Sign in to follow this  
Dr_Osman

Garowe Local Council Issuing Fines To Criminals Breaking The Litter Free City Legislations

Recommended Posts

Dr_Osman   

GAROOWE : Xoghayaha Dawlada Hoose “Waan ganaaxnaa dadka Wasaqda ku shuba Waddooyinka”

May 10, 2012 11:53 am GMT - Written by Editor - Edited by Editor

 

Print

 

Garoowe:-Magaaladda Garoowe ayaa todobaadkan waxaa ka da’ay roob si weyn loogu diirsadey kaas oo si wanaagsan u da’ay iyada oo aysan ka dhalan wax dhibaato ah, hase ahaatee, roobkan ayaa waxa uu magaaladda waddooyinkeeda kaga tagey biyo aad u badan kuwaas oo inta badan magaalada dhex ceegaaga, waxaana biyahaani ay isku badaleen kuwo wasakheysan oo uraya iyada oo ay ugu wacan tahay dadka ku dhaqan magaaladda oo caadeystey in ay cuntada haraaga ah iyo biyaha wasaqda ah ay ku shubaan waddooyinka.

 

Xoghahayaha Dawladda Hoose ee Garoowe Qaasim Maxamed Cabdi oo Puntlandpost xafiiskiisa ku booqatay ayaa waxa uu sheegey in ay dad badan ganaaxeen kadib markii ay ku caddaatey in ay biyo wasakheysan ku shubeen waddooyinka, waxa uu sheegay in dadka ay in badan kala hadleen in waddooyinka aan lagu shubin biyo wasakhaysan oo ay dadku isticmaalaan bullaacaddo.

 

Xoghayahu, waxa uu sheegay in aysan magaalada oo dhan aysan ilaalin karin balse ay u sameeyeen Waax gaar ah oo qaabilsan Fayadhowrka kuwaas oo uu sheegay in ay si wanaagsan u shaqeeyaan, waxa uu yiri anaga waan dadaalnaa laakiin dadka ku dhaqan magaaladda ayaa looga baahan yahay in ay masuuliyadda kowaad qaadaan.

 

Puntlandpost, oo weydiisey Xoghahaya tallaabada ay iminka qaadayaan maadaama ay biyo wasakheysan dhex ceegaagaan magaaladda ayaa waxa uu yiri tilaabo degdeg ah ayaan qaadaaneynaa waxaana ku dadaaleynaa in aan magaaladda nadiifino, waxa uu sheegey in ay mamnuuceen in ciid lagu shubo waddooyinka, balse, waxa uu sheegey in ay u sameyn doonaan biyo rog.

 

Magaaladda Garoowe ee Caasumadda Puntland ayaa waxay caan ku tahay waddooyin qurux badan kuwaas oo inta badan dadka ku dhaqan magaladda ay ilaashaan iyada oo maamulkuna qaarkood uu dayac-tir ku sameeyo islamarkaasna uu baneeyo kuwo xirmey, hase ahaatee, arintan biyaha wasakhda lagu shubbo waddooyinka ayaa waxay tahay arin calaamad u ah waaya-aranimo-xumida iyada oo ay ka dhalan-karaan cudurada sida degdeg ah u faafa oo galaafan-kara nolosha dad badan oo ay ka mid yihiin kuwa caadeystey in wasakh ay ku shubbaan waddooyinka dadka ka dhaxeeya.

 

Puntlandpost.com

 

Qaasim Maxamed Cabdi Xoghayaha Dawladda Hoose

Qaasim-300x156.jpg

 

dho1-450x342.jpg

dho2-450x342.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Garowe council says NO MORE you thugs who want to cause environmental damage and health hazards in one of the best urban planned cities of Somalia. This city is on the move and the criminals will not take Garowe and make it they're toilet!!! This city has urban planning projects in place and is aiming at winning the most LIVEABLE city in Somalia award.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this