kingofkings Posted May 17, 2012 Dawlad Soomaaliyeed oo aan Federaal ahayn ma u cuntami kartaa Puntland? Jawaabtu waa caddahay, waa dawlad waxayna aqbali kartaa habka federaaliga ah oo kooban dawlado midoobay, haddii taas lawaayona dawladda Puntland iyo dadkeedaba waxaan u soo jeedinayaa inay qaataan go’aan adag oo ay masiirkooda kaga tashadaan. Run ahaantii nidaamkii dawladihii hore oo maamulku ku koobnaa hal meel ah (Centralized Government) gobollada puntland waxay u ahayd dib u dhac wayn mana aha wax la aqbali karo. Maansadaan aan ugu magacdaray Dacwad gabay oo aan ku cabbirayo dareenkayga, waxaan aad ugu bayaamiyay inay Puntland maanta joogto heer aad u wanaagsan, dad kaygana waxaan ku adkaynayaa in aanay ku hamiyin inay dalkooda dayacaan. Daruur hogol ah daad soo rogmaday doogga iyo rayska, Dayr dhal geel ah, dabarreey lo’iyo wegen dillaamaya, Diihaalka jiilaalka waa laga dawoobaa Dal burburay bannaan diiran iyodegelka oo qiiqay Haddii danbyo ay noo keceen daacad wax u taagay Duco iyo salaan baan u diray daalna ku adkeeyay Diiwaanka taariikhda waa lagu dawoobaae Danta shacabka diinteenna iyo dawladnimadeenna Dastuur xaq ah sharcay noo dejeen daacadda ilaah Daraawiish Darayskii sitiyo diricyo gaashaaman Dafcadaha mariinada wixii xeebta lagu dayray Wixii cadow la daan daamiyaan la isku diidayn Durdurada batroolka ah haddii daaha laga fayday Daartaa raggii dhigay wallaan dibay lagaarayne Dadaalkiina siiwada ilaah idin dareejeeye Dacwad gabay haddaan reertolkay Daacad ugu dhiibo Gobanimadii loo diraray iyo dabartirkii gaalka Inaad door ahaydeen wallaan xaraf u duugnayne Waxaad duuglahaydeen markaad xamar ku daaraysay Waatii dawaarkii lajaray lagugu soo duulay Waatii sidii duul kufriya danab laguu reebin Dullaan garan halkii lagu dagiyo debinno shaydaane Waa kuu dareen li’ inaad dib u hayaantaa Waxaa Tixdan tiriyay Abwaan Abdirahman Said Abdirahman Quote Share this post Link to post Share on other sites
kingofkings Posted May 17, 2012 Mr. Abdirahman, as my famous awoowe, odey shirwac, once said, Hell To The Motherloving Canjeelo NO. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted May 17, 2012 Clan federalism is off the table my friend its gone forget about it. Quote Share this post Link to post Share on other sites