Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland army clashes with Garowe clan enclave Militia in eastern Sanaag Badhan.

Recommended Posts

Dagaal Duleedka Badhan Ku Dhex Maray Ciidanka Qaranka Somaliland Iyo Maleeshiyo Ka Tirsan Puntland

May 12th, 2012

 

Badhan (Somaliland.Org):- Dagaal culus ayaa xalay fiidkii ku dhexmaray duleedka bari ee magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ciidamada qaranka Somaliland ee halkaa degan iyo maleeshiyo ka tirsan ciidamada maamulka Puntland, kuwaasi oo ilaalo u ahaa wefti reer Puntland ah oo doonayay in ay yimaadaan magaalada Badhan. dagtaalkaasi oo la sheegay in uu socday saacado badan ayaa la isku adeegsaday noocyada kala duwan ee hubka.

 

Sida uu noo xaqiijiyey taliyaha guutada 19-aad ee ciidamada qaranka Somaliland Gen. Yaasiin Faarax Cismaan (Gurey) oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay isaga oo ku sugan magaalada Badhan, ayaa sheegay in dagaalkaasi uud hacay isla markaana ay khasaare kala duwan gaadhsiiyeen kooxdaasi ka socotay Puntland.

Waxaanu taliyuhu sheegay in ciidamada Somaliland ay khasaare balaadhan u gaysteen ciidamadaa Puntland ee la socday weftigaasi iyo gaadiidkii ay wateen, isaga oo taliyuhu xusay inay dhawr askari ka dhaawacmeen gaadiidkii ay wateen ay gaadhsiiyeen khasaare badan.

 

Weftigan ka socday maamulka Puntland ayaa la sheegay in ay ka mid ahaayeen laba wasiir ku xigeen oo uu ka mid yahay Wasiir ku xigeenka waxbarashada. U jeedadooduna ay ahayd iyaga oo doonayay inay yimaadaan magaalada Badhan, taasi oo salka u haysay ama la xidhiidhay arrimo siyaasadeed oo ay ka mid tahay sidii maamulka Puntland gacanta ugu dhigi lahaa magaalada Badhan.

 

Waxa kale oo ay noo xaqiijiyeen ila wareedyo la xidhiidha arrintaa weftigaasi inay doonayeen inay dejiyaan xaalad kacsan oo ka taagan dadka shacabka ah ee ku nool magaaladaasi, oo la sheegay in ay si wayn uga cadhoodeen hadal dhawaan ka soo yeedhay madaxweynaha maamul

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaal Xalay Duleedka Degmada Badhan Ee Bariga Sanaag Ku Dhex Maray Ciidamo Somaliland Ah Iyo Maleeshiyaad Reer Puntland Ah

 

Badhan (Ramaas) May 12,2012 – Wararkii ugu dambeeyay ee ka imanaya deegaanka Badhan oo xalay dagaal ku dhex maray ciidamo ka tirsan kuwo Qaranka Somaliland ee fadhiisinada ku leh jiidaasi iyo Maleeshiyaad galbinayey Wefti ka socday Puntland ayaa sheegaya in hadda halkaasi ay dagan tahay.

 

Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa dhirbaaxo laxaadle ku dhuftay Maleeshiyaad ilaalo u ahaa laba wasiir ku xigeen oo ka tirsan Puntland, kuwaasi oo doonayey inay galaan Magaaladda Badhan, balse ciidamada Qaranka ayaa uga dhaartay inay galaan oo dib u celiyay iyagga iyo Maleeshiyaadkii la socday.

 

Taliyaha guutada 19-aad ee ciidamada qaranka Yaasiin Faarax Cismaan (Guray) oo warbaahinta qaarkeed u waramay ayaa sheegay inay khasaare laxaadle gaadhsiiyeen Maleeshiyaadkii ilaalada u ahaa labada wasiir ku xigeen ee reer Puntland, kuwaasi oo uu sheegay inay deegaankaasi u yimaadeen arimo siyaasadeed oo la xidhiidha gacan ku haynta deegaanada bariga Sanaag, gaar ahaan degmada Badhan.

 

Wararka halkaasi ka imanaya ayaa sheegaya in maanta uu deegaankaasi degganaa isla-markaana shacabka deegaanku soo dhaweeyeen dhirbaaxada ciidamadu ku dhufteen Maleeshiyaadkaasi oo la socday wefti reer Puntland ah oo doonayey inay dadka reer Badhan kala shiraan hadal ka soo yeedhay Madaxwaynaha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole, kaasi oo ay ka cadhoodeen waxgaradka deegaanka Badhan.

 

Deegaanada bariga Sanaag, gaar ahaan Badhan iyo Dhahar ayaa xukuumadda Somaliland ka fulisay dhawaan Mashaariic badan oo ku kacay nus-malyuun doolarka Maraykanka ah, taasi oo loogu dhisay cisbitaal iyo rugo boolis.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

XX....nagadaa ninyahow laba cidood oo Soomaali ah oo isku dhacay baad mid army ka dhigaysaa? Waa sidee? Indhaha miyaa la is tirayaa?:D

Ilaah ha kala qaboojiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this