Che -Guevara Posted May 11, 2012 Garoowe(APL): Madaxweynaha puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa ka dhoofay Gagidda Diyaaradaha Magaalo Madaxda puntland ee Garoowe waxaana uu u kicitimay Magaaladda Adisabab ee Dalka Itooniya. Madaxweynaha oo ay socdaalka ku weheliyeen saraakiil ka tirsan Xafiiskiisa iyadoo ay jiraan masuuliyiin ka tirsan dowladda Puntland oo kasoo socdaalaya magaaladda Muqdisho kuwasoo uu hogaaminayo wasiirka arrimaha Gudaha Dowladaha Hoose & Horumarinta Reer Miyiga puntland C/laahi Axmed Jaamac (Ilka Jiir) Afhayeenka Xukuumadda Puntland Axmed Cumar Xirsi (Libaax Joore ) ayaa allpuntland u xaqiijiyey in Wafdiga Madaxweynuhu kulamo la qaadandoonaan madaxda sare ee dowladda Itoobiya ,lama shaacin inta uu qaadanayo safarka madaxweynuhu ku joogidoono dalkaas itoobiya. Quote Share this post Link to post Share on other sites