Carafaat Posted May 17, 2012 Mahiga Oo Ka War-warsan Fulida Qorshaha Nabada Somaliya Oo Burbur Ku Dhow Nairobi– Ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Somaliya Dr Augustine Mahiga ayaa bulshada caalamka dhaqaale uga raadinaya qorshaha loo yaqaano khariirada nabada Somaliya, kaasi oo uu qayb ka yahay shirka Muqdisho ka socda ee lagu xulayo xubnaha ansixinaya dastuurka Somaliya. Ergayga xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliya waxa uu walaac ka muujiyey dad uu sheegay inay doonayaan inay fashiliyaan qorshaha nabada ee Somaliya, kaasi oo uu sheegay in loo baahan yahay in la hirgaliyo, isaga oo bulshada caalamka ka dalbaday dhaqaale lagu hirgaliyo. Dr Mahiga waxa uu tilmaamay inay jiraan dad doonaya inay khariirada nabada caqabad ku noqdaan “Waxaa jira dad doonaya inay caqabad ku noqdaan Roadmap-ka iyagoo wadiiqooyin kala duwan isticmaalaya si ay uga hortagaan guulihii laga gaadhay heshiiskaas”ayuu yidhi. Hadalkan ka soo yeedhay Mahiga ayaa muujinaya in qaramada midoobay ka warwarsan tahay fulitaanka qorshaha loo yaqaano khariirada nabada Soomaliya, kaasi oo ah qorshaha kaliya ee la doonayo in Somaliya nabadgalyo lagaga dhaliyo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted May 17, 2012 hahahaha mr Mahiga is worried Quote Share this post Link to post Share on other sites