkan uu u horseedayo Puntland horumar, isagoo xusay inay dadaal badan ku bixiyeen sidii ay shirkaddan u billaabi lahayd howsha qodidda shidaalka. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted May 19, 2012 http://www.hiiraan.com/news/2012/May/wararka_maanta19-18023.htm Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted May 19, 2012 To move the rig and drill 3.5 km north while testing this one and then bringing the rig back to Shabeel-1 to drill again. All to save time. Which rig do you have? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Wadani Posted May 19, 2012 This is an unfortunate development, but we have to remain hopeful that they will find oil in whichever place they start drilling next. Hala soo duceeyo. Quote Share this post Link to post Share on other sites