Sign in to follow this  
Dr_Osman

Bosaso Research Medics Begin A Break-through Research On Diabetes and Blood Pressure. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Shirkadda Golis iyo Jaamacadda EAU oo iskaashanaya oo Boosaaso mashruuc caafimaad ka bilaabay [sawiro]

Updated:- 37 mins ago| 0 Commnets

 

 

 

 

Shirkadda isgaarsiinta ee Golis iyo Jaamacadda bariga Africa oo iskaashanaya ayaa maanta magaalada Boosaaso ka bilaabay Mashruuc lagu baarayo heerka cudurada Sonkorowga iyo Dhiigkargu ay bulshada dhexdeeda ka joogaan, sababaha keena iyo siyaabaha looga badbaadi karo.

 

Barnaamijkan oo socon doona mudo 4-maalmood ah waxaa fanka ku baxaya bixinaysa Shirkadda isgaarsinta ee Golis iyadoo baaritaankaas oo ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee magaalada Boosaaso iyo guud ahaan Puntland laga sameeyo ay fulinayaan ardayda wax ka barta kulliyadda caafimaadka ee Jaamacadda bariga Africa.

 

Munaasabad balaaran oo Mashruucaas lagu daah furayey ayaa maanta ka dhacday hoolka shirarka ee rugta ganacsiga iyo wershedaha ee Puntland, waxaana kasoo qayb galay maamulka rugta ganacsiga, madax ka socota shirkadda isgaarsiinta ee Golis, macalimiinta kulliyadda caafimaadka ee Jaamacadda bariga Africa, ganacsato, arday badan iyo madax dhaqameed.

 

Furitaan:

 

Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo wershedaha ee Puntland Maxamuud Xayir Ibraahim, gudoomiyuhu wuxuu mahad balaaran usoo jeediyey maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda isagoo xusay in mashruucani uu yahay mid loo baahnaa islamarkaana uu si aad ah ugu faraxsan yahay in la helo jiil cusub oo Dhakhaatiir ah.

 

Ardayda:

 

Maxamed Siciid Xay oo isna ku hadlayey magaca ardayda baaritaanka samaynaya ayaa ka warbixiyey qaabka ay u sameynayaan iyo mudada uu socon doono, wuxuuna sheegay in mashruucani uu yahay mid ka kooban qaybo badan islamarkaana uu xanbaarsan yahay faa’iidooyin dhowr ah.

 

Waxyaabaha uu sida gaarka ah u taabtay waxaa kamid ahaa in Mashruucani uu yahay mid lagu ogaanayo heerka ay labadaas cudur bulshada dhexdeeda kajoogan, ardayduna ay samaynayaan Cilmi baaris ku salaysan waxa ay bartaan, markaas kadibna ay u suurta geleyso inay helaan natiijo sugan oo la isku halayn karo.

 

Golis:

 

Madaxa xafiiska xiriirka dadweyaha ee shirkadda Golis Faarax Xaaji Mire wuxuu ku nuux nuuxsaday ujeedada ay golis ka leedahay maal gelinta mashruuca noocan oo kale ah, wuxuuna sheegay in Golis mar walba ay saaxiib la tahay bahda waxbarasahda, xilli kastana ay garabkooda taagan tahay.

 

Faarax ayaa sidoo kale sheegay in shirkadda Golis iyo guud ahaan bulshadaba ay dan weyni ugu jirto in la helo jiil cusub oo wax bartay, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in dadaal dheeri ah lagu bixiyo horumarinta tacliinta iyo sidii ardayda jaamacadaha loogu fududeyn lahaa inay aqoontooda kororsadaan.

 

Dhiinka kuliydda caafimaadka

 

Dr. Abshir Cali Cabdi oo kamid ah macalimiinta wax ka dhiga kuliyadda caafimaadka ee Jaamacadda bariga Africa ayaa isna kamid ahaa mas’uuliyiintii munaasabadaas ka hadlay, wuxuuna ugu horeyn u mahad celiyey shirkadda Golis oo barnaamijkan fududeysey iyo rugta ganacsiga oo hoolkeeda lagu daah furay.

 

Dr. Abshir wuxuu tilmaamay in tirada dhakhaatiirta ee Puntland ay tahay mid aad u hooseysa marka loo eego caalamka, halkii dhakhtar ayuu Dr-ku tilmaamay in tirakoobyadii ugu danbeeyey ee la sameeyey lagu ogaaday inay tahay in uu qaabilo ku dhowaad 50,000 oo qof.

 

Dhiinka kulliyadda caafimaadka ee jaamacadda bariga Africa ayaa ugu danbeyntii sheegay in dhakhaatiirta Jaamacadda ka howlgalaa ay xarumahooda gaarka ah si Free ah ugu qaabili doonaan bukaanada ay ardaydu inta ay baaritaankooda wadaan Dhiigkarka iyo Sonkorowka ka helaan.

 

Gaba gabo:

 

Gaba gabadii waxay ardaydu iyaga oo adeegsanaya qalabkii loogu tala galay in baaritaanadaas lagu sameeyo ay isla goobta ku qaabileen in badan oo kamid ah marti sharaftii munaasabadaas kasoo qayb galay kuwaasoo uu kamid ahaa gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo wershedaha ee Puntland.

 

Mashruucan ayaa ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah laga fuliyo deegaanada Puntland, waxaana iska kaashaday shirkadda isgaarsiinta geyigeena ee Golis iyo jaamacadda bariga Africa qaybteeda magaalada Boosaaso.

 

Baaritaan-Golis-Jaamacadda-bariga-Africa

Baaritaan-Golis-Jaamacadda-bariga-Africa

Baaritaan-Golis-Jaamacadda-bariga-Africa

Baaritaan-Golis-Jaamacadda-bariga-Africa

Baaritaan-Golis-Jaamacadda-bariga-Africa

Baaritaan-Golis-Jaamacadda-bariga-Africa

Baaritaan-Golis-Jaamacadda-bariga-Africa

Baaritaan-Golis-Jaamacadda-bariga-Africa

Baaritaan-Golis-Jaamacadda-bariga-Africa

Baaritaan-Golis-Jaamacadda-bariga-Africa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Wax kale lama oran karo waa a state on the move!!! Puntland Medics have already begun medical research to lower diabetes and high blood press sure in the state.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this