Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Alshabaab Militians capture parts of Galkacyo

Recommended Posts

Galmudug oo shaacisay in Al Shabaab ay qabsadeen deegaanno hoostaga Gaalkacyo

SHABELLE MEDIA NETWORK MAY 13, 2012

 

Muqdisho: (Sh. M. Network) Maamulka Galmudug ayaa sheegay in deegaanno hoostaga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ay gacanta ku dhigeen Ciidamo ka tirsan Al Shabaab oo ay sheegeen inay si aad ah u hubeysan yihiin.

 

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo amniga ee Maamulka Galmudug Abshir Diini Cawaale oo maanta Waraysi siinayay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in Tuulada Bud-bud oo ka tirsan gobolka Mudug ay la wareegeen Ciidamo ka tirsan Al Shabaab oo si aad ah u hubaysan kuwaasi oo uu tilmaamay inay ka yimadeen qeybo ka mid ah gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

 

Wasiirka ayaa sheegay in Ciidamadaasi ay hogaaminayaan Saraakiil ka tirsan Kooxda Al Shabaab islamarkaan ay wataan gawaarida dagaalka, wuxuuna xusay in Maamulka Galmudug uu wado qorshayaal lagu doonayo in lagu weeraro deegaanno hoostaga Bud-bud, maadaama Kooxda Al Shabaab ay doonayaan inay galaan halkaasi.

 

Warar hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamadaasi uu hogaaminayo Afhayeenka Ciidamada Al Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab kuwaasi oo la tilmaamay in u jeedkoodu uu yahay inay u gudbaan deegaannada maamulka Puntland si ay falal ammaan darri ugu gaystaan.

 

Hadalka kasoo baxay Maamulka Galmudug ayaa waxa uu imanaayaa xilli inta badan shacabka Mudug ay hadal hayeen in deegaanno ka tirsn gobolkasi ay galeen Ciidamo ka tirsan Al Shabaab iyo Saraakiil hoggaaminaysa oo doonaya inay abuuraan falal ammaan darri.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Carafaat they are weakened but they still control shabelede dhexe shabeelada hose jubada hoose jubada dhexe some sections of banadir and parts of gedo. And they are still fighting in hiiraan bay and bakool. And now they are in galkacyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

Xaaji Candhuuf ma ingiriiska aqoontiisa kugu yar mise you are trying to distort facts, parts of Galkio does not have same meaning as degaano hoostaga Galkio. Bal halkaas dib ugu noqo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this