Dr_Osman Posted May 14, 2012 Kumuu ahaa Xaaji ibraahim Cismaan Uunlaaye May 14, 2012 // Warar Somaali Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay, kadib dhammaan akhristayaasha sharafta iska lahoow iga gudooma salaanta islaamka ah ACWW. Taariikh waliba mar bay qorantaa, qof walibana wuxuu galo ama qabto ayuu taariikhda ku galaa. Qofbaa waxa uu taariikhda ku galaa geesinimo, mid baa ku gala magac dheeri uu ku muteystay arimo kale. Mar walbaa waxaa wanaagsan qof walbaa wuxuu ahaa in laga abaal mariyo. Taariikhdu iyadaa isqoreysa oo qof walbaa wuxuu galaa loo qorayaa oo baal u galaya.. Allaha u naxariistee Ibraahim uunlaaye waxaa uu ahaa nin uu Allaah ugu deeqay hanti ballaran oo runtii ka dhex muuqatay guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan magaaladii caasimada aheyd ee Muqudisho. Luuq walboo aad kasoo baxdo waxaad ku arkeysay Guri uu lahaa ama masaajid uu ummadda ugu deeqay. Waxaa kaloo uu waliba caan ku ahaa dhisitaanka goobaha caafimaadka. Waxaa si gaar ah loogu xasuustaa dhisitaankii isbitaalkii Indhaha ee magaalada Afgooye. Waxaa kaloo ibraahim Uunlaaye lagu xasuusan doonaa barnaamijyadii horumarinta isboortiga iyo waliba sidi uu u taakuleyn jiray Kooxdii gobolka jubbadda hoose ee Kismaayo. Ibraahim Uunlaaye waxaa uu ahaa nin qaran oo waliba muwaadin Soomaaliyeed ah, aadna u taakuleeya dadka saboolka ah iyo waliba dadka liita. Waxaa kaloo lagu xasuustaa qeybtii libaax ee uu kasoo qaatay halgankii dhalinyarada ee SYL Ibraahim Uunlaaye waxaa kaloo uu ganacsi ballaaran ku lahaa waddamadii geeska Afrika gaar ahaan magaalada Nairobi. Sidoo kale waxaa uu hanti ballaaran iyo ganacsi xoog leh ku lahaa magaalada Kismaayo. Allaha u naxariistee taariikhdiisu kuma soo koobi karno qoraal kaliya ee laakiin taariikhda iyadaa xusi doonta. Geeridu waa xaq, naf walibana maalinteeda ma dhaafeyso, laakiin Ibraahim Uunlaaye wuxuu ahaan doonaa mid aan xusuusta ummadda Soomaaliyeed si ciyaar ciyaar ah uga bixin waxaana lagu soo xasuusan doonaa sida ay hantidiisii u bishay bilicdii caasimada iyo waliba magaalada Kismaayo. Mart labaad iyo mar saddexaadba waxaan leenahay Allaha u naxariista oo janatul ferdowsa ka waraabiyo, dadkiisii, eheladiisii iyo waliba guud ahaan ummadda soomaaliyeedna waxaan leenahay Allaha samir iyo iimaanba idinka siiyo. Aaamiiiiin. Cabdixakiim Jaamac jooje Social Development Adviser – Leicester UK Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted May 14, 2012 Jaaliyadda Soomaaliyeed oo ka tacsiyaynaysa Allaha u naxariistee Xaji Ibraahim Uunlaaye Dhammaan waxgaradka iyo aqoonyahanada jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Leicester waxa ay tacsi u dirayaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel walboo ay joogaanba kadib geeridii ku timid ganacsadihii weynaa ee Soomaaliya Allaha u naxariistee Xaaji ibraahim Cismaan Uunlaaye oo maanta ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka kenia. Ibraahim Uunlaaye waxaa lagu xasuustaa sida hagar la’aanta leh ee uu uga qeyb qaadan jiray howlaha samafalka iyo horumarka dalka. Waxaa uu si gaar ah isaga xilsaari jiray dhisitaanka Masaajidyada iyo waliba isbitaalada. Allaha u naxariistee ibraahim uunlaaye waxaa uu ahaa nin si weyn looga yiqiin dhammaan waddamada geeska Afrika, kana mid ah halgamayaashii xisbigii leegada ee SYL. Dhamman jaaliyadda Leicester waxa ay leeyihiin Allaha samir iyo iimaanba ka siiyo dadkiisii, eheladiisii iyo waliba dhammaan ummadda Soomaaliyeed, isagana Allaha janatul ferdowsa ka waraabiyo. Aamiin. Tacsida waxaa diraya 1- Yaasiin Daahir 2- Suldaan Maxamuud Qiilmawaayo 3- Xildhibaan Cabdi Maxamuud Tarax 4- Xildhibaan Aadan Maxamed Cali 5- Shiikh Cabdalle Maxamuud 6- Jaamac Shiikh Cusmaan 7- Cabdullaahi Suudi 8- Suldaan Cabdiraxmaan Aadan Dude 9- Maxamed Cabdixaliim 10- Cabdullahi Muuse Guuto 11- Axmed Cali Bete 12- Cali Gacaneey 13- Cabdixakiim Jaamac Jooje 14- Axmed Guufe 15- Cali Cashuur 16- Suldaan Cabdifataax Guure 17- Cabdidaahir Sodonle 18- Siciid Yuusuf 19- Mustafe Cali Madoobe 20- Maxamed Yuusuf 21- Cabdirisaaq Dhamac 22- Cabdulqaadir Biina 23- Cabdulcasiis Qoolif 24- Cabdirishid Qandala 25- Ayaanle Saxar 26- Xasan Oslo 27- Cabdiraxmaan Shiino 28- Maxamuud Isqasaal 29- Bashiir isqasaal 30- Axmed Jaamac 31- Maxamed Jaamac 32- Liibaan Xirsi 33- Farxaan cali Nuur 34- Cabdinuur Bootaan 35- Cabdicasiis Muuse Qaalid ( Xeylo Boodo) 36- Axmed Dhalacadde 37- Cabdullaahi Dhunkaal 38- Cabdisamad Qeyliye 39- Mustafe Qeyliye 40- Cabdirishiid Beeldaaje 41- Warsame Beeldaaje 42- Sharmaarke Buule 43- Maxamed Yaasiin 44- Maxamed Saalax 45- Cabdisalaam Teetano 46- Maxmed Jaamac 47- Cali Ciise 48- Cabdicasiis Maxamed Ciise 49- Cabdulqaadir Maxamed Ciise 50- Jamaal Siciid 51- Sahra Yuusuf 52- Leylo Jaamac Jooje 53- Shukri Siciid Daahir 54- Sucaad Ceygaag 55- Fowsiyo Cartan Cabdixakiim Jaamac jooje – Leicester UK Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted May 14, 2012 2012 is a devastating year for the Puntland people and it's government. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted May 14, 2012 Allah ha u naxariisto. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted May 14, 2012 The richest man ?? ,,,,, Allah yarxamah Quote Share this post Link to post Share on other sites