Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland president Ahmed Silanyo opens new constructed road in Awdal+PICS

Recommended Posts

M/weynaha Oo xadhiga ka jaray jidka isku xidha Dilla Illaa Boorame, Waddooyin cusubna dhagax-dhigay

May 12th, 2012

 

Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) iyo Wefti Balaadhan oo Hogaaminayo ayaa maanta Socdaal shaqo ku tagey xarunta Gobolka Awdal ee Magaalada Boorame.

 

Waxa Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) iyo weftigiisa ku qaabilay degmada Dila Mas’uuliyiinta heer gobol iyo mid degmo ee Gobolkaas .

Madaxweynaha Jamhuurayda Somaliland waxa uu xadhiga ka jaray Afar Km oo ah wadada isku xidha Dila iyo Boorama oo ay Xukuumadu dhismaheeda fulisay.

 

waxaa kale oo Madaxweynuhu uu dhagax dhigay Lix Km oo kale oo lagu kordhinayo wadadaasi.

Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu dhagax dhigay 8km oo ka mid ah wadada xidhiidhisa Goraya-Cawl iyo Boorama. Mudane Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) ayaa hadal uu u jeediyay shacbiga ku dhaqan magaalada Dilla waxa uu uga mahad-naqay sida milgaha leh ee ay uga soo dhaweeyeen degmadaasi,waxaanu ku booriyay inay meel uga soo wada jeedaan wax kasta oo saamayn ku leh nabadgalyada guud ee dalka iyo ta gobolka awdal.

 

Madaxweynaha iyo Weftigiisu waxay markaas kadib u sii dhaafeen magaalada Boorama oo si balaadhan loogu soo dhaweeyay warku waxa uu intaas ku darayaa in Madaxweynuhu uu kulamo kala duwan kula yeeshay Huteelka Rays ee Magaalada Boorama maamulka, Waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Siilaanyo Iyo Wafti uu Hogaaminayo oo Safar ku Tagay Borama Xadhigana ka jaray Dhisme Waddo 4 Kilo Mitir ah oo isku Xidhaysa Dila iyo Borama

 

Published: 12/05/2012 @13:19

Hargeysa/ToggaHerer 12 May 2012

 

Madaxweynaha Jamhuuyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Wafti uu Hogaaminayo oo Safar ku tagay Saaka Magaalo Madaxda Gobolka Awdal ee Borama.

 

Waftiga uu Hogaaminayo Madaxweynuhu Waxa Magaalada Dilla kaga Hor yimi Masuuliyiinta Heer Gobol iyo Degmo ee Gobolka Awdal Madaxweynaha ayaa Xadhiga Ka Jaray Afa Kilo Mitir oo Ah Wadada Isku Xidha Dilla iyo Borama oo ay Dhismaheeda Fulisay Xukuumada Somaliland Sidoo Kale waxa uu Madaxweynuhu Dhagax Dhigay lix Kilo Miter oo kale oo iyana La Fulinayo Dhismaheeda.

 

Madaxweyne Siilaanyo ayaa Dadweynaha Reer Dila uga Mahadnaqay Sida Shaafta leh ee ay ugu soo dhaweeyeen Degmada isaga oo kula Dardaarmay in ay meel uga soo wada Jeedaan wax kasta oo Saamayn ku leh Nabadgelyada Guud ee Dalka iyo Ta Gaar ahaan Gobolka Awdal.

 

Ka dib Madaxweynaha iyo Wafiga uu Hogaaminayaa waxay uga sii Gudbeen Dila Magaalada Borama halkaas si weyn loogu soo dhaweeyey Iyada oo Madaxweynuhu Hotel Rays kulamo kala Duwan kula lee yahay Maamulka Gobolka Waxgaradka iyo Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Awdal.

 

Warqabadka ToggaHerer

 

Hageysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this