Dr_Osman Posted May 15, 2012 DEG DEG: Odoyaasha Dhaqanka Ee Ka Socday Puntland Oo Ka Baxaya Shirka Muqdisho Sheegayna Inay Puntland u Laabanayaan Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin Muqdisho (RBC Radio) Odoyaasha dhaqanka ee ka socda Puntland ee ka qaybgalaya shirka odoyaasha dhaqanka ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa waxaa la sheegayaa in ay go’aansadeen in ay ka baxayaan shirka. Wararka ayaa sheegaya ka bixitaanka odoyaasha dhaqanka ee shirka Muqdisho inuu salka ku haayo qodobada Dastuurka qaar oo dhowaan maamulka Puntland uu ka soo horjeestay. Sidoo kale wararka soo baxaya ayaa sheegaya in odoyaashaan ay sheegeen in ay ka baxayaan shirkaan isla markaana ay isga tagi doonaan magaalada Muqdisho ayna ku laabanayaan deegaanada Puntland oo ay ka yimaadeen hadii aanan la eegin qodobada uu diidan yahay maamulka Puntland. Puntland ayaa dhowaan waxay soo saartay qodobo badan oo ay dhaliilsan tahay oo ku qoran Dastuurka cusub ee dowlada Soomaaliya haatan ay ku dadaalayso in la meel mariyo. Sidoo kale Raysal wasaaraha Soomaaliya C/wali Cali Gaas oo asna warbaahinta dowlada la hadlay ayaa sheegay in Puntland uu gaar u yahay hadalkaas isla markaana aysan jirin cid ka hor imaan karta qorshaha socda. Odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa haatan waxaa laga sugayaa in ay soo xulaan ergada ansixinaysa Dastuurka cusub iyadoono Dowlada iyo caalamka ay dadaal badan ku bixinayaan meel marinta Dastuurkaan. RBC Radio Xafiiska Wararka Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted May 15, 2012 War Deg Deg ah: Isimadii Puntland uga qayb galayey shirkii Muqdisho oo Garowe kasoo degaya 11:00 subaxnimo Posted by Pi on May 15th, 2012 Garowe(Pi) Odayaal Dhaqameedka Puntland ee ku sugnaa Muqdisho ayaa isaga tagey shirkii, sababta rasmiga ah lama shaacin, laakiin waxaa naloo xaqiijiyey iney odoyaashu imaanayaan Garowe maanta… Faahfaahinta warkaan goordhow naga filo Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted May 15, 2012 Oh myyyyyyyyyy godddddddddddd Quote Share this post Link to post Share on other sites
kingofkings Posted May 15, 2012 No federalism no puntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted May 15, 2012 Good news osman we should welcome this, sheekadan wa jujuub jujuub lama aqbali karo Quote Share this post Link to post Share on other sites
NGONGE Posted May 15, 2012 Spoilers. Spoilers. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted May 15, 2012 I guess the list is growing now ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted May 15, 2012 War maha spoilers nimanku Quote Share this post Link to post Share on other sites
NGONGE Posted May 15, 2012 ^^ According to the Mahiga gospel, anyone that attempts to block, delay or get in the way of the roadmap is a spoiler. So far, everyone seems to be a spoiler. Heh. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted May 15, 2012 It is not everyone dee ..... The media makes it evryone here ..... see what happens next Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted May 15, 2012 spoilers waxaa ah ''dadkii 21 sano ka degi weyse somalia'' (reer muqdisho) lol aaway xiinfiniin iyo asxabtiis Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted May 15, 2012 NGONGE;830067 wrote: ^^ According to the Mahiga gospel, Gospel of Barnabas, the destroyed one, or or the Gospel of Luke, the liar of all times, this guy Luke, kulahaa, according to me, which was submitted to me, by the name of blah blah, marka Mahiga iyo his disciples naga daaya Quote Share this post Link to post Share on other sites
Haatu Posted May 15, 2012 Odayaashii ka socday Puntland ee ka qeyb galayay shirka Odayaasha dhaqanka oo maanta ka huleelay Muqdisho Odayaashii ka socday Maamulka Puntland ee uga qeyb galayay shirka odayaasha dhaqanka Muqdisho ka socday ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho, iyadoo diyaarad ay ka qaaday Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Ilaa 20-xubnood oo ahaa Odayaasha dhaqanka ka qeyb galayay shirka ayaa ka degay Magaalada Garowe, halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Puntland, iyadoo qaadacay dastuurka qabyo qoraalka ee doodiisa ka maalmahan dhex mareysay. Xildhibaan Dahir Cirro oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ayaa sheegay in Odayaashii dhaqanka ee ka socday Puntland ay uga baxeen shirka markii ay [fahmeen] fashilka Dastuurka, isla markaana aanu dan umadeed aheyn. "Odayaasha dhaqameedkii ka yimid Puntland waxay u yimaadeen halkan maslaxadii iyo dib u heshiisiinta Umada, markii ay [fahmeen] fashilaada ay mas'uulka ka tahay Xukuumada uu hogaamiyo C/wali ayay go'aansadeen inay isaga baxaan"ayuu yiri Xildhibaan Dahir Cirro. Wasiiru dowlaha Wasaarada Dastuurka Xasan Maxamed Jimcaale ayaa beeniyay in Odayaal aanay ka bixi shirka, isla markaana uu shirka socdo, hase ahaatee waxaa uu xusay in shaqsiyaad ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha Puntland ay ka saareen shirka, diyaaradna ay raaceen. "Odayaal ka baxay shirka iyo diyaarad ay raaceen ma jirto, waxaa baxay shaqsiyaad ka shaqeynayay Xafiiska Madaxweynaha Puntland"ayuu yiri Xasan Maxamed Jimcaale Wasiiru Dowlaha Wasaarada Dastuurka. Dhowaan ayay aheyd markii warqad qoraal ah oo ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland oo ku socotay Beesha Caalamka looga soo horjeestay Dastuurka qabyo qoraalka. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Haatu Posted May 15, 2012 http://jowhar.com/news.php?readmore=835 Quote Share this post Link to post Share on other sites