MoonLight1 Posted May 9, 2012 MUQDISHO: Yuusuf Indhocadde oo isbedelay mar kale, kaddib markii uu sheegay in qodobo dhowr ah laga bedelayo Dastuurka Yuusuf Indhocadde ayaa sheegay in madaxda dowlada federaalka ay la kulmeen , kalana hadleen arrimo badan oo dastuurka ku jira loona baahan yahay in wax laga bedelo, arrinkaas oo uu ku sheegay in laga aqbalay. Indhocadde ayaa intiimiyey in shaqsiyaadka ka soo horjeeda dastuurka ay yihiin kuwo ku qanacsan inuu sii jiro baarlammaanka hadda jira, isagoo kooxahaas ugu qaaqay inay joojiyaan mucaaradnimada , kana wardhowraan xukuumada. Yuusuf Indhocadde ayaa ka digay kooxaha abaabulaya banaanbaxyada , isagoo sheegay in banaanbaxyadu ay wax u dhimi karaan nabadgelyada ka jirta magaalada Muqdisho. Haddalka Yuusuf Indhocadde ayaa ku soo aadaya , kaddib markii isaga iyo rag uu ku jiro maalmo kahor loo diiday inay shirar ay ku qabtaan magaalada Muqdisho si ay u macaaradaan barnaamijka geedi socodka soomaaliya ee Roadmap-ka. Wararka ayaa sheegaya in raga ugu badan ee mucaaradnimada kaga soo horjeeda dastuurka cusub ay yihiin kuwo ka baqaya inay waayaan kuraastooda baarlammaanka , sida uu saxaafada ka sheegay Yuusuf Indhocadde oo si deg deg ah ku bedelay mowqifkiisii hore, kaddib markii uu waayey jid uu kusii mucaarado dowlada, maadaama raga qaswadeyaasha ah loogu hanjabay in talaabo cad laga qaadayo. Qolooyin kale ayaa jira oo danno gaar ah uga soo horjeeda Dastuurka cusub, kuwaas oo gacanta ku haya dhismayaashii shacabka soomaaliyeed iyo dhismoyaal kale oo ah hantida qaranka, wuxuuna dastuurka cusub meesha ka saarayaa danaha shaqsiyaadka doonaya in Muqdisho iyo koonfurta soomaaliya ay ku sii jirto dhibaatada maanta ka taagan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted May 9, 2012 Tallow qodobke la badalay? Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted May 9, 2012 Qodobna lama bedelin, ee the US Embassy stick worked Quote Share this post Link to post Share on other sites
MoonLight1 Posted May 9, 2012 Xaaji Xunjuf;828526 wrote: Tallow qodobke la badalay? one general down, two professors to go. Quote Share this post Link to post Share on other sites