Haatu Posted May 16, 2012 http://radiomuqdisho.net/dhageyso-barnaamijka-daljir-ee-looga-hadlo-dhismaha-ciidammada-qalabka-sida-ee-soomaaliya/ The two officers talk about the current state of the Somali army, their experiences in the war for soomaali galbeed, the current war for liberating the country from nabaddiidka and other issues. A very good programme. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Haatu Posted May 18, 2012 Guddoomiyaha Baarlamanka Oo Kormeeray Xero Melateri Oo Ku Taala Baydhabo Guddoomiyaha baarlamanka mudane Shariif Xasan Sheeekh Aadan ayaa maanta kormeeray xero meleteri oo ku taala magaalada Beydhabo taas oo uu tababar uga socdo in ka badan Kun Askari oo Soomaali ah. Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan guddoomiyaha Baarkamanka ayaa waxaa kormeerkiisa ku wehliyay wasiir ku xigeenka gaashaandhigga, wasiirudowlaha Maaliyadda, xildhibaanno iyo saraakiil ka tirsan ciidamada XDS. Guddoomiyaha baarlamanka ayaa salaan ka qaatay ciidamada tababarka ugu socdo xeradaasi, wuxuuna warbixin ka dhageeystay taliyaha dugsigaasi kaas oo sheegay in ciidamada tababarka ku qaadanaya xeradan ay gaarayaan ilaa iyo Kun Askari waxa uuna intaasi ku daray in tababarkani uu socdo muddo bil ah. Shariif Xasan ayaa ku amaanay ciidamadaasi sida ay u jecleeysteen in ay ka mid noqdan ciidamada XDS si ay dalkooda uga difaacaan cadowga ku soo duulay, wuxuuna kula dardaarmay in dowladu ay ku dadaali doonto sidii ay ciidamadaasi ugu dhameystiri laheyd xuquuqdooda. Guddoomiyaha baarlamanka iyo wafdiga uu hioggaaminayo oo shalay gaaray magaalada Beydhabo ayaa lagu wadaa in isla galabta ay dib ugu soo laabtaan Muqdisho. http://radiomuqdisho.net/guddoomiyaha-baarlamanka-oo-kormeeray-xero-melateri-oo-ku-taala-baydhabo/ Quote Share this post Link to post Share on other sites