Sign in to follow this  
Carafaat

UN envoy worried that spoilers might destroy Somalia peace and transition plans

Recommended Posts

Carafaat   

Mahiga Oo Ka War-warsan Fulida Qorshaha Nabada Somaliya Oo Burbur Ku Dhow

 

Nairobi– Ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Somaliya Dr Augustine Mahiga ayaa bulshada caalamka dhaqaale uga raadinaya qorshaha loo yaqaano khariirada nabada Somaliya, kaasi oo uu qayb ka yahay shirka Muqdisho ka socda ee lagu xulayo xubnaha ansixinaya dastuurka Somaliya.

 

Ergayga xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliya waxa uu walaac ka muujiyey dad uu sheegay inay doonayaan inay fashiliyaan qorshaha nabada ee Somaliya, kaasi oo uu sheegay in loo baahan yahay in la hirgaliyo, isaga oo bulshada caalamka ka dalbaday dhaqaale lagu hirgaliyo.

Dr Mahiga waxa uu tilmaamay inay jiraan dad doonaya inay khariirada nabada caqabad ku noqdaan “Waxaa jira dad doonaya inay caqabad ku noqdaan Roadmap-ka iyagoo wadiiqooyin kala duwan isticmaalaya si ay uga hortagaan guulihii laga gaadhay heshiiskaas”ayuu yidhi.

 

Hadalkan ka soo yeedhay Mahiga ayaa muujinaya in qaramada midoobay ka warwarsan tahay fulitaanka qorshaha loo yaqaano khariirada nabada Soomaliya, kaasi oo ah qorshaha kaliya ee la doonayo in Somaliya nabadgalyo lagaga dhaliyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this