Carafaat Posted May 13, 2012 Ajnabi lagu qabtay Jubada Hoose 12 May 12, 2012 - 7:04:03 AM Saraakiisha DF ee ku sugan Gobolka Jubada Hose ayaa sheegay maanta 12,May 2012 inay qabteen sarkaal Ajanbi ah oo ka tirsanaa Al-shabaab xili uu doonayay inuu dalka Somalia uga gudbo dhinaca dalka Kenya. Col. Maxamed Cali Cismaan oo ka mid ah saraakiisha DF oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in sarkaalka ay qabteen uu kusoo dhex-dhuuntay gaari ay dad rayid ah saarnaayeen uuna doonayay inuu xuduuda ka gudbo. "Dagaalyahanka Ajnabiga ah ee aan qabanay waxaa lagu magacaabaa Cali Bakaari wuxuuna sheegay inuu u dhashay Tanzania, balse uu ku barbaaray Mombassa-Kenya," ayu yiri Col. Maxamed Cali. Sarkaalku wuxuu sheegay in ruuxa ay qabteen uu yahay cadaan, isagoo xusay inay qabteen xili habeen ah, kadib markii ay heleen fariimo ku saabsan inuu ninkaas la socdo gaariga uuna kasoo ambabaxay Kismaayo. Inkastoo aan la ogeyn ujeedada ninkan uu ugu socday dalka Kenya, ayaa hadana waxaa dalkaas ka dhacaya tan iyo bishii Oktoobar qaraxyo ay geysanayaan rag aan la garanayn, iyadoo inta badan Booliiska Kenya ay sheegaan in ragaas ay xiriir dhow la leeyihiin Al-shabaab. Ururka Al-shabaab ayaan weli ka hadlin sarkaalkooda lagu qabtay Jubada Hoose, gaar ahaan deeaganka Hoosingow oo horaantii sanadkan looga qabsaday dagaalo dhexmaray iyaga iyo ciidamada Kenya. GAROWE ONLINE Quote Share this post Link to post Share on other sites