Sign in to follow this  
Dr_Osman

Galkayo Youth Spearhead The Creation Of A United Puntland Youth Lobby For All 8 States of The Region

Recommended Posts

Dr_Osman   

Dhalinyarada Puntland oo dhisanaysa dalad ay ku miadaysan yihiin.

Posted by Puntlandi on May 14th, 2012

 

Gaalkacyo(puntlandi.com):- Kulan balaaran oo maanta ka dhacay xarunta wasaarada shaqada, shaqaalaha, dhalinyarada iyo Cayaaraha Puntland ee magaalada Garowe oo ay isugu yimaadeen dhalinyarada gobollada Puntland ayaa aad loogu falanqeeyay in dhalinyaradu ay dhisato dalad ay ku midaysan yihiin.

 

Kulankan waxaa sidoo kale ka soo qaybgalay Xubno Wasiirro ah oo ay ku jiraan wasiirka Shaqada, shaqaalaha, dhalinyarada iyo Cayaaraha Puntland C/wali Xirsi Cabadulle (Indha-guran), Wasiiru-dawlaha Maamul wanaaga Puntland Maxamed faarax Ciise gaashaan waxaana aad loogu lafa guray muhiimada ay leedahay isku xirnaanta dhalinyarada Puntland.

 

Wasiirka Shaqada, shaqaalaha, dhalinyarada iyo Cayaaraha Puntland C/wali Xirsi Cabadulle (Indha-guran) oo kulankan furay ayaa aad ugu dheeraaday muhiimada ay leedahay isku xirnaanta dhalinyarada iyo natiijada wanaagsan ee ay dhalintu keeni karaan hadii ay isku xirnaadaan.

 

Wasiirku wuxuu sheegay in ujeedada kulankani ay tahay in dhalinyaradu ay samaystaan dalad ay guud ahaan dhalinta Puntland ku midaysan tahay eek u kala nool 8-da gobo lee Puntland ay ka kooban tahay.

 

Wuxuu kaloo wasiirku sheegay in kulankani loogu gogol xaarayo xuska maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed oo ku beegan 15-ka bishan May oo ah maalinta bari ah, wuxuuse aad ugu dheeraaday in ururada dhalinyarada ee ka jira gobollada Puntland ay tahay in ay ku midoobaan daladan ay dhisteen.

 

Wasiiru-dawlaha Maamul wanaaga Puntland Maxamed faarax Ciise gaashaan ayaa isna dhalinyarada aad ula hadlay wuxuuna aad ugu dhiirigaliyay dhismaha daladan iyo in ay yeeshaan han sare oo ay ku gaaraan in ay dhalinyarado ka mid noqdaan ururada siyaasadeed ee Puntland mustaqbalka dhaw ka samaysmaya.

 

Kulanka dhalinyarada ee maanta wuxuu imaanaya xilli maalinta bari ah oo ku beegan 15-ka May ay tahay maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed islamarkaana la filayo meelo badan oo ka mid ah wadanka in ay ka dhacaan dabaal dagyo lagu maamuusayo maalintan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this