Liibaan Posted May 13, 2012 "Dawladdu Way Ku Fashilantay Shirka Madaxda Dhaqanka" Ismaaciil Buubaa Lasanod Online. Sunday, May 13, 2012 Muqdisho,(lasanod Online)- Ismaaaciil Hurre Buu-baa oo hore u ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadihii dalka soo maray ayaa waxa uu sheegay sin Xukuumadda KMG ah oo uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaare C/weliGaas ay ku fashilantay shirka Odayaasha dhaqanka ugu soconaya Magaalada Muqdisho, kaasoo ahaa in lagu ansixinayo Dastuurka cusub. Ismaaciil Hurre Buu-baa ayaa waxa uu xusay in goobta uu shirka ka soconayo aysan Maamulin dadkii ehelka u ahaa arrimaha soconaya, wuxuuna sheegay in qalad badan uu ka dhex jiro goobta ,islamarkaana uu sheegay in taasi aysan ahayn wax dawladnimo ah. Sidoo kale Buubaa ayaa waxa uu ugu baaqay Dawladda KMG ee Soomaaliya inay dib isugu laabato si loo saxo khaladaadka badan oo uu tibaaxay in xilligaani uu ka jiro goobta uu ka soconayo shirkaas lagu ansixinayo arrimaha Dastuurku. Shalay ayay ahayd markii Odayaal ka mid ah kuwa ka qeyb qaadanaya shirka ka soconaya Magaalada Muqdisho ay sheegeen in shirkan wax badani ka qaldanyihiin, islamarkaana loo baahan yahay in dib loo dhigo. Copyright © 2012 Lasanod.com Quote Share this post Link to post Share on other sites