Sign in to follow this  
Saalax

Somaliland:Wasiirada Arrimaha Dibada,Gudaha,iyo Qorshaynta Qaranka oo ka qayb galay Shirka IGAD

Recommended Posts

Saalax   

Wasiirada Arrimaha Dibada,Gudaha,iyo Qorshaynta Qaranka oo ka qayb galay Shirka IGAD ee Addis Ababa.

(Hadhwanaagnews) Tuesday, May 08, 2012

AddisAbaba-(HWN)-Wasiirada Arrimaha Dibada,Gudaha,iyo Qorshaynta Qaranka ayaa Maanta ka qayb galay shir ay ku yeelanayaan Magaalada Addis ababa dalalka ku jira urur goboleedka Igad iyo qaadhaan bixiyayaasha ka taageera arrimaha horumarka.

 

 

AddisAbab-(HWN)-Wasiirada Arrimaha Dibada,Gudaha,iyo Qorshaynta Qaranka ayaa Maanta ka qayb galay shir ay ku yeelanayaan Magaalada Addis ababa dalalka ku jira urur goboleedka Igad iyo qaadhaan bixiyayaasha ka taageera arrimaha horumarka.

 

Shirkan oo ahaa mid ay isku wajahayeen Somaliland iyo qaadhaan bixiyayaasha caalamiga ah ee maalgaliya urur goboleedka Igad ayaa waxaa ka hadlay Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo amaan balaadhan u soo jeediyay guud ahaan qaadhaan bixiyayaasha adduunka ee Somaliland ka kaalmeeya mashaariicda horumarineed waxaanu sheegay in xukuumada Somaliland ay marwalba soo dhawaynayso cid kasta oo wax kala qabata baahiyaha gaarka u ah ee ay tirsanayso.

 

 

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada ee Somaliland Dr Maxamed C.laahi Cumar isla markaana hogaaminayay weftiga ka socda Somaliland ayaa u mahadnaq u soo jeediyay masuuliyiintii kulankaasi ka soo qayb galay , waxa uu wasiirku ka waramay waxyaabihii u qabsoomay dawlada uu ka tirsan yahay mudadii ay hogaaminta qaranka hayeen waxa uu Wasiirka Arrimaha dibadu sheegay inay wada shaqayn dhow leeyihiin urur goboleedka igad isla markaana ay mar walba la kaashanayaan wixii khibrad iyo aragnimo ay uga baahdaan.

 

Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka Igad Maxbuub Macalin ayaa sheegay in urur ahaan ay la dhacsan yihiin guulo faro badan oo dawlada Somaliland ay ka gaadhay dhinacyada horumarka iyo maamul daadejinta waxaanu xusay in aragtida urur goboleedka igad ay tahay mid ay ku sii adkaynayaan waxyaabaha ay ummada Somaliland higsanayso.

 

Kulankan waxaa ka qayb qaadanayay oo kale ku dhawaad labaatan dublamaasi oo fadhigoodu yahay magaalada Addis ababa isla markaana ah kuwa maalgashada qaaradan afrika .

Hadhwanaagnews/Office

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this