Liibaan Posted May 11, 2012 " frameborder="0" allowfullscreen> " frameborder="0" allowfullscreen> Xafladii Maamul Goboleedka KHaatumo State Of SOmalia Iyo Khudbadihii Madaxda Iyo Safiirada Jamhuuriyada Soomaaliya ee Dalalka Europe Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted May 11, 2012 Horseed Media : Xaflada Dabaal Dega Maamul-Gboleedka KHaatumo State oo Geneva, Dalka Switzerland Lagu Qabtay (Sawiro+Video) Xaflad Si Heer Sare ah Loo Soo Agaasimay oo Lagu Taageerayay Dhalashada Maamul Goboleedka Khaatumo State ayaa lagu qabtay magaalada Geneve ee Dalkan Switzerland. Xafladaan oo uu Aayadaha Qur’aanka Kariimka ku furay Sheikh Cabdilaahi Cabdi Caateeye oo Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyed ee Dalka France, ayaa waxaa ka soo qeyb galay Safiiro ka tirsan Dowlada Kmg ee Soomaaliya, Wasiro Ka socday Maamulada Khaatumo State iyo Awdal State, Madaxda Jaaliyadaha Somalida ee ku Nool Dalkan Switzerland iyo Qaar ka Tirsan Jaaliyadaha Reer Khaatumo ee Qaarada Yurub , waxaana Dhanka Madadaalada ka qeyb qaadanayay Fanaaniin Soomaaliyeed oo ay ka dhex muuqdeen Samatar Xasan Samj,Cabdifataax Beyloot iyo Fanaaniin kale. Xaflad waxaa furay Gudoomiyaha Jaaliyada reer Khaatumo ee Switzerland Yaasiin Cabdiraxmaan, Waxaana Xiriiriye ka ahaa Cali Sugale oo isna ka mid Mas’uuliyiinta Sar Sare ee Jaaliyada Khaatumo ee Dalkan Switzerland. Waxaana Halkaasi Qudbado ka soo jeediyay Safiirka Somalia u fadhiyo Dalka France Siciid Maxamed Dheere, Safiirka Dowlada Kmg ee Somaaliya u fadhiyo Magaalada Geneve Yuusuf Maxamed ismaciil (Yuusuf Bari Bari), Wasiir Ku Xigeenka Arimaha Bulshada Khaatumo State Aasiya Faarax Xasan, Wasiir Ku-xigeenka Qorsheynta ee Maamulka Awdal State Cabdirashiid Cabdullahi Iidle, Aqoonyahan Cusmaan Xaaji Xasan ( Cusmaan Badawi) iyo Qaar ka tirsan Hogaanada Jaaliyadaha Soomaalida ee Dalkan Switzerland. Waxaana Madasha dhan kasta lagu xardhay Calanka Jamhuuriyada Soomaliya, Kan Maamulka Khaatumo State iyo Calanka Maamul Goboleedka Awdal State. Dadkii ka soo qeyb galay ayaa waxaa ka muuqaneysay Shucuur Farxadeed iyadoo goobta ay soo buux dhaafiyeen Inta Badan Soomalida ku Nool Dalkan Switzerland. Si kastaba ha ahaate Maamulka Khaatumo State ayaa waxa uu ka mid yahay Maamulada Aqoonsiga Rasmiga ah ka heysto Dowlada Kmg ee Soomaaliya. Sidoo kale Waxa uu Gacanta ku haya inta badan Deeganada Sool, Sanaag iyo Cayn. Xafladaan oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyada Reer Khaatumo ee Dalka ayaa waxa ay ku soo dhamaatay Jawi aad u Wanaagsan. Quote Share this post Link to post Share on other sites