Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Professor Samatar:an approved new constitution is in the interests of the neighboring countries.

Recommended Posts

Prof. Samatar: Ansixinta Dastuurka waxaa dani ugu jira dalalka Dariska la ah Somaliya

 

SHABELLE MEDIA NETWORK MAY 14, 2012

Muqdisho: (Sh. M. Network) Prof. Cabdi Ismaaciil Samata ayaa waxa uu sheegay in qabyo qoraalka Dastuurka ee lagu howlan yahay ansixintiisa la doonayo in lagu kala goo gooyo Umadda Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.

 

Samatar ayaa waxa uu sheegay in Dastuurka uu dani ugu jiro wadamada dariska la ah Soomaaliya, gaar ahaan wadamada Kenya iyo Ethiopia oo doonaya meel marinta Dastuurkaani si danahoodu ay kaga fushadaan dalka Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray in Dastuurkaani uu yahay kii Hal bowlaha looga jari lahaa jiritaanka Umadda Soomaaliyeed si aan mar dambe loo arkin shacab Soomaaliyeed oo dib cagahoodu isugu taagga.

 

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in Dastuurka laga hergaliyo waddanka Soomaaliya aan la diidi karin, hase ahaatee waxa uu sheegay in Dastuurkaasi loo baahan yahay in uu ahaado Dastuur xaq ah oo cadaalladda ku dhisan, Umadda Soomaaliyeedna ay u siman tahay.

 

Sikastaba Dareenka Siyaasiyiinta, aqoonyahannada iyo waxgaradka ay ka muujinayaan ansixinta Dastuurka qabyo qoraalka ayaa ah mid isku mid ah, maadaama la tilmaamay in Dastuurka ay ku jiraan qodobo badan oo ka hor imaanaya Diinta Islaamka iyo waliba jiritaanka Umadda Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this