Liibaan Posted May 14, 2012 XILDHIBAAN CAWAD AXMED CASHARO"SIDA WAX U SOCDAAN MAAHA TUBTII SAXDA AHAYD OO AY SOOMAALI DHIBTA KAGA BIXI LAHAYD" NAIROBI::Sida wax u socdaan ma aha tubtii saxda ahayd oo maanta ay ay Soomaalidu kaga bixi lahayd dhibaatada dheer ee ay kusoo jirtey muddadii 20-ka sano ahayd, taas oo maanta dad badani ay ku dhimanayaan badaha iyo ayadoo sidii la rabay laga yeelay Soomaaliya sida in wasakh (sun) lagu shubay badda," sidaas waxaa yiri Xildhibaan Cawed Axmed Cashara oo u waramayey idaacadda Codka Maraykanka. Waxana uu intaas raaciyey: Dariiqa loo marayo in laga baxo muddada kumeel gaarka ah waa dariiq khaldan. Odayaasha la isu keenay si ay axdiga ansixiyaan waa gardarro, waayo Soomaaliya waxay lahayd dastuur la sameeyey 1960. Marka dastuur la sameeyona waxaa lagu sameyaa uun ammendment ama wax ka bedelid haddii wax is bedeleen. Laakiin dariiqa hadda loo maray waa dariiq aan sax ahayn, kharsh badana in uu ku baxo sax ma ahayn. Raodmap-kana baarlamaan lama keenin. Xildhibaan Cashara waxa uu hadalkiisa ku adkeeyey sida aysan suurtagal u ahayn in dastuur la sameeyo ayadoo aan dadweynaha guud ahaan cod bixin laga qaadin, waxana uu tilmaamay in taasi aysan dhici karin hadda waayo, ayuu yiri "Ayadoo aan goboladii oo dhan la tegi karin" ama dawladda KMG aysan tegi karin goboladda dalka Soomaaliya oo dhan sidee loogu samaynayaa axdi qaran. Xildhibaan Cawad Axmed Cashara waxa uu sheegay in sababta loo dedejinayo in xukuumadda laga saaro kumeel gaarka ay tahay sidii badda Soomaaliya faraha looga bixin lahaa, isagoo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yiri "Annaga danigayaga waxaan u malaynayaa dadka dedejinaya waxay rabaan sidii badda faraha uga bixi lahayd oo hawlo kale lagu dhamaystirto dawladaha kale oo imanaya ee la sheegayo in laga saarayo Kumeel gaarka." Waxana uu hadalka ku adkeeyey "Kumeelgaar lagama bixi karo ilaa la helo codbixin oo dadka la tiriyo oo xisaab la sameeyo oo doorsho dhacdo." Xildhibaan Cashara waxa uu sheegay "in sharci daradani ay ka soo bilaabatay kuwo Jamciyadda Quruumaha sheeganaya oo hadda dadka u hanjabaya oo dhahaya dad ayaan xirxirneynaa haday ka hadlaan danta Soomaaliyeed. ()." Waxna uu sheegay "in aysan jirin qodob la waafajiyey waxa la wado oo dhan oo ay tahay qarjajeex. Waayo lama marsiin nidaamkiisaxda ahaa, waxay ahayd in qorshana la marsiiyo golaha wasiirada, markaasna loo gudbiyo Baarlamaanka, baarlamaankuna uu go'aankiisa u gudbiyo madaxweynaha si uu u saxiixo, markaas ayuu noqon lahaa in lala sugo afti dadweynaha oo dhan." Arrinta maanta la wado waa arrin la rabo in lagu xalaalsado hawlahii badda laga wadey," ayuu yiri Xildhibaan Cawed Axmed Casharo. "Ujeedooyin ayaa lagu fushanayaa qabyo-qoraalka la leeyahay sharci halaga dhigo ee ummadda Soomaaliyeedey ka digtoonaada," ayuu hadalka ku adkeeyey Xildhibaan Cashara. Digniinta uu xusay Xildhibaan Casharo waa qoraal aan lahayn taariikh aysoo baxday iyo tixraac-xafiiseed toona oo May 1, 2012 uu faafiyey xafiiska Nairobi ee Qarammada Midoobey ee qaabilsan Arrimaah Soomaaliya, taas oo ay ku saxiixan yihiin: Kipruto Arap Kirwa, oo ah fududeeyaha IGAD ee nabadda iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya (oo xilkaas ay Kenya u magacawday 21 December 2008 shirkii lagu qabtay magaalada Addis Ababa), Augustine Mahiga, wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya, iyo Boubacar Gaoussou Diarra, oo AU u qaabilsan Soomaaliya - AMISOM. Quote Share this post Link to post Share on other sites