Dr_Osman Posted May 14, 2012 Dhalinyarada Puntland oo dhisanaysa dalad ay ku miadaysan yihiin. Posted by Puntlandi on May 14th, 2012 Gaalkacyo(puntlandi.com):- Kulan balaaran oo maanta ka dhacay xarunta wasaarada shaqada, shaqaalaha, dhalinyarada iyo Cayaaraha Puntland ee magaalada Garowe oo ay isugu yimaadeen dhalinyarada gobollada Puntland ayaa aad loogu falanqeeyay in dhalinyaradu ay dhisato dalad ay ku midaysan yihiin. Kulankan waxaa sidoo kale ka soo qaybgalay Xubno Wasiirro ah oo ay ku jiraan wasiirka Shaqada, shaqaalaha, dhalinyarada iyo Cayaaraha Puntland C/wali Xirsi Cabadulle (Indha-guran), Wasiiru-dawlaha Maamul wanaaga Puntland Maxamed faarax Ciise gaashaan waxaana aad loogu lafa guray muhiimada ay leedahay isku xirnaanta dhalinyarada Puntland. Wasiirka Shaqada, shaqaalaha, dhalinyarada iyo Cayaaraha Puntland C/wali Xirsi Cabadulle (Indha-guran) oo kulankan furay ayaa aad ugu dheeraaday muhiimada ay leedahay isku xirnaanta dhalinyarada iyo natiijada wanaagsan ee ay dhalintu keeni karaan hadii ay isku xirnaadaan. Wasiirku wuxuu sheegay in ujeedada kulankani ay tahay in dhalinyaradu ay samaystaan dalad ay guud ahaan dhalinta Puntland ku midaysan tahay eek u kala nool 8-da gobo lee Puntland ay ka kooban tahay. Wuxuu kaloo wasiirku sheegay in kulankani loogu gogol xaarayo xuska maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed oo ku beegan 15-ka bishan May oo ah maalinta bari ah, wuxuuse aad ugu dheeraaday in ururada dhalinyarada ee ka jira gobollada Puntland ay tahay in ay ku midoobaan daladan ay dhisteen. Wasiiru-dawlaha Maamul wanaaga Puntland Maxamed faarax Ciise gaashaan ayaa isna dhalinyarada aad ula hadlay wuxuuna aad ugu dhiirigaliyay dhismaha daladan iyo in ay yeeshaan han sare oo ay ku gaaraan in ay dhalinyarado ka mid noqdaan ururada siyaasadeed ee Puntland mustaqbalka dhaw ka samaysmaya. Kulanka dhalinyarada ee maanta wuxuu imaanaya xilli maalinta bari ah oo ku beegan 15-ka May ay tahay maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed islamarkaana la filayo meelo badan oo ka mid ah wadanka in ay ka dhacaan dabaal dagyo lagu maamuusayo maalintan. Quote Share this post Link to post Share on other sites