kingofkings Posted May 17, 2012 Gaalkacyo(puntlandi.com):- Hay’adda Perige international ayaa maanta dawooyin ku wareejisay Isbitaalka guud ee gobolka Mudug. Kulan maanta ka dhacay Isbitaalka guud ee gobolka Mudug oo ay ka soo qaybgaleen Maamulka Isbitaalka guud oo ay ka mid yihiin Agaasimaha Isbitaalka guud Dr, Maxamed Xusien Aadan, Kusimaha Isbitaalka Drs, Sucaad C/laahi Maxamed, Saraakiil ka socotay hay’adda Perige international oo uu ka mid yahay Xusein Abuukar, Aqoonyahanka oo uu ku jiro Prof, Maxamed Jaamac Salaad ayaa dawadan lagu wareejiyay. Eng, Xusein Abuurkar oo ah Wakiilka hay’adan Perige international ayaa si rasmi ah Dawadan ugu wareejiyay maamulka Isbitaalka guud ee gobolka Mudug wuxuuna sheegay in dawadani ay tahay 10 TAN ayna ka mid tahay Dawooyinka ay hay’adu ugu deeqdo Isbitaalada dadka ka dhaxeeya ee Public-ga loo yaqaano. Eng, Xusein Abuurkar wuxuu sheegay in sidan oo kale ay mar hore Isbitaalka guud u soo gaarsiiyeen Conteenar Dawo ah, wuxuuna xaqiijiyay in ay sii wadayaan Dawooyinka Tabarucaadka ah ee ay Isbitaalada dadweynaha ugu deeqayaan. Agaasimaha Isbitaalka guud ee gobolka Mudug Dr, Maxamed Xusien Aadan oo isna hadal kooban jeediyay ayaa hay’dda Perige international uga mahadceliyay Dawooyinka tabarucaada ah ee ay isbitaalka soo gaarsiiyeen kana warbixiyay Dawada iyo Agaabkan Caafimaad Muhiimada ay u leedahay Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaana kuwa magaalada Gaalkacyo ku dhaqan, wuxuuna sheegay in ay wax weyn ka tarayso baahidii caafimaad ee deegaanka. Agaasimuhu wuxuu tilmaamay qayb ka mid ah Dawooyinkan in ay gayn doonaan Deegaannada Tuulooyinka ah ee gobolka, Meelaha qoysaska Barakacayaasha ah ay degan yihiin ee magaaladan gaalkacyo. Hay’adda Perige international oo ah hay’ada talyaani ah ayaa ka shaqaysa meelo badan oo ka mid ah Caalamka waxaana loo yaqaanaa dhawr magac oo ay ka mid yihiin People community onlus iyo Associazione perige onlus ayaa horay min hal mar Konteernaro Dawooyin ah ah keentay Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso, markana waa kii sadexaad ee Kaalmooyinka Dawooyinka ah ee Soomaaliya ay soo gaarsiiso. Quote Share this post Link to post Share on other sites
kingofkings Posted May 17, 2012 Minister of Health, Dr. Ali Warsame, keep up the good work. Quote Share this post Link to post Share on other sites